Children's Hospitals and Clinics of Minnesota
  Delivering Next Generation Care
Printer Friendly Version   Bookmark and Share
 

Ogeysiis Isticmaalka Akhbaar- Shaqaiyadeedka Caafimaadka

Kani waa ogaysiis sharaxaya sida warbixintaada caafimaad loo isticmaalo. Ogeysiiskan waxaa uu kuu sharraxayaa sida loo isticmaalayo loogana warbixinayo akhbaartaada iyo sida aad u ogaan karto akhbaartaas. Fadlan u eeg si taxadar leh.

Inta lagu guda jiro daawaynta Isbitaallada iyo Bukaan socod eegtada Caruurta , dhakhaatiirta kalkaaliyeyaasha iyo shaqaalaha kale waxay ururiyaan warbixin ku saabsan taariikhada daawayntaada iyo caafimaadkaaga.

Ogaysiiskani waxa uu sharraxayaa sida warbixintaas loo isticmaalo loolana qaybsado dadka kale. Waxa kale oo ay sharxi doontaa xuquuqda gaarka ah ee la xiriirta warbixinta noocan oo kale ah. Bukaanka ugu badan ee Isbitaalada iyo Bukaan socod eegtada Caruurtu waa carruur. Marka aan ogeysiikan ku leenahay “adiga” ama “waxaaga” waxaan ula jeednaa bukaanka. Marka aan ka hadlayno noocyada war ka bixinta ee ku socota “adiga”, waxaan ula jeednaa inaan ogaysiinayno bukaanka, qofka ka masuulka ah bukaanka ama qofka sharcigu u oggol yahay in la siiyo warbixinta bukaanka.

Warbixinta caafimaadka waxaa lagaa yaabaa in loo isticmaalo ujeeddooyinka soo socda:

