Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Xanuunka dhallaanka

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Daryeelkayaga yareynta xanuunka

Waxaan rumeysan nahay in carruurta sabiga ah iyo ilmaha roonba ay xaq u leeyihiin heerka ugu wanaagsan ee yareynta xanuunka ee sida badbaadada leh loogu qaban karo. Sidaa darteed waxaynu cuskanaa dadaal kooxeed si aynu u yareyno xanuunka iyo welwelka inagoo isticmaalayna hababka daaweynta jirka iyo niyaddaba. Dantayadu waa wada shaqeynta waalidka iyo shaqaalaha si loo ogaado xanuunka sida ugu dhaqsaha badan, loona daaweeyo sida ugu habboon.

Dhallaanku xanuunka ma dareemaan?

Inkastoo dhallaanku weli korayo oo aanay inoo sheegi karin xanuunka, haddana way dareemaan xanuunka, xanuunkoodana waa la daaweyn karaa. Kooxda daryeelka caafimaadka waxay doonayaan inay sameeyaan inta ay kari karaan si ilmahaagu fayoobi u dareemo.

Maxaa keena xanuunka dhallaanka?

Xanuunka waxaa keeni kara waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin:

  • dhaawaca qallinka ka dib:
    • meesha qalliinka lagu sameeyay
    • fidinta ama riixidda jirka ama xubnaha
  • duritaanka sida xididka daawada laga qaato ama dhiigga labaarayo
  • neerfayaasha oo dareema dhaawac jirka ama barar
  • dareen xanuun oo ay keento hurgun
  • dhaawaca murqaha oo ka imaan kara sariir ku raagidda, ama dib u isticmaalka murqaha
  • xanuun ka yimaada tuubooyinka
  • dillaaca ama nabraha maqaarka

Sidee baynu u garannaa in dhallaanku xanuun hayo?

Waxaa jira in dhallaanku erayo inoogu sheegi karin halka xanuunku ka hayo, sida ay ilmaha waaweyn inoogu sheegi karaan, laakiin waxaynu eegi karnaa astaamo ku saabsan sida ay u dhaqmayaan. Waxaa kaloo aynu xanuunka ku cabbiri karnaa u fiirsasho sida illmahu wax u sameynayo ama astaamaha jirka (sida wadno qaraaca, heerka neefsashada, cadaadiska dhiigga) si uu u ogaado in dhallaanku xanuun hayo, khaas ahaan ilmaha aadka u yar.

Sidee ilmahu u dhaqmaan marka uu xanuun hayo?

Ilmaha marka uu xanuunka hayo siyaabo ka duwan marka ay caadiga yihiin ayey u dhaqmaan. Cunug walba si qaas ah inuu u dhaqmo ayaa laga yaabaa, sidaa oo is beddeli karta mararka qaarkood. Eeg astaamaha hoos ku taxan.

Dhallaanku waxay u dhaqmaan siyaabo kala duwan oo astaan u ah xanuun. Calaamadaha waa ay dhici karaan iyadoon ilmahu xanuun hayn, laakiin isku jirkooda inta badan waa xaadir marka ilmahu xanuun hayo.

  • Oohin: Waxaa laga yaabaa in dhallaanku u ooyo si xiriir ah. Oohinta badanaa waa mid dhawaaqa iyo muddadu sii badato. Ilmaha aadka u xanuunsan ama dhiciska ah ee tabarta yar iyagoo xanuun hayo ayay aamusnaadaan.
  • Muuqaalka wejiga: Ilmaha waxaa laga yaabaa inay wejiga kaduudaan indhahana isku qabtaan. Garka oo gariira ayaa la arki karaa. Ilmaha makiinadda neefsiga ku xiran ayaa sidan yeela xitaa.
  • Muruq adkeynta: Dhallaanku murqaha ayay adkeeyaan, iyagoo gacmaha isku soo dhejinaya lugahana kor u taagaya ama is wada fidinaya. Gacmaha ayay duubtaan ama way is wada adkeeyaan. Ilmaha aadka u jiran waxaa ka luma adkeynta murqaha waxayna noqdaan kuwaa aad u jilicsan.
  • Dhallaanka xanuunka hayo badanaa way caro badan yihiin, deggenaanshahooduna wuu yar yahay, cuntada wey diidaan mana seexan karaan
  • Dhaqdhaqaaqa waxaa uu ku xiran yahay caafimaadka iyo tabarta dhallaanka. Dhallaanka qaarkood si weyn ayay u dhaqaajiyaan gacmaha iyo lugahaba. Dhallaanka tabarta daranse aad bay u shanqar iyo dhaqaaq yar yihiin.
  • Soo kicidda/hurdada: Dhallaanka xanuunka hayo badanaa waa ay dabci xun yihiin hurdadooduna yar tahay. Dhallaanka qaarkood intay isku mashquulaan ayay u eg yihiin inay hurdaan.

Maxay waalidku qaban karaan?

Waxa ay waalidka leeyihiin qeyb muhiim ah. Sababtoo ah adiga ayaa cunuggaaga ugu aqoon badan, waxaad si hoose ula shaqeyn kartaa shaqaalaha (sida dhakhaatiirta, kalkaaliyaasha, ama shaqaalaha maaweeliya ilmaha) si loo yareeyo xanuunka. Waxaad tahay qofka ugu habboon ee dhallaankaaga ka caawini kara xamilaadda marxaladaha cusub ama adag.

