Waxaad diyaar u tahay inaad gurigaaga la addid cunugaaga cusub! Intuusan cunuga guriga aadin, waxaan soo socda waa iney noqdaan kuwo wax laga qabtay.

  • Ku guuleysashada quudinta. Cunugaaga waa inuu nafaqo qaadan karo ama qaata wax kastoo nafaqa ku filan ee laga siiyey dhalo uuna qaata in ku filan si uusan dhacaanka u gurmin. Cunugaaga waa inuu qiyaas muujiya markuu naaska nuugayo, wax laqayo, iyo neefsanayo inta uu wax cunayo.
  • Cunugaaga uu si caadi kaadida uga timaado iyo in hal mar saxaro ka timaado.
  • Heerkulka jirka, garaacista wadnaha, heerka neefsashada, awooda dhiiga ay caadi u yihiin markuu sariirta jiifo.
  • Adiga (iyo xanaano bixiyaha) ay caadi idiin tahay nafaqaynta naaska ama noocyada dhalada.
  • Adiga iyo xanaano bixiyaha aad barataan waxyaabaha asaasiga ee xanaanada sida xanaanada jirka, qubeyska, tillaboyinka amniga, iyo calaamadaha jirrada.
  • Bixiyaasha xanaanada caafimaadka waa laguu doortay adigana waxaad haysataa telefoon nambarka haddey jiraan su'aalo ama ahmiyado. Waxaad u baahantahay meel aad la talin iyo wargelin ku saabsan naasnuujinta iyo xanaanada guud ee cunugaaga.
  • Imtixaam baaritaan lagu sameeyo dhammaan xubnaha iyo kimikada jirka. Dhammaan gobollada dhana waxey isabataallada ka codsadaan iney ubadka dhasha ka baaraan cudurro dhif ah oo laga helo kimikada jirka. Takahaatiirta ma oogaan karaan hadduu cudurkaan xaadir yahay illa uu cudurku faafo oo maskaxda iyo jirka kaleba gaarsiyo dawacyo aan la daweyn Karin. Ka warhelidda hore iyo daaweynta waxey ka hortagayaan dhibka ka imaan kara. Baariitaanka dhiigga ubadka cusub wuxuu si loo hubo shegaaya ubadka cudurka uu hayo. Dhammaan gobollada oo dhan waxey baaraan phenylketonuria (PKU) hawlaha gaabaan ee janjirada. Isbataalka aad wax ku dhashay waa inuu helaa baaritaanka imtixaamka kimikada jirka. Caadi ahaan isbataalka wuxuu haystaa natiijada ka soo baxda waana iney u gudbiyaan xanaano bixiyaha. Marka ugu horreysa oo aad cunugaaga waa inaad weydisaa haddi natiijada imtixaamka uu diyaar yahay. Mararka qaarkood imitixaamka waa in dhowr jeer lagu celceliyaa hadduu cunuga ka soo hormaray waqtiga caadiga ah, baaritaanka la qaaday 24 saacadoo ee ugu horreyey kaddib markuu cunuga dhashay, ama haddii natiijaada ay noqoto mid aan caddayn.
  • Tallaalka hore ee cagaarshowga B ayaa la sameynayaa ama ballan ayaa laguu dhigaya.
  • La dhammeystiro baaritaanka maqalka.
  • Aad leedahay kursiga gaariga ee cunugaaga cusub ama aadna aqoon u leedahay sida loo isticmaalo.
  • Xanano bixiyaha hore ee hoyada iyo cunugaba waay la socdaan waqtiga isbitaalka lagaa soo saaray. Ballanka ku xiga ee cunug waa in loo sameeya laba illaa toddoba beri kaddiba marka isbataalka laga baxo. (Ballanka ka dambeeya waqtiga isbataalka lagaa soo saro isku mid mahaa waxeyna ku xiranyihiin takhaatiirta.)

Waa gorma markuu ka soo baxa isbataalka yahay mid deg degsiyo ah?