  • Daawaynta: Waxaan u isticmaali doonaa warbixinta bukaanka inaan ku siino, ku habayno, ku hagaajino , kuna daawayno. We will use the patient's information to provide, coordinate and manage care and treatment. Tusaale ahaan, dhakhaatiirta Isbitaalada iyo Bukaan socod eegtada Caruurtu waxay akhbaarta caafimaadka ula wadaagi karaan dhakhaatiir kale talo ahaan iyo u gudbin (in loo gudibiyo bukaanka dhakhtarkaas.
  • Lacag bixinta: Waxaan u isticmaali doonaa warbixinta inaan helo lacagta adeega aan qabanay. Tusaale ahaan, waxaan dhiibi doonaa warbixinta si aan u dirno biilka shirkadaha caymiska iyo/ama Medicare ama Medicaid.
  • Hawlgalka Daryeelka Caafimaadka: Waxaynu u isticmaali doonaa akhbaarta arrimo gaar ah oo khuseeya hawlaha ku lugta leh shaqeynta Isbitaallada iyo Bukaan Socod Eegtada Ilmaha. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaynu akhbaarta uga warbixinno hawlaha hubinta tayada.
  • Ballan Xasuusinta ama Warbixin Caafimaad oo kale: Waxaa laga yaabaa inaynu u isticmaalnaa akhbaarta inaan kuu soo dirno xusuusin ballamaha mustaqablka . Akhbaarta waxaa loo isticmaali karaa in lagu siiyo warbixin ku saabsan daawooyin cusub ama adeeg caafimaad oo kale oo adigu dan kuugu jirto.
  • Dhaqaale Kordhinta: waxaan u isticmaalaynaa inaan ku ogaysiino ololaha dhaqaale kordhinta ama dhacdooyin kale oo Isbitaalada iyo Bukaan socod eegtada Caruurta loogu ururinayo lacag.
  • Qof ka mid ah Qoyska ama Dad kale oo masuul ah: Waxaan siinaynaa warbixinta dadka haynaya bukaanka ama masuulka ka ah bixinta biilka , sida qof ka mid aha qoyska. We may disclose information to people who will be taking care of the patient or are responsible for paying bills, such as other family members. Isbitaalada iyo Bukaan socod eegtada Caruurtu waxa keliya oo ay siin karaan warbixinta Caafimaadka dadka u baahan inay ogaadaan. Waxa kale oo laga yaabaa inaan u isticmaalo warbixinta inay ogaadaan qoyska ama dad kale ee masuulka ka ah inay ogaadaan halka uu ku sugan yahay bukaanku iyo xaalada guud ee caafimaad sida ay tahay. Haddii uu bukaanku gaadhi karo go'aankiisa caafimaad, Isbitaalada iyo Bukaan socod eegtada Caruurtu waxay waydiin doonaan ogolaasho ka hor inta ayan u sheegin warbixintiisa caafimaad qoyskiisa ama dadka kale ee ka masuulka ah haddii aan u aragno inay tahay mid ay danta ugu sarreyso ugu jirto bukaanka. . Tusaale ahaan, waxaan siin doonaa warbixin caafimaad oo xaddidan inaan u ogolaano qoyska kale sida u soo qaadis daawada ama raajada bukaanka.
  • Xaalada Degdega ah: haddii ay timaado xaalad degdeg ah, waxaan u sheegaynaa warbixintaada caafimaad dowlada ama kooxo kale oo caawiya burburka degdega ah.
  • Isticmaalka kale ama cida kale ee la siinayo warbixinta: Isbitaalada iyo Bukaan socod eegtada caruurtu waxa u ogolaan karaan ama u isicmaali karaan warbixintan waxyaabahan soo socda: marka uu codsado sharcigu dhaqdhaqaaqyada caafimaadka; kuwaasoo la xiriira qof la dulmay/la iska indho tiray/ waxyeellada qoyska; kor ka eegida dhaqdhaqaaqyada caafimaadka; ujeedo sharciyeed, loo qoondeeyay ama sharicigu codsaday, inu baaro qof yaqaana/ caafimaad baare/ qofka madaxda ka ah qabuuraha, inuu codsado sharcigu , ujeedo bixineed xubin jirka ka mid ah ; ujeedo baarineed oo hoos imanaysa marxalad gaar ah; in lagaga hortago xaalada khatar ku ah caafimaadka ama nabadgelyada, howlo u gaar ah shaqada dowlada, sida shaqaale milatari ah oo shaqada laga saaray iyonabadgelyada caalamiga ah.
  • Cilmi Baaris: Xaalado cayiman dartood, waxaa laga yaabaa inaan u isticmaalo warbixintaada ujeedo cilmi baaris. Marxaladaha qaarkood waxaan u isticmaalaynaa akhbaartaada arrin cilmi baaris ka dib marka aad na siiso ogolaanshahaaga. Marxalado kalese, marka dhibta tan ugu yari soo gaareyso shaqsi ahaantaada, tusaale ahaan barnaamij cilmi baaris oo isu barbar dhigaya caafimaadka iyo soo fayoobida dhammaan bukaanka hal daawo la siiyay iyo dhammaan bukaanka daawo kale la siiyay, iyadoo ay isku jirro wada qabaan, waxaa laga yaabaa inaan ka warbixinno akhbaartaada adigoon oggolaansho bixin. Cilmi baarista oo idil waxaa ay maraan hab oggolaansho qaas ah taasoo mid walba u qiimeysa qiimaheeda caafimaadka ay u leedahay. Waxaa aan u bixinaynaa akhbaartaada adigoo aan oggolaansho lagaa helin marka keliya ee habka oggolaanshaha qaaska ah uu u qaddariyi inay cilmi baaristaasi dhibaato tan ugu yari kuugu jirto, oo aan welibatallaabo ka qaadno sida aqbaar shaqsiyeedkaaga loo dabooli lahaa inta macquul noqon karta. Isbitaalada iyo Bukaan-socod eegtada Caruurtu ma sheegi doonaan ama uma isicmaali doonaan warbixintan si kale hadii aadan adigu ugu oggolaan qoraal ahaan mooyee. Haddii aad na siiso fasax aan ku isticmaalo ama aan ugu sheegno qof warbixinta caafimaad ee bukaanka ujeedo kale awgeed, waxaad xaq u leedahay inaad bedesho ood iska dayso fasaxa wakhti kasta.

Xuquuqda Qarsoonida Akhbaarta Caafimaadka:

