Ubadkaaga waa inuu da'daan soo socota booqdaan bixiyaasha caafimaadka: jiraan laba bilood, afar bilood, sagaal bilood, 15 bilood, 18 bilood, laba sano, iyo saddex sano. Ka raadi internetka heerka da'da ee laga helo wargelint iyo horumarin caafimaad leh, nafaqda, iyo arrimaha amniga.

  • Laba bilood
  • Affar bilood
  • Sagaal bilood
  • Toban iyo shan bilood
  • Toban iyo sideed bilood
  • Laba sano
  • Saddex sano


Laba bilood

Laba bilood markuu gaaro, ilmahaaga waxaa laga yaaba:

  • Inuu dhoollo caddeyo oo una jeesto daadahintaada
  • Isku dayo inu wax walbo ku dhego oo uu afka la raadiyo
  • Caloosha markuu u seexdo madaxa ayuu kor u qaadayaa
  • Uusan kaa jeesan oo dhowr jeer wejigaaga fiiriyo
  • Madaxa uu ceshan karo markii dhabta lagu hayo
  • Uu is geddin karo markii dhinac loo seexiyo
  • Uu raashinka ka weecod markey dad kale yimaadaan
  • Jecelyihiin iney gacmahooda fiirsadaan

Nafaqeynta cuunugaaga jira laba bilood

Caanaha naaska ama caano bolbare waa waxa keliya bilaha soo socdo uu cunugaaga u baahanyahay oo nafaqo fiican ah.

Naasnuujinta

  • Nadaamyada naasnuujinta waa kala geddisanyihiin, badi aahn ilmaha 24kii saacadoodba waa la naasnuujiyaa 5 illaa 7 jeer. Naasnuuhinta badan uu cunuggaga helo waxey badineysaa caanaha naaska ka yimaada.
  • Cunugaaga qiyaastii waa in 4 illa 6 jeer xafaayadda maalinti laga beddelaa.
  • Ilmaha qaarkood waxaa laga yaabaa iney saxaro badan leeyihiin kharna ay mar keliya saxooraadaan malinti dhowr maalmood. Saxaradu waxey noqon kartaa mid aad u qoyan ama mid sabiibiixan.
  • Waxad wacdaa Children's iyo United Breast Feeding Resource Center oo ah 651-220-6250 haddaad qabtid wax su'aalo oo ku saabsan naasnuujinta.
  • Nafaqada dhalada:
  • Ilmaha waxey isticmaalaan cabbiryo kala geddisan ee caana bolbaraha, laakiin caadi ahaan da'da hadda ay jiraan waxey qaataan 4 illa 6 waqiyadoo ee nafaqeynta, 5 illa 7 jeer maalintii. Waxaad isticmaashaa caano xadiid leh.
  • Saxaarada jilicsan ee lama fiilaanka ah waa caadi. Saxarada adag waxey noo sheegeeysaa iney ilmaahaaga calooshoodu fadhido.
  • Dhalada yeysan kaaga dhicin sariirta ama kursiga. Waxaa fiican inaad dhalada aad gacanta ku haysid intaad meel kore ka soo deyn lahayd. Haddi dhalada lagu tiirsanaado ilmahaaga waxey ka qaadi karaan jeermiska dhegaha ama uu ku saxado.
  • Arrimaha taxaddarka amniga ee ilmaha 2 bilood jira:
  • Kursiga fadhiga ee ilmaaha si fiican u qaada markasta oo aad gaariga ku wadid isticmaal. Sharciga ayaa qorayo, kursiga wuxuu badbaadiyaa dad badan. Isbataalka caruurta wuxuu amaah ku bixiyaa barnaamig Minnesota kursiga gaariga ee caruurta. Waxaaad wacdaa Children's Family Resource Center oo laga helo 612-813-6816.
  • Ilmaha waxey bilaabaan iney is rogrogaan inatey u dhaxeysa 2-4 bilood, sidaa awgeed marna keligood ha uga tegin sariirta ama miiska. Waxyaabaha ay ku cayaaraan waxaad ka raadisa meelo fiiqan iyo qeybo yar oo si fudud u fuqaya.
  • Kursiga ilmaha waa indhulka la dhigaa, oo aan la saarin miisaska iyo meelaha dukaamada marka lacagta la bixinayo. Waxaa laga yaaba ilmaha oo dhaqdhaqaaqa iney dhulka ku dhacaan.
  • Ilmaha dhabar dhabar ama gees u seexi. Dhibaata qatarta ee ilmaha sida lama filaanka u dhinta (SIDS) ayaa yaraneyso marka ilmala dhabar dhabar ama gees loo seexiyo.
  • Iska ilaali inaad ilmaha aad haysid adigoo sigaar cabaya, sharaab kulul cabaya, ama wax ku karinaya stoof kulul.
  • Iska ilaali inaad isticmaashid barkimo, sariira bambiirada biyaha leh, haragga idaha, ama bolombolo aad u weyn oo cunuga neefta ku celin karta.

Ha illoobin ilmahaaga laba bilood jira wuxuu diyaar u yahay tallaal!


Affar bilood

Affar bilood markey jiraan, ilmahaaga waxaa laga yaabaa:

  • Iney jeclaadaan caryaaraha sahlan, sida adoo gacmaha indhaha iska saara oo tiraahdid ku aawaey
  • Madaxoogaleeciyaan markey shanqarta codgaaga maqlaan
  • Ay qoslaan markey muraayadda iska arkaan
  • Ay is rogrogaan caloosha illaa dhabarka
  • Istaagi karaan ayaago wax cuskanaya
  • Isku dayaan iney gacmahooda wax ku qabsadaan afkana la aadaan
  • Ay wixii dhaqaaqaya indhaha kala socdaan
  • Ay gacmahooda wax ku kala gudbiyaan
  • Isku dayaan iney shanqartay maqlaan ku dhawaaqaan
  • Markaad la hadashid ay afkooda ka soo baxaan erayo aan la garaneyn

Nafaqeynta ilmahaaga afar bilood jira

Ilmaha badankood, naaska iyo cano bobaraha leh xadiid waa waxa keliya oo loo baahanyahay illa ka gaaraan da'da lix bilood. Ilmaha qaarkood waxey da'daan bilaabayaan iney laqaan rashiin culus. Waxyaabaha iney diyaar yihin: badsadaan naasnuujinta aysanna ku filneyn naasnuujinta ama caano bolbaraha, ama rabaan iney ogaadaan waxa ay dad kale ee qoyska ay cunayaan.

Markey ilmahaagu diyaar yihiin, waxey bilabayaan iney si tartiib u cunaan raashin culus. Ilmahaaga ku hay meel amni leh oo adiga kuu dhow. Ka filo iney ilmahaaga waaya aragnimada ay u yeelan doonaan raashinka culus ahaado mid gaabiya rashinkana isku halleyaan. Maro yar uga dhowr rashiinka afka ka data oo dulqaado.

Arrimaha taxaddarka amniga

  • Markey da'daan soo gaaraan shilalka ayaa badanaya sababto ah ilmahaaga waxey rabaan iney wax kastaku dhegaan. Ilmahaaga ku hay meel amni leh. Haddaan la ilaalin,dhulka iyo sariirtaba ma ahaanayaa kuwo amni leh.
  • Guluusyada, kuulaha, lacagta sarrifka ah, iyo waxyaabaha kale oo yar yar ka fogee ilmaha.
  • Ka saar wax alla waxyaabaha ka laalaada sariirta ilmahaaga. Waxaa laga yaaba iney ilmuhu isku qasaan.
  • Ha isticmaali aaladaha ilmaha lagu socod baro. Waxaa badana kufidda lagana yaaba iney ka timaado dhaawacyo culus.
  • Markastaba xaruuso inaad isticmaashid kursiga loogu talagalay markaad ilmaaga gaariga ku wadeysid. Kursiga ilmaha waa in loo jeediyaa gadaal illa uu culeska ilmahaaga noqdo 20 rodol.

Ha illoobin ilmahaaga affarta bilood jira wuxuu diyaar u yahay tallaal!


Lix bilood

Lix bilood markuu gaaro, ilmahaaga waxaa laga yaaba:

  • Inuu suulka iyo faraha ku qabsado waxyaabo yar yar
  • Cayaaro i qari iyo ku aaway
  • Fadhiisto cuskasho la'aan
  • Bilaabo inuu gurguurto
  • Istaago isagoo wax cuskanayo
  • Alaabta wax ku garaaco
  • Ka helo daadihinta iyo sacabka
  • Dadka ku daydo
  • Xooga cabsi gasha markuu arko waxyaabaha sida kabelliga, meelaha dhadheer, iyo dad uusan aqoon

Nafaqeynta ilmahaaga

  • Lama yaqaano da'da la yaqaanno oo aad ilmaahaga ka goysid naasnuujinta ama dhalada caana bolbaraha. Markey da'daan gaaran, ilmahaagu wuxuu ku jiraa waqti isbeddel badan oo mar mar ka weecineyso nafaqeynta; waana marka ugu fiican oo la joojiyo nafaqeynta illaa iyo hadda. Waqtiga kaloo fudud in wax laga jaro waa da'da u dhaxeysa 11 iyo 12 bilood. Joojinta waa iney u dhacdaa si cadad leh
  • Markey gaaraan toddoba ama sideed bilood, ilmaha badankood waxey diyaar u yihiin iney nafaqada qafiifka oo faraha lagu shiidi karo sida cad cad moos ah, buskut khafiif ah, iyo Cherios ama raashin kaloo la mid ah.
  • Siriyalka ilmaha, miraha, khudradda, iyo hilibkaba waxaa la barayaa marba mid , si qiyaasan, sidaasna u kala dambeeya. Ku bilow raashiin aad loo shiiday oo khafiif ah (aad loo khafiifiyay oo la shiiday)
  • Ka ilaali mallayga, ukunta, juuska oranjiga iyo sbarmuutada, iyo caanaha lo'da waxaana lagaa baqayaa iyo xasaasiyo la yimaadaan. Ilmaha looma oggola in sanadka ugu horreya ee noloshooda in la siiyo caanaha lo'da.

Arrimaha amniga

  • Ilmahaaga hadda jira lix bilood si sahlanna ayey uu dhaqdhaqaqaan. Sidaa awgeed waa inaad gurigaaga ka dhigtaa mid taxaddar loogu yeelayo khatarta ka imaan karta amniga ilmahaaga.
  • Meelaha jaranjarada leh waxaad u yeesha irrid quful leh. Irridaas jaranjarada loo aadayo ha noqoto mid xiran.
  • Waxaad hoos u dhigtaa joodariga sariirta ilmahaaga si uusan u korin ugana soo dhicin.
  • Biraha sariirta ku dhegan waa in kor loogu hayaa
  • Qalabka ilmaha lagu socod baro waa khatar. Ha isticmaalin.
  • Gedaha qaarkood oo guryaha lagu hasto sun ayey leeyihiin; waxaad dhigta meel aysan ilmaha gaari karin.
  • Qalabka guryaha lagu nadiifiyo waa khatar oo sun ama dhaawac ayey leeyihiin oo ha lagu hayo meel u baahan in lagu qufulo.
  • Mar alla markaad ilmaha gaariga ku wadeysid waxaad isticmaashaa kursi ku habboon oo sharciyeysan.

Ha illoobin ilmahaaga lixda bilood jira wuxuu diyaar u yahay tallaal!


Sagaal Bilood

Sagaal bilood markey gaaraan, ilmahaaga waxey la imaanayaan firfircooni badan. Tani waxey keeneysaa iney ilmahaaga ku dhaqaaqaan waxey rabaan oo kaa madax bannaanaadaan, lakiin mas'uuliyadda adiga ku saraan waa amnigeeda ama amnigiisa. Da'daan markey gaaraan, waxey u badantahay iney.

  • Keligood iku dayaan iney derbiga cuskadaan oo ay soo aadaan dhinaca kuraasida fadhiga
  • Horey horey ama gadaal gadaal u gurguurtaan ayagoo gacamaha iyo jilbaha cuskanaya
  • Ama waxey arkaan oo yar faraha iyo suulka ku qabsadaan
  • Aay bilaabaan iney yiraahdaan "maamo" iyo "aabo" iyo iney ku hadlaan waxaan la garaneyn
  • Ma raabaan inuu hooyo ama aabo dhulka dhigo
  • Iska dhowran dadka cusub
  • Ay bikery wax ku cabbaan

