Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Qandho / xumad

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay qandhadu / xumadu?

Qandhadu ama xumadu waa heerka kulka jirka qofka uu ka kormaro 100.4° F (38° C). Qandhadu ama xumadu waa calaamad, cudur ma aha. Qandhadu ama xumada waxay jirka waxay kala dagaalantaa curunka (infection).

Heerka kulka waxaa laga cabbiri karaa kilkisha, afka, ama dabada, heerka kulka waa kala geddisan yahay marka loo tixraaco meesha laga cabbiro. Haddii aad u wacdo bukaan socod eegtada (clinic) qandho ama xumad haysa ilmahaaga, u sheeg meesha aad ka cabbirtay.

Sidee baan u daryeelaa ilmaheyga?

Ilmahaaga ka dhig mid degen. Dhar khafiif ahna hu’ waxay ka caawinaysaa inuu qaboobo. Haddii ilmahu dhaxamoodo, isticmaal buste fudud si aanu u gariirin. Gariirka qarqaryada waxay kordhin kartaa kuleylka qandhada.

Sii ilmahaaga cabbitaan dheeraad ah sida biyaha, juuska, jallaatada fudud “Popsicles®,” ama soodhada si aad uga taxadarto dheecaan-baxa.

U qabeynta iyo maro qabow ku tirtiriddu ma wanaagsana, oo waxy keeni karaan in ilmuhu qarqaryo la gariiro qandhada ama xumaduna kor u kacdo. Marna haku tirtirin maro lagu qooyay aalkolo. Waxaa suurto gal ah in jirku dhuuqo, markaasna ay dhib keento.

Qandhada ama xumadu markasta uma baahna in la daaweeyo. Sababta uguweyn siinta daawada qandhada ama xumadu waxay ka caawinaysaa cunugga inuu sidii hore ka fiicnaado. Haddii Dhakhtarka ama kalkaalisada kala taliyaan daawooyinka yareeya qandhada, weyddi mida aad isticmaalaysid.

Ha siin aasbiriin ama daawo uu aasbiriin ku jiro ilmaha yar ama kuwa weynba dhibaatada cudurka maskaxda (Reye’s syndrome) aawgeed.

Cabbir kuleylka ilmaha kahor inta aadan siin daawada qandhada ama xumada. Waxay taasu kaa caawimaysaa in qandhada ama xumada cunugga ay kor u kacday, iyo in aadan siin daawo usan cunuggu u baahnayn.

Goorma ayay tahay inaan bukaan socod-eegtada (clinic) soo waco?

Wac haddii cunuggagu:

  • heerka kulka oo ah 100.4° F ama ka kor iyo ilmo ka yar 3 bilood.
  • qandho haysay cunugga in ka badan 48 saacadood iyo ilmaha oo ka weyn 3 bilood.
  • ay hayso qandho aan dhacayn markii daawada la qaato ama kor u socota.
  • oohin joogta ah iyo camal-xumo.
  • firfircoonaan yar ama tabar-darro.
  • hurdo aad u badan iyo in la kacsho oo dhib ah.
  • xanuun qoorta ama murqaha oo adkaada.
  • cabbitaanka oo ilmuhu diido.
  • kaadi dhigistiisa oo sida caadiga ah ka yar.

Wac 911 haddii ilmahaaga:

  • neefsashada oo ku adkaata
  • jirka oo dhibco midab buluug madow xigeen leh ama jug gaartay

Su’aalo?

Warqadan ama warbixintani ku ma saabsana ilmahaaga oo keliya, laakiin waa warbixin guud. Haddii aad qabtid wax su’aal ah, fadlan wac bukaan eegto (clinic).

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota