Children's Hospitals and Clinics of Minnesota
Follow us on Facebook Follow us on Twitter Follow us on YouTube Follow us on Kids' Health Share

E-News Sign Up

See what all the buzz is about!
Receive Children's latest eNews.
US News Best Children's Hospitals for Neonatology The Leapfrog Group's Top Children's Hospitals ELSO Award for Excellence in Life Support

Isudiyaarinta Boogashada

Imaanshaha isbataalka waxeey ubadka qaarkiis ku abuurta cabsi iyo wel wel. Waxaa jira siyaabo badan aad ugu sahli kartid uu cunugaada ku fafmo booqashada soo socota. Isudiyaarinta booqasho ee ugu wanaagsan waxeey tahay inaad ka qeybqadataan adiga iyo reerkaadaba barnaamijka qaliinka ka horeya.

Wac isbitaalada soo socda si aad u heshid warar dheeraad ah oo ku saabsan booqashada ka hor inta uu qaliinka uu dhicen.

Children’s West (612) 930-8700; booqashada ka hor qaliinka waa isniinta 6:30 p.m.

Children’s - St. Paul (651) 220-6115; booqashada ka hor qaliinka waa qamiista 5:30 p.m.

Children’s - Minneapolis (612) 813-6200: booqashada ka hor qaliinka waa isniinta 6:30 p.m.

Naseexoyin La Rabo inaad Xasuusatid

  • Hubi inaad haysatid wargelinta aad u baahantay oo kuu fasireysa booqashada cunugaada. La hadal takhtarkaada iyo kaaliyaha si aad uga hesho wargelin ku dejiya. Markeey waalidka ka muuqato qanacsanaan, ubaadkooda weey dareemayaan iyagana weey qancayaan.
  • Marka hore hubi dareemnka iyo aragtida uu cunugaada ka qabo booqashada. La hadal cunugaada oo maaweelo, cayaar, iyo bugaag uu aqri sii aad u fahamtid maskaxdiisa iyo dareemkiisa. U sii cunugaada warggelinta si uu u fahmi karo. Sii fursado uu su’aalo kugu weydiiyo. Markaad cunugaada daacad u tahay waxeey u dhiseysaa kalsooni.
  • Ka caawi cunugaada siduu ku ku fahmi lahaa in cabsida iyo dhaawicidda eeysan isku mid aheyn. Ka raali geli cunugaada inaad rabtid inaad kala hadashid waxa meesha ka socda hadalkane uu fa’iido keenayo.
  • Khaasatan caruurtaada waxeey aad uga wel welsenyihiin kala maqnaanshaha kaga imaanaya dhinaca waalidka. Waxaa dhici karta ineysan fahmin macnaha ka dambeeya booqashada isbataalka. Ka dhaadhici cunugaada ineysan asaga ama ayada sabab u aheyn waxa keeney cudurka. Cunugaada u sheeg inaad isbataalka imaaneysid adigoo cunugaada wata aadna cunugaada guriga ula noqondoontid.
  • Markaad cunugaada kala hadleysid arrimaha ku saabsan isabataalka waa inaad sheekada kala hadashaa wiisha iyo gabdhaha la dhashey. Waxaa dhici karta ayaga laftirkooda iney wal wal qabaan.
  • Inta isbataalka la joogo, ku dhiirri geli sidii caadi aheyd inuu u dhaqmo. Madadaalo uu guriga kala yimaado, duruusta dugsiga, iyo booqasho saaxibada aad bey uu caawin karaan. Fadlan waxaad horey u soo qaada shey uu aad u jeceylyahay sida boonbolo, buste iyo waxyabo kale oo guriga laga keeno. Hadii cinigaada uu ku jiro jadwalka qallinka , u soo qaad bikeey khaas us ah, caaga ubadka lagu nuujiyo, ama dhalada caanaha.
  • Waxaad sii diyaarisa damaashaad khaas oo loo sameeyo cunuga markuu guriga ku soo noqdo.
  • Fiiri meesha Alaab Aruursiga iyo Numabarrada Teleefonada Muhiimka ah waxaad ka heli wargelin kale.