Arrimaha nafaqada taxluqa

  • Da'daan ilmaha badankood weli waa la naasnuujiyaa ama dhaladaa wax lagu siiyo. Ma jrto da' qoran oo ilmaha naaska laga joojiyo. Ilmaha badankood waxaa la naasnuujiya ama dhalada wax lagu siiyaa illaa ay ka gaaraan hal sano.
  • Ilmaha badankood hadda waxey diyaar u yihiin raashinka "ilmaha".
  • Ilmahaaga waxaa laga yaaba iney ka helaan rashin nooc kale oo fudud sida macmacaanka burka laga sameeyo, bataati la shiiday, caanafadhiya, iyo jalaatada. Ilmahaaga waxaa kaloo laga yaaba iney ka heelan raashinka faraha lagu cuno sida mooska, Cheerios, iyo khudrad la kariyey.
  • Markasta si tartiib ah raashinka u sii; rashin cusub 3-4 maalmoodba.
  • Ilmahaaga wxaad siisaa qaadadooda si ay ugu ciyaraan markey raashinka cunayaan.
  • Sharaabka ka sii galaaska.
  • Ka filo waqtiga raashinka inuu noqdo mid shiddo badan.
  • Si aysan ilmahaaga ilkaha uga hallabin, ha seexinin iyaago dhalada ku haysta.
  • Rashin adag sida looska, sabiibka, ama daangada ha siinin ilmahaaga. Waxaa laga yaaba iney ku mergadaan.

Arrimaha amniga

  • Waxaad guriga ku haysataa sharoobada ipecap haddey dhacaan shilal la xariira sun.
  • Waxaad isticmaashaa kursi sharciyeysan ee ilmahaaga oo gaariga lagula xiro culeyskiisana yahay illa 20 rodol, dhererkana yahay illaa 27 inji (qiyaastii illa 10 bilood jira). Markuu 20 rodol uu kor u dhaafo waxaad isticmaashaa kuraasida ilmaha gurguurta.
  • Markaad saro dhaadheer joogtid ilmahaaga ha ka fogaan.
  • Biyaaha waxey keeni karaan qatar. Markaad u qubeyneysid ilmahaaga markastaba agjoog, meel iyo biyo fadhiyaan, ama meel kastoo biyo leh. Ilmaha waxey ku nafwaayi karaan biya gaarayaa illaa hal inji.
  • Markastaba aaladaha yar yar ka fogeyn ilmahaaga.
  • Markastaba biraha sariirta ha ku xirnaadaan meesha ugu sarreysa.
  • Dhammaan daawada, qalabka wax lagu nadiifiyo, alaabaha kale oo kimiko leh waxaad dhigtaa meel kore oo aysan ilmaha gaari karin.
  • Adigoo isticmaalaya rumay aad u fudud waxaad maalin kasta nadiifisaa ilkaha ilmahaaga, marna maro nadiif ah isticmaal. Looma baahna daawada ilkaha.
  • Waxaad isticmaashaa daahyada nooca SPF 15 ama ka sarreya markey ilamahaaga blastiko ku dabool.
  • Waxaad isticmaasha aalado ka ilmaha ka dhowraya khaanadaha ama armaajada. Waxaa laga yaabaa inaad ka tagtid khaanad furan taaso u suuro gelineysaa iney ku jiraan alaado blastiik ama digsiyeyaal oo ilmaahaaga siiya fursa uu wax ku eego.
  • Irrido quful leh u isticmaal meeshay jaranrada ku taallo.
  • Sagaalkii biloodba waa in ilmahaaga xxxx oo sanad kasta laga baaro illaa ay ka gaarto lix jir marka ay dhacayso booqashada caafimaadka fiian. Unugyada xxxx waxaa laga helaa wasaqda iyo waxyaado kale.
    Haddaad rabtid inaad ilmahaaga ka reebti ineysan laqin wasaqda, markastaba gacmihiisa/gacmaheeda iyo wajigaba ka dhaq, khasatan markey raashin cunayaan.


Toban iyo shan bilood

Markuu toban iyo shan bilood gaaro, ilmahaaga gurguurta waxaa laga yaaba inuu sameeyo waxa soo socda:

  • Inuu xooga awood u yeesho inuu keligii wax cuno
  • Ku dhawaaqo 4-10 "hooyo" iyo "aabo" ka sokow
  • Keligiis istaago oo u socdo
  •  Foorarsado si uu boombolada u qabsado
  • Uu banooni wareejiy ama tuuro
  • Gaalaas wax ka cabo isagoon aysan wax ka daadan
  • Weli diyaar uma aha in suuliga loo tababaro. Waxaa weli fiican inuu midka yar weli isticmaalo inkasto markaan ay u badan tahay inuu caayaar ka dhigto
  • Ilkaha dambe ayaa u soo baxaya taasina waxey keeneysaa inuu cirridka xanuun badan ka yimaado. Soo bixidda ilkaha waa arrin xanuun badan keenta. Waxaad ilmahaaga siisa wayaabo dhowraya ilkahaas soo baxaya sida buxkut jilicsan iyo inaad ciiridka taatabatid.