Marka waalidka loo eego, ka soo bixidda isbataalka markastaba waa mid deg degsiyo ah illaa aad ka dareentid inaad cunugaaga guriga u wadatid. Ka soo baxa isbataalka wuxuu deg degsiyo noqonayaa mar alla markeysan hooyada iyo cunuga sababo caafimaad awgood diyaar u ahayn iney isbataalka ka soo baxaan. Mararka qaarkoodna inakastoo aadan adiga saa qabin takhaatiirta ayey la tahay inaad diyaar u tahay inaad isbataalka ka baxdid.

Qorshoyinka caafimaadka qaarkood waxey isticmaalaan nadaam ah in isbataalka laga baxo 24 kaddib markuu cunuga dhashay. Qanuunka Difaaca Caafimaadka Cunuga Dhashay iyo Hooyada ee ah mid midowga ka dhaxeya ee soo baxay 1996 ayaa mamnuucay caadadaas. Sharciga wuxuu oranaya kuwa caafimaadka qorsheeya iney 48 saacadood ee isbataalka u oggolaadaan kaddiba marku cunuga sida caadiga loo dhalay, 96 saacadoodna marka hooyada caloosha dhinaceeda la qalay. Sharciyeynta qaanunka fa'iido ayuu leeyahay, laakiin waxaa loo baahanyahy waa qorshe caafimaad oo tixgelinayo xaaladda caafimaad ee shaqsiyeed markaas la rabo.

Khatarta Yar ee Hooyiyinka iyo Dhallaanka

Haddaad raacdo tusaaloyinka hoos ku qoran cunugaaga wax dhibaato ah iney ka soo gaarto gaarto ayaa yaraaneyso:

  • Marka umusha lagu jiro, dhalitaanka, iyo wixii ka dambeeyey marku cunuga dhashay waxey ahayeen kuwo aan tilmaamoo gooni lahayn. Haddey wax dhibaato ah jirtey, lagama yaabo in hadda ay bilaabato. Laakiin waxaa jiro dhowr umurood oo ka baxsan , sida jermis cudur dhaliya iyo cagaarshowga, lakiinse ma badna.
  • Wuxuu ahaa hal cunug keliya(ahayn mataano, ama saddex ilmood), iyo calool ku qaadidda oo koritaan caadi lahay una dhexeysay 38 illa 42 usbuuc.Xataa uurka noocan markey ka dhashaan dhowr cunug waxey u badantahay in hawsha isbataalka uusan ka badan 1 ama 2 beri. Laakiin markey ilmaha ku dhashaan 37 bilood ama ka yar waxaa laga yaaba iney qabaan dhibaatoyin la xariraa nafaqo qaadashada oo si loo xalliyo waqti qaadaneyso. Arrimahaan oo kale markey dhacaan waxaa fiican in dhowr maalmood la sugo intii guriga la aadi lahaa kaddibna ay dhibaatada bilaabato.
  • Baaritaanka Caadiga ee Caafimaadka. Tani waa arrin aad muhiim u ah loo bahaan inuu takhtarka ama kaaliyaha xirfadda u leh sameeyaan qiimeyn taxaddar leh—caadi ahaan waxaa fiican in isla takhtarka cunuga u baari doono sida bukaansocod inuu ahaado kan isbataalka ku baarayo. Meesha cunuga laga guday waa iney noqotaa mid aan dhiig lahayn hal ama laba saacadood intaan isbataalka laga saarin. Cagaarshowga uma badna in laga helo 24 sacaadood ee hore lagama yaabo in laga helo marka isbataalka laga baxaayo.

Warkii oo Cad

Ka soo baxa isbataalka waa arrin dhextaal oo ay dhameyn karaan waalidka iyo takhtarka hooyada iyo takhtarka cunuga. Si toos ula hadal takhtarka haddaadan raali ka ahay qorshaha isbaaltka looga saarayo. Mar alla markaad guriga aadid, waxaad u baahantahay qorshe wargelin caafimad iyo qof aad soo wacdid haddey dhibaato dhacdo. Markaad gurigaaga aadid, waxaa laga yaaba iney su'aalo badan kula soo gudbonaadaan. Arrimahani waa kuwo caadi, waana calaamadaha uu leeyahay waalid si daacad raba inu wax u ogaado. Su'aalahaaga meel ku qoro oo diyaar u ahaw inaad shebaarka weydiisid si aad jawaab u heshid.