Children's Hospitals and Clinics of Minnesota
Follow us on Facebook Follow us on Twitter Follow us on YouTube Follow us on Kids' Health Share

E-News Sign Up

See what all the buzz is about!
Receive Children's latest eNews.
US News Best Children's Hospitals for Neonatology The Leapfrog Group's Top Children's Hospitals ELSO Award for Excellence in Life Support

Alaab Aruursi

Qalab uu cunugaada aqoon u leeyahay horey u soo qaad taasi oo cunugaada niyadda u dhiseysa inta uu isbataalka joogo:

  • Wey wanaagsantahay inaad cunugaada shaambo ugu qubeysid habeenka ama subaxa aad isbataalka la idinka rabo.
  • Cunugaada u soo qaad alaabaha uu aad u jecelyahay sida boombolada, buste oo isbataalka ugu keen. Waxyaabahaan waa wax ey ayada ama asaga u barteen oo niyada u dhisaaya.
  • Cunugaada u soo qaad dacas iyo dharka habeenka lagu seexdo. Isbataalka dhar kale oo habeenka lagu sexdana waad ka heleysaan. Hadaad rabtid us soo qaad dharka habeenka lagu seexdo laakin waa iney noqdaan kuwo guluusyo ku leh qeybta hore.
  • Seexashada isbataalka hadey dheeraato reeraha qaarkood waxey jecelyihiin iney derbiyada ku dhejiyaan masawiro kala gedisan. Kaaliyahaaga caafimaadka ayaa kaa caawin sidaad masawirada derbiga ugu dhejin laheyd.

Intaadan isbataalka imaanin, fadlan qalaabkaad soo qaadaneysid calaameyso. Caruurta mas’uul kama noqon karaan qalabka ey wataan.