|
Ku soo dhawoow shebakada Internetka ee Isbitaalka Caruurta. Waxaan ku Turjunay luuqada soomaliga dhowr bog oo ka mid ah shebakadayada internetka si aan kaaga caawino inaad nagla qayb qaadato siinta cunugaaga caafimaad ilaalin buuxda.
Laga bilaabo bogan waxaad ka heli kartaa laamo ku geeya bogaga ku qoran afka soomaaliga oo dhan. Waxaa ku jira warbixino kuu diyaarinaya sida aad ku keeni lahayd cunugaaga Isbitaalka Caruurta iyo weliba inta uu cunugaagu joogo halkan. Waxaan haynaa warbixin gaar ah haddii aad rabtid inaad booqato mid ka mid ah Isbitaaladayada ama bukaan socod eegtadayada marka kuugu horaysa.
Shebakadayada internetku waxay qeexaysaa sida ay u shaqayso daawaynta reer galbeedku(maraykanku). Waxa laga yaabaa inay aad uga duwan tahay wixii aad ku isticmaali jirtay wadankaagii. Waxaan kula talinaynaa inaa fiirisid.
Waxaan ku turjumaynaa soomaali waraaqaha waxbarida bukaanka in badan. Bogagan ama warbixinadan ku jira shebakada internetka, waxaan siinaa waalidka marka ilmahooda laga saaro Isbitaalka ama shaqo looga qabto bukaan socod eegtada (clinic). Waxay daboolaan xaalada caafimaad iyo dawada la siiyo bukaanka.
Isbitaalkayagu wuxuu siiyaa turjubaano qoysaska bukaanka kuwaasoo aan si aad ah ugu hadli karrin luuqada. Haddii aad timaado mid ka mid ah Isbitaaladayada ama bukaan socod eegtada (clinic) waydiiso shaqaalaha caawin ka dib iyaga ayaa kuu qorshaynaya shaqada aad uga baahan tahay . Haddii uu kuu soo diray clinic kale isbitaalka Caruurta, fadlan u sheeg inay kuu diyaariyaan qof kaa caawiya turjumida shaqada aad nooga baahan tahay.
|