Ariimaha nafaqada

  • Ilmahaaga wixii miiska la soo dhigo way cuni karaan caanaha lo'dana waxey qaadan maalinta oo dhan.
  • Waxaad siisaa raashin nafaqo fiican leh oo si fududu loo calaajin karo.
  • Waxba ha ka walwalin haddusan cunugaaga wax walba cuneyn, waxa laga yaaba inu raashinka qaarkis ka jecelyahay raashin kale, laakiin isbeddel ayaa dhici doono.
  • Waxaad siisa qaado, waxaan laga yaaba iney wax badan ku qaadato barashadeeda.
  • Ka ilaali raashin yar oo adag sababi karan inuu ku mergado (sida daangada, looksa, hilibka guduudan, iyo karootada.)
  • Waa caadi in 5-6 jeer la siiyo raashin yar maalinti oo ku xirantahay baahidooda iyo sidey wax u cunaan
  • Sii raashin caafimaad leh sida miraha jilicsan, canaha fadhiya, formajo, iyo buskut.
  • Si aad uga dhowrtid ineya ilkaha ka halabaan maalin kastaba ilmahaaga ilkaha ugu buraash jilicsan ugu nadiifi. Xooga yar oo daawad ilkahana isticmaal.

Arrimaha amniga

  • Mar alla markaad ilmaha gaariga ku wadeysid waxaad isticmaashaa kursi ku habboon oo sharciyeysan.
  • Qalabka guryaha lagu nadiifiyo iyo daawada ku hay meelo aysan ilmahaaga gaari karin ama meelo quful leh. Arrimaha amniga waxaa ka mid inaad garaashka aad ka warqabtid.
  • Irridaha ha xirnadaan ama irrido yar u yeel meelaha qaarkood oo ay khatar ka imaan karto.
  • Aalado amni leh ku xir khaanadaha iyo armaajada iyo inaad meelaha korantada ku xirtid aalado blastiko leh oo dhowran.
  • Waxaad isticmaashaa daahyada nooca SPF 15 ama ka sarreya markaad ilamahaaga aad dibadda u dhigtid.
  • Dhinacyada saariirta gey meesha ugu sarreysa, joodarigana waxaad geysa meesha ugu hooseysa.
  • Sagaalkii biloodba waa in ilmahaaga xxxx oo sanad kasta laga baaro illaa ay ka gaarto lix jir marka ay dhacayso booqashada caafimaadka fiican. Unugyada xxxx waxaa laga helaa wasaqda iyo waxyaado kale. Haddaad rabtid inaad ilmahaaga ka reebti ineysan laqin wasaqda, markastaba gacmihiisa/gacmaheeda iyo wajigaba ka dhaq, khasatan markey raashin cunayaan.
  • Haddaad ilmahaaga aad bushkuleeti kursi leh ku wadeyid ama uu adiga kula saaranyahay waa inaad u gelisaa kofiyad madaxa u dhowreysa.
  • Ilmahaaga keligood ha uga tegin meel ay biyo fadhiyaan, xatta meesha lagu qubeysto.
  • Ilmahaaga keligood ha uga tegin gaariga gudahiisa xatta haddey hurdaan.

Ha illoobin ilmahaaga u dhaxeya taoban iyo labo illa toban iyo sideed bilood jira inuu diyaar u yahay tallaal!


Toban iyo sideed bilood

Markey jiraan 18 bilood, ilmahaaga wuxuu sameyn doona waxaan soo socda:

  • Ay keligood labistaan (haddi fursaddaas la siiyo)
  • Keligood raashinka qaado ama fortgeeto ku cunaan
  • Kuwo dhawaaqaan ereyo cayaar ah ama waxa guriga yaalaa ama waxey arkaan
  • Dhisaan guryaha lagu cayaaro
  • Buug ama joornaal ay fiiriyaan
  • Xasuusan karaan waxyaabaha fudud
  • Iskudayaan iney wax qoraan, rinjiyeyaan, ama qalin wax ku sawiraan

