Buufis Barbaarta:
Waalidiinta maxa ay sameyn karaan
Buufis --- marka ay kaa jajabsan tahay ama aad murugeysan tahay --- waa dareen qof kasta saameyn karta. Waana caadi iney qeyb ka ahaato caadifada kala duwan ee dadka soo mara. Waana caadifo ama dareen faa’iido leh. Waxeyn toban-jirka garansiisaa mushkilooyinka iyo sida dhibaatooyinka loo qaabili lahaa. Hadii murugada buufiska ay tagi weyso ama caqabad ay ku noqoto hawl maalmeedka, markaa waxaa qasab ah in buufiska la ogaado lana daaweeyo. Marka barbarka dareenkiisa uu qaso wax qabadkiisa, waxey taa tilmaameysaa in caadifad ahaan uu si daran u jaha wareersan yahay.
Calaamadaha Buufiska
Calaamadaha buufiska barbarta si kala duwan bey uga mooqan karaan. Waxaana ka mid ah:
- Dhibaatooyin hurdo la’aan waqti dheer ku haysa, hurdo badan, ama hurdada oo kaa qasanta.
- Dhibaatooyin khuseeya rabida cuntada oo kana isbadal miisaanka qofka.
- Heerka tabarta oo kordha, waxaana ka mid ah: kacsanaan, xasilooni daro, hor iyo gadaal u socosho.
- Luudid, sida dhaqaaqa jirka oo aad u tartiibisid ama hadalkoo gaabis noqda.
- Daal, tabartoo lunta, ama tabar la’aan.
- Dareemid wax matarnimo ah, isyasid, ama iskukalsoonidoo la waayo.
- Dambi dareemid.
- Isku koobidda oo lunta.
- Dareen buufis leh sida oohin badan ama murugo.
- Nolashoo laga quusto.
- In lagu walwalo dhimasho ama isdil.
- Xiisaha aad u qabtay waxaad rabtay oo ah, dadka, ama firfircoonida oo la waayo.
Calaamadaha la socdo
In la ogaado buufiska ku dhaca dadka waaweyn waa dhib. Waxaana sii dhib badan buufiska barbarta sida lagu ogaan lahaa. Barbartu, awoodda lagu fahmo caadifada weli uma dhameystirmin. Waxaa badan iney si kale u wareejiyaan ama ay fara ka hadal ahaan u muujiyaan dareenkooda. Barbaro badan oo buufis qaba waxaa laga yabaa iney dadka kale ula ekaanin iney murugeysan yihiin. Waxaa laga yaabaa in waalidka iney taa ogaadaan ay dhib ku noqoto. Waxaa jiri kara calaamado kale oo waalidka uga digi kara buufis inuu jiro. Kuwaas waxaa ka mid ah:
- Calaamado jirka quseeya, sida madax xanuun ama calool xanuun
- Dagaal jaceyl, xanaaq, ama dhirif.
- Si fudud u xanaaqid-dabeecad la’aan. Sida dhaliisha oo aan la xamili Karin
- Mucaaradnimo, sida diididda wax wada qabsiga
- Mashaakil ijtimaaci ah sida caro, dadka oo layska faquuqo ama rabitaan ah in guriga laga cararo
Maxaa sababa buufiska
Si sax ah uma cada sababaha keena buufiska, inkastoo aan naqaan waxyaabo qeyb ka geysta jiritaankiisa. Noocyo buufiska ka mid ah waxa loo maleeyaa in leyska dhaxlo oo waxa badan in qof ama wax ka badan oo hal reer ka tirsan ay buufis qabaan. Buufiska waxuu calaamad u noqon karaa dhibaato jireed, sida jiro ama naafanimo. Buufisku waxuu xiriir la yeelan karaa ama uu ka dhalan karaa cudur maskaxeed ah.
Hadii laysla barber dhigo wiilasha iyo gabdhaha, Buufiska waxuu inta badan ku dhacaa gabdhaha, inkastoo sababtu aysan cadeyn. Baarayaasha qaarkood waxey soo jeediyeen in gabdhaha ay u nugul yihiin buufiska sababo jirka la xiriira ama nafsaani ah. Kuwa kalana waxey maleynayaan in ogaanshaha buufiska wiilasha uu adag yahay sidiisaba.