  • Isticmaalka xaddidan iyo Akhbaar-bixinta: Waxaad socon kartaa in Isbitaalka & Bukaansocod Eegtada Ilmaha aanay u isticmaalin akhbaartaada caafimaadka sababaha qaarkood. Waxaa kaloo aad codsan kartaa in Isbitaalka & Bukaan-socod Eegtada Ilmaha aanay siin akhbaartaada caafimaadka dadka qaarkood. Si kastaba ha ahaatee, Isbitaalka & Bukaansocod Eegtada Ilmaha xaq ayey u leeyahiin inay diidaan codsigaaga. Isbitaalka & Bukaansocod Eegtada Ilmaha waxay u isticmaali karaan ama uga war- bixin karaan akhbaarta caafimaadka ee bukaanka marka ay jirto arrin u baahan daaweyn deg-deg ah, halkaasoo la ogeysiinayo cidda akhbaarta la siiyo inaanay sii isticmaalin ama gudbin akhbaarta.
  • Bixinta Kalsoonida: Waxaad codsaan kartaa in Isbitaalka & Bukaan-socod Eegtada Ilmaha ay ku siiyaan akhbaartaada caafimaadka si kalsooni leh. Tusaale ahaan, waxaad codsan kartaa inaynu kuugu soo dirno ballan xusuusinta, biilasha iyo waxii kaleba oo boostada lguugu soo dirayaba inaan usoo dirno cinwaan kale, ama inaan akhbaartan oo kale hab kale kugu ogeysiinno, sida in telefoon laguugu soo waco. Waa inaad codsigan qoraal inoogu soo gudbisaa oo aad qayaxdaa cinwaanka kale ama habka kale ee wada xiriirka. Waa inaan oggolaannaa codsigaaga qoraalka ah. Waxaan ku weydiin karnaa inaad na siiso akhbaar ku saabsan sida aad biilka u bixin doonto.
  • Baaris ama sawirid: Waxaad weydiisan kartaa inaad aragto ama sawirato feylka caafimaadka, haddii aanu sharcigu diideyn. Waa inaad codsigaa qoraal ku sameysaa. Haddii codsigaaaga la diido, waxaad xaq u leedahay in shaqaale caafimaad ay dib u eegaan codisgaaga. Waxaan tallaabo ka qaadeynaa codsigaaga 30 cisho gudahood waxanaa aan kugu soo dallaci karnaa waxii qarash ah ee sawiraadda ku saabsan inta sharcigu oggol yahay.
  • Beddelaadda Akhbaarta ama Dib-usixidda Feylka Caafimaadka: Waxaad na weydiisan kartaa inaan beddelno akhbaarta ku jirta feylka caafimaadka ee bukaanka. Haddii codsigaaga la diido, waxaad qori kartaa hadal aad kaga soo horjeeddo diidmada taasoo aan la xafidi doono akhbaartaada caafimaadka. Xisaabinta Akhbaar-bixinta: waxa laga yaabaa inaad na weydiiso inaan ku siino warbixin ku saabsan akbaar-bixinta caafimaadkaaga ee aan bixinay hadda ka hor. Codsiga xisaabtaas lama samayn doono a hor Abriil 14keeda sanadka 2003. Codsigaagu waxa uu gadaal ugu noqon karraa 6 sanno ka dib Abril 14, 2009.
  • Warqadda Koobbiga: hadii laguugu soo diray warbixintan hab elektaronig ah, waxaad na waydiisaa inaan ku siino koobi.
  • Ku xad gudug akkbaarta khaaska: Hadii aad aad dareentid in xuquuqda warbixintaadii caafimaad lagu xad gudbay, waxaad xerayn karrtaa dacwo ku socta Xoghayaha Caafimaadka iyo Eedagyada dadka/ ama qofka ka socoda Isbitaalada iyo Bukaan socod eegtada Caruurta ee hoos ku qoran. Xeraynta dacwo ma saamaynayso qiimaha adeega aad ka hesho Isbitaalada iyo Bukaan socod eegtada Caruurta lagaaga ma aar-goosan doono xeraynta aad xeraysay dacwada.

    Office for Civil Rights
    U.S. Department of Health and
    Human Services
    233 North Michigan Avenue, Suite 240
    Chicago, IL 60601
    (312) 886-2359
    Toll free: 1-800-368-1019
    Electronic: OCRCompliant@hhs.gov

  • Qofka lala xiriirayo: Waxaad la xiriiri kartaa sarkaalka u xil saaran xogta qarsoodiga ah ee Isbitaallada & Bukaansocod Eegtada Ilmaha:

    Privacy Officer
    Department of Compliance
    2525 Chicago Avenue South
    Minneapolis, MN 55404
    (612) 813-7523
    Toll free: 1-866-225-3251
    Electronic: privacy.officer@childrensmn.org

    Wakhtiga uu bilaabanayo ogaysiiskani waa Abriil 14, 2003. Isbitaalada iyo Bukaan socod eegtada Caruurtu sharciga ayaa ku khasbay inay ku shaqeeyaaan xogta qarsoodiga ah ee warbixinta caafimaadka oo ay shaqsiyaadka ogeysiiskan ugu sheegaan mas'uuliyaddooda sharciga ah iyo isticmaalka xogta qarsoon marka la tixraaco akhbaarta caafimaadka. Isbitaallada & Bukaan-socod Eegtada Ilmaha waxaa laga doonayaa inay ilaaliyaan qodobbada ogeysiiskan sida uu hadda u jiro. Isbitaallada & Bukaan-socod Eegtada Ilmaha waxaa u reebban xaqa ay ku beddeli karaan qodobbada ogeysiiskan oo ay ku sameyn karaan ogeyusiis cusub oo saameyaa akhbaarta caafimaadka ee la ilaaliyo ee ay keydiyaan Isbitaallada & Bukaan-socod Eegtada Ilmaha. Haddii la beddelo qodobbada ogeysiiskan, Isbitaallada & Bukaan-socod Eegtada Ilmaha waxay shaqsiyaadka siin doonaan ogeysiis cusub: xilliga daaweynta, ama marka la codsado, waxaase lagu dhejinayaa ogeysiiska cusub meelo gaar ah oo ka mid ah Isbitaallada & Bukaan-socod Eegtada Ilmaha ama si elektaroonig ah bogga internetka ee Isbitaallada & Bukaan-socod Eegtada Ilmaha.

    www.childrensmn.org