Arrimaha nafaqada

  • Inaad raashinka cad cad yar u jarjartid si aysan ugu murgan.
  • Cunugaaga wuxuu nafaqo uga baahanyahay dhammaan waxyaabahaan soo socda. Waxaana ka mid ah: kuwa caanaha iyo formaajada; hilibka-mallayga-digaaga oo leh nafaqo u dhigan midda laga helo ukunta, formaajada, ama digirta; miraha; cagaargka jaallaha ama caagaar ah; rooti nooc walba ah, bataati iyo noocyada siiriyaada.
  • Haddaadan weli ilmahaaga dhalada ka jarin waxaad habeenki waqtiga hurdada siisa dhalo biyo ay ku jiraan.
  • Si aysan ilkaha u hallabin, ilmahaaga waa inaad u rumeysaa maalin kasto adigoo istimaalaya burash fudud. Waxaaadna istimaashaa wax yar oo daawada ilkaha.

Arrimaha amniga

  • Markaad ilmaha gaariga ku wadeysid waxaad isticmaashaa kursi ku habboon oo sharciyeysan illaa ay ka gaaran 4 jir ama culeyskoodu gaaro 40 rodol.
  • Marna ilmahaaga keligood ha uga tegin meel ay biyo fadhiyaan ama meel u dhow (qubeyska, iyo fadhiya, lakta) xattaa ilbiriqsiyo yar
  • Geesaha saarirta ilmahaaga kor u qaad
  • Ka ilaali waxyaabaha keeni karo inuu mergado: guluusyada, waxyaabo yar yar oo lagu cayaaro, lacag sarrif ah, iyo nacnac aad u adag.
  • Nambarka laga waco Xarunta Sunta waa inaad telefoonkaaga gelisaa (1-800-222-1222).
  • Waxaad fiirisa waxey ilmahaag jacelyihiin. Meesshay korantada marto eeg, digsiyo kulul, meelaha digsiyad la qabto oo kulul, qalabka nadaafadda, iyo jidadka gawaarida leh.
  • Waxaad isticmaashaa daahyada nooca SPF 15 ama ka sarreya markaad ilamahaaga aad dibadda u dhigtid.
  • Waa in ilmahaaga wasaqda rujinada sanad kasta laga baaro illaa ay gaaraan lix jir marka ay dhacayso booqashada caafimaadka fiican. Si aad cunugaaga uga dhowrtid wasaqda, gacmahooda iyo wejiga dhowr jeer dhaq, siiba marka raashinka la cunayo.

Ha illoobin ilmahaaga u dhaxeya taoban iyo labo illa toban iyo sideed bilood jira inuu diyaar u yahay tallaal!


Laba sano

Laba sano markuu gaaro, cunugaaga yar wuxuu sameyn karaa:

  • Ku raaxysto meelaha lagu cayaaro, meelo koro, meelo ku taraaraxo, uu jaranjarada kor iyo hoos u aado
  • Ku raaxeysto inuu ilmaha kale la cayaaro ama ku daydo kuwa la da'da yahay
  • Ku hadlo ereayo weedhodu gaareyso 2-3 ama ka badan
  • Muujinayo calaamadaha ugu horreya sida suuliga loo isticmaalo. Xasuusnow tababarka isticmaalka suuliga waqti iyo dulqaad ayuu qaadanayaa. Sug illaa uu cunugaaga diyaar u yahay inuu xirfadahaan cusub ka barto.

Arrimaha nafaqada

  • Ilmahaaga wixii miiska la soo dhigo way cuni karaan caanaha lo'dana waxey qaadan maalinta oo dhan.
  • Xasuusnow cunugaaga adiga ayuu ku dayanayaa. Waxaad cunta raashin nafaqo kala geddisan leh isku meelna wax ku cuna.
  • Ilmaha waxey jecelyihiin keligood ay qaado ama forgeeto wax ku cunaan galaskana wax ka cabaan.
  • Waqtiga raashinka waa mid aad u dhib badan. Markasto maro aad wax ku nadiifisid diyaar la ahaw.
  • Waxaad sharaab yar ku siisa galaash yar, dhowr jerna u buuxi.
  • Rashin nafaqa kala geddisan leh sii, adigoo markaas cad cad yar ugu jara, oo si fiican loo calaanjin karo.
  • Ilmaha iyaaga ugu aqoon roon inta ay raashinka ka cuni karaan, mar marna raashin badan ayey rabaan marna mid yar.
  • Waxaad siisa raashin leh nafaqo dheelitiran.