Mararka qaarkood buufiska waxuu qeyb ka yahay mashaakil nafsaani ah. Tusaale ahaan, isyasid ( negative self concept ) waxey la socotaa inta badan buufiska. Walwal ama jug kaala so gudboonaato deegaanka waxey iyaguna la xiriiraan buufiska. Barbarku, isbadalada lasoo gudboonaada waxey ka qeyb qaataan wareerka iyo qaska caadifiga ah. Barbarku markuu baaluqayo, waxaa iska hor iman kara ama hardami kara sida wax loo qiimeeyo loona heli karo ujeedada ka dambeysa jiritaanka. Mashaakilada xiriirka khuseeya ama dareen faquuqsanaan ah, wuu ku badan yahay barbarta. Waxyaabahan caadifiga ah ama nafsaaniga ah waxey ka qayb qaataan buufiska.
Waalidku maxay qaban karaan
Faraha kula jir.
Raadka ay waalidku ku leeyihiin waqtiga ay suurtogal tahay in jahwareer weyni yimaado, waxey muhiim u tahay barbaarinta da’yar caafimaad qabto. Inta badan waalidka markey arkaan in ilmahooda ay isku filnaanayaan, faraha ayay noloshooda ka laabtaan. Waxa ugu muhiimsan ee waalid uu smaeyn karo, waxey tahay iney faraha kula jiraan ooy waqti la qaataan barbartooda.
Taageer xiriirada wanaagsan.
Barbartu waxay u baahan yihiin dareenka ah iney wax uun ka tirsan yihiin. Xiriirka ay la’leeyihiin facooda waxuu muhiim u yahay sidey arintan ku sameyn lahaayeen. Waalidka waa iney barbartooda ka taakuleeyaan sidii ay ku heli lahaayeen wax yaabo xiiso geliya ama nashaadaad siiya fursado ay kula xiriiraan focooda oo kale.
Sii fursado ay waqti kula qaataan saaxiibadood. Barbartu waxay u baahan yihiin akhyaar kale oo iyaga daneynaya ooy aamini karaan. La kulanka akhyaartan waa in la dhiiri galiyaa si loo hago noloshooda iyo si xasilooni loo siiyo.
Dhageyso.
Waalidka waa in diyaar u noqdaan markay dhalintu u baahato iney kala sheekeystaa mashaakilada soo wajahaya. Barbartu in noloshooda su’aalo laga weydiiyo iyo in jawaabahooda la dhageysto waa muhiim. Dhageyso dhibaatooyinkooda; kana kaalmee sidii ay xal mashaakilkooda ugu heli lahaayeen.
Noqo mid garta calaamadaha ka diga buufiska. Hadii barbartu uu soo hadal qaado inuu isdilaayo, ha dhayalsan.
Goormee Kaalmo la raadiyaa
Hadii kuraygaagu uu muujiyo calaamadaha buufiska, waa inaad la xiriirtaa dadka aqoonta u leh. Xataa hadii buufis uusan hayn, in lagaala taliyo caafimaadka maskaxda waxuu ku fahamsiinaa mashaakilada ay waajahayaan toban-jiradu iyo sidii aad wax uga qaban laheyd. Hadii toban-jirku uu diido in wax loo qabto, waa muhiim in waalidka ay helaan musaacadada ay u baahan yihiin si ay u daryeelaan ilmahooda.
Hadii toban jirku uu muujiyo dhibaatooyinka soo socda wax ka mid ah oo isla markaana ay carqalad ku noqdaan nolol maalmeedkiisa, si deg-deg ah waa inaad ula xiriirtaa dadka shaqada ku leh:
- Hurdada oo isbadal weyn ku yimaado
- Cabasho xagga jirka ah oo joogto ah
- Cunto macaansiga oo isbedela
- Wax isku koobid la’aan
- Inuu ka wawalo dhimasho ama isdil
- Muuqaalka oo isbedela
- Dhalanteed(Illusion-In loo fikiro si aan macquul aheyn)
- In wax aan jirin aad maqasho ama aragto
- Saaxibada oo uu ka go’o
- Isbadal laxaad leh oo ku yimaada sida uu u dhaqmayo
- Mashaakil xagga dugsida ah ( madarasada )
In qofkaad is jecleydeen kala hartaan, isbadal reerka ku yimaada, qofaad jecleyd oo kaa dhinta, iyo khasaarooyin kaleba way uga daraan buufiska waxeyna sii kordhiyaan isdilka. Cudur dhimirka ku dhaca ama jirka iyaguna waxey kordhin karaan buufiska.
