Booqashda Isbataalka Caruurta
Ku soo dhawoow shebakada internetka ee Isbitaalada iyo bukaan socod eegtada Caruurta. Qaybtani waxay leedahay warbixin guud oo ku saabsan sidii loogu diyaarin lahaa in ilmahaagu yimaado Isbitaalka Caruurta. Waxaan ku haynaa tusaale sidii aad ula hadli lahayd cunugaaga marka Isbitaalka yimaado, iyo sidoo kale muhiimada dhegaysiga ilmahaaga. Ha ilaawin inaad ka qayb geliso ilmahaaga kale wada hadalka. Waxa kale oon haynaa figrado ku saabsan waxa aad u soo qaadan lahayd Isbitaalka.
Waxaan leenahay sharciyo ku saabsan bogan oo aad u baahan tahay inta aadan booqan bogan. Waxay la xiriiraan arrimaha caafimaadka (ha imaan haddii aad xanuunsan tahay), buufimaha (ma ogolin kuwa ka samaysan latex) iyo saacadaha booqashada.
|