Arrimaha amniga

  • Ilmaha aad ayey u fudfududyihiin. Marna ayagoo keligood ah gaariga ha uga tegin, ama meel ay biy fadhiyaan, ama jikada marka aad wax karineysid.
  • Hadda gurigaaga waa inuu ahaada mid amnigiisu surto gal ka dhigaya inuu cunuga ku noolaado balse wax kasto amniga mar labaad waa inaad amnigooda xaqiijisaa:
  • Aaladaha amniga leh ku xir khaanadaha, meelaha korontaada leh, iyo meelaha leh fiilad korontada.
  • Nambarka laga waco Xarunta Sunta waa inaad telefoonkaaga gelisaa (1-800-222-1222).
  • Waxaad guriga ku haysataa sharoobada ipecap haddey dhacaan shilal la xariira sun.
  • Waa in ilmahaaga wasaqda rujinada oo sanad kasta laga baaro illaa ay gaaraan lix jir marka ay dhacayso booqashada caafimaadka fiican. Si aad cunugaaga uga dhowrtid wasaqda, gacmahooda iyo wejiga dhowr jeer dhaq, siiba marka raashinka la cunayo.
  • Ilmahaaga waa in lagu xaqiijiyaa suunka kursiga gaariga mar alla marka uu gaariga jidka marayo.


Saddex sano

Cunugaaga marku saddex sano jiro, waxyaabahaan ayuu sameyn karaa:

  • Inuu bushkuleeti kaxeysto
  • Qalmaanta crayons wax ku sawiri karo
  • Uu jirkiisa markato wax cajabiya ka eego
  • Aqoon u leh magaciisa iyo da'diisa
  • Leeyahay saxiibo qiyaali ah
  • Weedh isticmaalo markuu hadlayo
  • Barto sid loo isticmaalo magic-u-yaalka
  • Leh awood u kaadida ku ilaliyo
  • Ilkaha rumeysto
  • Maqlo waxa loo sheego kuna dhaqaaqo waxyaabaha maalin kasta caadiga u ah
  • Diyaar u ah in la geeyo dugsiyada barbaarinta

Arrimaha nafaqada

  • Saddex jirkaaga wuxuu diyaar u yahay inuu rashin miiska u soo fariisto.
  • Waxey diyaar u yihiin iney raashinka sii fiican oo dhib baneyn oo ka duwan sidii hore wax u cunaan.
  • Waxey u badantahay inuu saddex jirkaaga uu maalinna raashin badn cuno maalinta kalena raashin yar cuno.
  • Si raashiin nafaqo dheelitiran leh.

Arrimaha amniga

  • Markaad ilmaha gaariga ku wadeysid waxaad sii isticmaashaa kursi ku habboon oo sharciyeysan illaa ay ka gaaran 4 jir ama culeyskoodu gaaro 40 rodol.
  • Marna keligood gaariga ha uga tegin.
  • Dhegaha digsiyada gudaha u celi.
  • Midiyaha ku hay meelo aysan gaari karin. Ama kaba sii fiican meel ku quful.
  • Qoryaha iyo bastooladaha amniga ilmaha ayey qatar u yihiin. Sida ugu fiican waa inaad marna guriga keenin. Haddaad garatay inaad guriga hub ku haysatid, hubka iyo rasaasta ku hay bokisyo kala geddisan oo qufulo leh.
  • Waxaad bartaa si amni leh in jidka loo maro.
  • Waxaad bartaa iney iska taxaddaraan markey u dhowyihiin eeyo aysan aqoon u lahayn.
  • Ilmahaaga kala hadal sida amniga loo helo. Waxaad bartaa iney adiga markasta kuu sheegaan cidda ay raacayaan.
  • Waxaad bartaa iney ilmahaaga jirkooda dhowraan, oo ka mid tahay taabashada fiican iyo taabashada xun.
  • Waa in ilmahaaga wasaqda rujinada oo sanad kasta laga baaro illaa ay gaaraan lix jir marka ay dhacayso booqashada caafimaadka fiican. Si aad cunugaaga uga dhowrtid wasaqda, gacmahooda iyo wejiga dhowr jeer dhaq, siiba marka raashinka la ccunayo.