Children's Hospitals and Clinics of Minnesota
Follow us on Facebook Follow us on Twitter Follow us on YouTube Follow us on Kids' Health Share

E-News Sign Up

See what all the buzz is about!
Receive Children's latest eNews.
US News Best Children's Hospitals for Neonatology The Leapfrog Group's Top Children's Hospitals ELSO Award for Excellence in Life Support

Xuquuqda iyo Waajibaadka
Bukaanka iyo Qoyska

Isbitaalada iyo bukaan socod eegtada caruurtu waxay go’aansadeen sidii ay u siin lahaayeen daryeel caafimaad oo tayo leh bukaanada iyo qoysaskooda.

Inta aad halakan joogtid adiga iyo qoyskaagu xaq ayaad u leedihiin in:

  • Ixtiraam iyo sharaf qof ahaaneed.
  • Turjubaan haddii aad ku hadasho luqad kale.
  • Daryeel caafimaad oo tayo leh ood u heshid si macquul ah.
  • Warbixin aad fahmi kartid.
  • Warbixintaada oo qarsoon oon cid kale oganin.
  • Daryeel ixtiraama koritaanka iyo horumarka ilmahaaga.
  • Daryeel idin caawiya qoys ahaan.
  • Meel caafimaad oo nabad ah dhibna kuu keenayn.
  • Baaritaan iyo qiimayn xanuunka ah.
  • Inaad leedahay go’aan ka gaadhida daryeelka ilmahaaga.
  • Codasashad gudi daryeel oo kaala hadla caafimaadka ilmahaaga.
  • Inaad buuxisid waraaqada daryeelka caafimaadka ama aad magacawdo qof kale oo kuu gaadhi karra go’aan mustaqbalka haddii aadan awoodin adigu ( bukaanka 18 jir ama ka wayn).
  • Codsi dacwo oo ku saabsan haddi cashuurtaada caafimaadku diido inay bixiso lacagta.
  • Inaad xerayso dacwo ama tacsiyayn.

Masuuliyad ayaa idinka saaran Adiga iyo qoyskaaga inaad:

  • Bixisaan warbixin sax ah oo ku saabsan caafimaadka iyo baahida adiga ama (ilmahaaga).
  • Inaad raacdaan qorshaha daawaynta sida uu dhakhtarku u qoray, taasoo ah mid aad u ogolaatay ilamaahaaga.
  • U ixtiraamto xuquuqda bukaanka kale, qoysaska kale iyo shaqaalaha hawo nabadeed oo caafimaad qabta.
  • Inaad noo sheegto haddii ilmahaagu aanu nabad ahayn ama xanuun hayo.

Haddii adiga iyo qoyskaagu qabtaan Su’aalo, wax welwel ah ama aad rajaynayso inaad xerayso dacwo ku saabsan adiga ama (ilmahaaga) booqo, lana hadal ilmaahaaga dhakhtarkiisa, kalkaaliyahiisa ama shaqaalaha kale. Waxa kale ood la hadli kartaa:

  • Gudiga xiriirka qoyska ayaa kuu diyaar ah haddii aanad adig iyo qoyskaagu rabin inaad u sheegin shaqaalaha. Gudiga la taliyeyaasha waalidka ayaa kaa caawin doona adiga iyo qoyskaagaba inay xaliyaan arinta iyagoo kaashanaya madaxa meesha. Isbitaalka caruurta ee Minneapolis, wac (612) 813-7393; Isbitaalka Caruurt ee St. Paul, wac (651) 220-6888.
  • Xafiiska sharciyadu waxa uu la taliyaa qoysaska ay hortaalo dhibaato adag oo ku saabsan go’aan ka gaadhida daryeelka caafimaadka, wac; call (612) 813-7200.
  • Wixii warbixin ama caawimo ah ee ku saabsan badbaadint caruurta ama dadka waawayn een is difaaci karrin, wac qaybta adeega bulshada ee Isbitaalka Minneapolis (612) 813-6138 Isbitaalka Caruurta St. Paul wac, (651) 220-6479.
  • Haddii aad caawin u baahato habeenkii ama saacadaha sabtida iyo axada, wac Isbitaalka waydiina madaxa kalkaaliyaha. Isbitaalka Caruurta ee Minneapolis wac (612) 813-6000 Isbitaalka Caruurta St. Paul wac, (651) 220-6000.

Ku xeree haddii aad qabto Dacwo gudiga sixitaanka ee gobolka:

Office of Health Facilities Complaints
85 East Seventh Place, Suite 300
St. Paul, MN 55164-0970
(651) 215-8702, (800) 369-7994

Board of Medical Practice
2829 University Avenue SE, Suite 400
Minneapolis, MN 55414-3246
(612) 617-2130, (800) 657-3709