Daaweyn
Daaweynta buufiska waxey noqon kartaa: Therapy, iyo daawo qaadasho. Daawada buufiska waxey wanaajisaa qeybta kimikada neerfayaasha taana waxaa la socota iney ka soo rayn karaan wax badan oo ka mid ah buufiska calaamadihiisa.
Daaweynta buufiska ee ugu waxtarka badan waxey iskugu jiraan daaweyn (medication) iyo daaweyn- nafsaani ah (Therapy) . Therapy-waxaa ka mid ah daaweynta dhimirka(Psycotherapy) iyo hadal ku daaweyn (Talk Therapy). Daaweyn (Talk Therapy). Daaweynadan waxay Toban jirka fahamsiiyan manbaca ama meesha uu ka soo askumay buufiska iyo sidii loo xalin lahaa mashaakilada kale ee asaaska u ah. Waxey kaloo baraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen calaamadaha buufiska. Daaweyn fikireed iyo dhaqameed (Cognitive Behavioral Therapy) waxay toban-jirradu ka kaalmeysaa sidii ay u badali lahaayeen fikirka iyo dhaqanka wax ka geysta jiritaanka buufiska.
Meelaha wax laga heli karo ( Resources )
Child and family services ( U khidmenyta Ilmaha iyo Reerka )
Qeybta u khidmeynta Reerka ee Isbitaalka Caruurta iyo Xarumaha bukaan socodka waxey leeyihiin waxqabad kala duwan oo loogu talagalay caafimaad maskaxeedka Caruurta, barbaarta iyo reerahooda. Qeybta u khidmeynta Ilmaha iyo Qoyska waxey leedahay xirfadlayaal wax laqabta toban-jirrada iyo reerahooda. Kuwan waxa ka mid ah aqoon yahanada cilmi nafsiga, kalkaalisooyin sare, iyo takhaatiirta dhimirka(Psychiatrists) oo khibrad u leh daaweyta buufiska. Wakiiladeena turjubaanada waxey la shaqeeyaan kooxdeena xirfadlayaasha si loo daweeyo buufiska toban-jirrada Hmong-ah. Mutakhasisiinteena waxey khibrad u leeyihiin wax laqabadka toban-jirrada buufiska hayo ee hadana cudurro jirka ah qaba. U khidmeynta Qoyska Waxaad kala xiriiri kartaa: (651) 220 – 6720. Dadka Hmong ku hadlo, waxey soo wici karaan: (651) 220 – 6028.
Crisis Support
Crisis Connection
612-379-6363
Crisis Connection ( isku xirka marka arin deg-deg ah timaado ) waxey sameysaa la talin taleefoneed iyo u dirid ( xirfadlayaal kale ) 24 saac/maalin walba.
Bridge For Runaway Youth ( dhalinta fakatka ah buundadooda ) ( wadadeey dib u soo qaadi lahaayeen ) 612-377-8800.
Bridge waa hooy 24 saac/maalintii daryeela dhalinta da’dooda u dhaxeyso 10-17.
Manbacyada Shabakada Internet – ( wax yaabaha laga heli karo )
Buufiska caruurta iyo Barbaarta
www.psycom.net/depression.central.children.html
Internet Mental Health Net, www.mentalhealth.com
Search Institute, www.search-Institute.org
Faafinta ( Qoraalada )
Sii noolaanshaha: Wax kaqabadka Buufiska iyo Isdilka Barbaarta: Latalin Waalid
www.aap.org/family/suicide.htm
Manbac internet-kan ee American Academy of Pediatrics waxuu faahfaahin karaa siiba buufiska iyo isdilka Barbaarta.
Macluumaad iyo u dirid
American Academy of Child and Adolescent Psychiatry
3615 Wisconsin Ave., NW, Washington, DC 20016
800-333-7636
wwwaacap.org
American Psychological Association
750 1st ST, NE, Washington, DC 20002
202-336-5700
www.apa.org
Minnesota Association for Children’s Mental Health ( Ururka Minnesota
e Caafimaad Maskaxeedka Caruurta )
1821 University Ave., Ste. N184, St Paul, MN 55104
651-644-7333
800-528-4511
2001 Hennepin Ave. E, Minneapolis, MN 55413
612-331-6840
National Institute of Mental Health
6001 Executive Boulevard, Rm. 8184, MSC 9663, Bethesda, MD
0892-9663
301-443-4513
www.nimh.nih.gov
National Mental Health Association
1021 Prince St, Alexandria, VA 22314-2971
800-969-6642
www.nmha.org
|