Hiddaha Daweynta Reer Galbeedka (Ameerikaan)
Ma takhtar Ameerikaan ah ayaad la ballansantahay? Ma isbataal Ameerikaan ah ayaad u socotaa? Waxaa laga yaabaa daryeelka ay bixiyaan takhaatiirta iyo kaliyeyaasha Ameriikaanka ka duwanyahay kaad ka heli jirtey meesha aad u dhalatay. Run ahaanti aadista aad u tagaysid qof aqoon sare u leh daaweynta iyo daryeelka kana tirsaneyn reerka aad ka dhalatay waxaay adiga kula tahay arrin aad u duwan. Markaad goosatay inaad takhtar aado waxaad ku dhaqaaqday tallaabadii ugu weyneyd.
Takhaatiirta iyo kaliyeyaasha Ameerika waxeey ku dhaqmaan daweynta "Reer Galbeedka". Waxaaana watay caddaanki ugu horeyey ee Ameerika u so haajarey. Addunyada kale waxaa lagu dhaqmaa daweynta "Reer Bariga", kana timid Aasiya.
Takhaatiirka Ameerikaanka waxeey qabaan iney jirto sabab jireed, sida cudur, oo kallifo xanuun. Bukaanka wuxuu ka yimaadaa sababo dabiici ah. Marka loo eego daweynta reer galbeedka, bukaanimada kuma xirna diin iyo ruux. Hadii takhaatiirta si cilmiyeysan u tilmaamaan sababta dabiiciga ee xanuunka, markaasi waxaay u badantahay, aana shardi ahayn, ogyiihinn sida aad adiga ku roonaatid.
Takhaatiirta Ameerikaanka waxaay kaashadaan qalab iyo aalado badan. Mararka qarkood waad sheegi kartaa waxaa xaanuunka ku keenayo. Laakiin takhaatiirka reer galbeedka waxaay istacmaalaan aalado casri ah oo lagu baaro xubnaha gudaha ama waxaay sheegi karaan waxa ugu yar oo dhiigaada ku jira. Tusaale, ayagoo kaashanaayo muraayad khaas takhaatiirta waxaay arki karaan jermiiska il-ma aragto jirkaadane ku jira.
Si ay u fahmaan sababta kuu keentay jirrada iyo waxa ku caawiyo, takhaatiirta Ameerikaanka waxeey ku weydinayaan su’aalo badan. Waxeey ka wareysanaayaan caafimaadkaada. Waxeey rabaan iney ogaadaan cafimaadka abaahaa iyo hooyaadaba. Takhaatiirta waxeey baarayaan meesha jirkaada oo butka. Aalado ayaago kaashanaayo ayey baaritaan samenayaan. Waxaa lagaa yaaba dhiig, kaadi iyo candhuufada afkaada ka qaadaan si loo baaro. Waxyaabahaan oo dhan waxaa loo sameynayaa in la ogaado waxa jirrada keenayo. Waqti ayey qaadaneysaa si tillabooyinkaan lo dhammeystiro.
Mararka qaarkood takhtarka wuxuu ku fekeraa inuu xanuunka keligiis iska tegi doono. Si aad caafimaad u heshid mararka qaarkood takhtarka wuxuu kugula talinaayaa inaad qaadatid daawo ama rashiin ka duwan kii hore. Waxaa dhici karto takhtarka inuu baaritaan ama daryeel kuugu diro isbataal.
Takhaatiirta Ameerikaanka waxeey xoog saaraan inaad adigu tahay muqaal jirka ah. Daawada reer galbeedka waxaay ku saleysantahay ra’iga ah iney dadka leeyihiin muqaal jireed iyo midka nafta (ama ruuxa). Hawsha takhtarka u taala waxeey tahay inuu aqoon caafimaad oo saynis ku saleysan ku daaweeyo muqaalkaada jireed. Naftaada (ama ruuxa) wuu ka duwanyahay muqaalka jireed waana arrin diineed, ahayna daaweyn. Takhaatiirka Ameerikaanka diinta kama raadiyaan sababa keena jirrada. Takhaatiirta Ameriikaanka caadoyin diined kuma istacmaalan daweynta cudurka. Laakiin takhaatiirta Ameerikaanka way xushmeynayaan dhaqaankaada dineed waxeeyna kugu dhiiri gelinaayaan inaad sii wadid inta ay ayaga ku daryeelayaan.
Daawada Ameerikaanka adiga ayaa ill gooni laguugu egayaa. Dhaqanka Ameerikanka waxaa bar-timaameed u ah shaqsiga. Markaad qof qaangaar tahay takhtar Ameerikaan ama isbataal tagtid, adiga ayaa lagu weydinaya go’aanka lagu gaarayo daryeelkaada – reerkaada lama weydinayo. Hadaad u baahantahay iney dad kale kula taliyaan , sida waalid wayeel ah ama odey ka socda jaaliyada, sii ay kugu caawiyaan talada markaa waa inaad takhtarka u sheegtaa. Takhaatiirta waxeey ku sinayaan talooyin aad caafimaad ku heshid. Adiga ayey kugu xirantahay hadaad rabtid inaad talada takhtarka qaadatid iyo hadii kaleba.
Si aad u raysatid takhaatiirta Ameerikaanka waxeey kugula talinaayaan inaad cuntid raashin caafimad leh. Hawsaha takhtarka waxaa ka mid inuu kugula taliyo inaad cuntid raashin caafimaad leh iyo si caafimaad leh u noolatid. Takhaatiirta wey ogyihiin waxaa la meelmarin karo iyo waxaan la meelmarin karin. Hadaad dhaqankaada caafimaad fiicanyahay, inta jeer uu xanuun ku qabto wey yartahay, noloshaada waa dheeraaneysaa, waxaana u riyaqeysaa caafimaad fiican. Daawada reer galbeedka malimba maalin ku xigta waxaa bartilmaameed u ah si looga hortegi lahaa cudurka.
Takhaatiirta Ameerikaanka waxbey ku taqasusaan. Takhaatiirta khaarkood waxaa loo tababaraa sidey uu caawin lahayeen reerka oo dhan, dhallaanka illa dadka ugu weyn sida ayeyo iyo awowe. Lakiin, thakhaatiir kalo badan waxeey mareen tababar aad u ballaaran. Tusaale, takhaatiirta cuduradda caruurta aqoon dheraad ayey u leeyihiin wixii caruurta ku saabsan. Isbataalada qaarkood waxaa loogu talagay arrimo khaas ah. Waxaa jira isbataalo khaas u ah caruurta keliya.
Takhaatiirta Ameerikaanka waxeey adiga kugu dhiiregelinayaan inaad su’aalo weydiisid. Takhaatiirta, kaliyeyaasha, iyo dadka isbataalada iyo sheybaarada ka shaqeeya waxeey rabaan iney fahmaan xaaladaada caafimaad iyo sidaad ku raysan lahayd. Waxeey rabaan inaad su’aalo badan weydiisid. Adiga ayaa lagaa rabaa ogolaansho sidaad u qaadatid daawada uu takhtarka kuugula taliyey, markaa intaan waxba lagu dhaaqaaqin aad beey muhiim u tahay in si fiican laguu fahmo.
Ballamada takhtareed, sheybaarka iyo isbataalada Ameerika waxaa ku kacaayo kharash lacageed. Adiga ayaa mas’uul ka ah bixinta kharashka daryeelkaada. Dad badan waxeey leeyihiin caymis ama barnaamijyo dowladeed oo ka bixiyo qarashka daryeelka oo dhan. Lakiin waxaa loo baahanyahay intaan daaweynta loo dhaqaaqin inaad ogaatid intuu yahay qiimaha daryeelka iyo intuu caymiska ama dowlada bixineyso.
Intaadan takhtar u tegin waxyabahaan waa inaad sameysaa.
- Samee qoorsheyn saad balanka u tagtid waqtiga lagaa rebey. Hubso qof aad taqaanid inuu aqoon u leeyahay cinwaanka xaafiska.
- Horey u soo qaado warqadahaada caafimaadka iyo kuwa aqoonsiga.
- Si wacan u soo labiso.
Soo qoro oo diyaarso su’aalahaaga si aadan u illaabin arrimo muhiim ah.
|