Si aad u caawiso in cunuggaaga ugu adkeysto xanuunka, waxaad yeeli kartaa:

  • Inaad xaadir ahaato, ama aad weydiiso qof cunuggaaga si wanaagsan u yaqaan inuu soo booqdo.
  • Inaad u sheegto shaqaalaha haddii aad dareento in xanuunka aanu yaraaneyn, ama in cunuggaaga laga yareeyo daawada xanuunka hurdo daraadeed ama firfircoonida cunugga oo wanaagsan.
  • Inaad isticmaasho wax kastoo niyad ahaan dejin kara cunuggaaga ka hor iyo ka dibba markii marxalad welwel keeni karta ay jirto: si deggan oo loo salaaxo ama masaajeeyo dhallaanka, qabashada, yara ruxidda ama cod dejinaya oo loogu sheekeeyo. Waan kugu caawin doonaa si aad u go’aansato habka ugu fiican ee dejinaya dhallaankaaga.

Maxaa la sameyn karaa si xanuunka loo yareeyo?

Siyaabaha aan daawada la isticmaaleyn

Xanuunku waa mid saameeya jirka iyo niyaddaba. Ilmahu waa ay dareemaan xanuunka jir ahaan, waxyaabaha ay dareemaan waxaa ka mid ah dareemid gubasho, wax ku taagan ama majiirid. Waxa kale oo ay ka fikiraan ama xasuustaan xanuunka niyad ahaan. Maadaamaa aanay dhallaanku hadli karin, waa ay nagu adag tahay inaan si xaqiiq ah u ogaanno waxay ku fikirayaan iyo sida ay u xusuustaan dareenka. Waxaanse isku daynaa inta aan awoodno inaan yareyno dareenka iyo welwelka xanuunka. Waxyaabaha caawiya si loo yareeyo welwelka iyo xanuunka waxaa ka mid ah:

  • Beddelidda jawiga dhallaanka. Dhawaqa iyo waxqabadka oo lagu yareeyo sariirta agagaarkeeda waa ay dejinaysaa dhallaanka.
  • In dhallaanku nuugo masaasadda furkeeda maran waxay ka caawisaa siduu ugu adkeysan lahaa waxyaabaha xanuunka keeni kara.
  • Dejinta sida isticmaalidda cod nasteexo leh, muusik, sheeko, ama heeso waxay ilmaha niyaddooda ka fogaysaa ka fikiridda xanuunka.
  • Dhaqaajinta ilmaha adigoo haya - ruxidda ama la socoshada waa ay caawin kartaa.
  • In loo qabto dhallaanku si dhaqaaqoodu u yaraado waa ay dejisaa. Sameynta sida Kaanguuradu u qabato dhasheeda oo kale ama u qabasho si maqaarku isu gaaro aad bay u dejisaa.
  • Salaaxidda ama riixidda fudud waxay caawisaa jaha wareerinta dareemayaasha xanuunka u gudbiya maskaxda taasoo keenta in maskaxdu aanay dareemin xanuun aad u badan.
  • Saaridda wax qandac ah ama qabow, meesha jugta ay gaartay waxay yaeryn kartaa xanuunka ka imman kara bararka murqaha dhaawacmay. (Waxaa sidan yeeli doona kalkaalisada.)

Waan kaa caawin doonaa inaad barato sidii aad u isticmaali laheyd hababkan.

Daawooyinka

Waxaa jir daawooyin badan oo kala duwan oo aynu isticmaali karno. Daawada ku habboon cunuggaagu waxay ku xiran tahay waxyaabo badan sida nooca xanuunka, inta xanuunku uu hayo, iyo sababta xanuunku u hayo. Daawooyinka qaar ka mid ah hoos ayaa lagu faahfaahinayaa.

Kareemka kabaabyanta, sida EMLA® ama ELA-Max® waxaa la saari karo jirka si ay u kabuubiso. Inta badan waxaa la isticmaalaa duridda maqaarka ama xididka ka hor. Waa inay saarnaataa maqaarka ugu yaraan hal saac si ay u kabuubiso. Kama hortagto xanuunka oo dhan, laakiin waxay caawiso yareynta xanuunka. Badanaa looma isticmaalo dhallaanka haddii ay ku dhasheen in ka yar 37 isbuuc. Eeg warqadda barashada “Anesthetic cream” (“Kareemka kabaabyanta”).

Daaweynt xanuun meel ku kooban waxaa lagu sameeyaa in lagu duro lidocaine (kabuubiso) ka hor inta aan tuubbo la gelin ama hab kale la sameynin. Waxaa sidan ay la mid tahay isticmaalidda novocaine (kabuubisada) ee dhakhtarka ilkaha.

Non-steroidal anti-inflammatory drugs (NSAIDs) waxay yareeyaan xanuunka iyo bararka. Waxaa la iibsan karaa iyadoo aanu dhakhtar kuu qorin, waxayna naaqusiyaan xanuunka yar ilaa kan dhexe. Si ay u yareeyaan xanuunka caloosha, waa in lala qaato cuntada markii ay macquul tahay. Ibuprofen (Motrin®, Advil®, ama nooc kale) ayaa ka mid ah daawooyinka NSAID.

Acetaminophen (Tylenol® ama nooc kale) waa nooc kale oo ka mid ah daawooyinka xanuunka ee la iibsan karo iyadoo aanu dhakhtar qorin, taasoo caawisa daaweeynta xanuunka yar ilaa kan dhexe. Daawadan waa ay ka dhibaato yar tahay daawooyinka NSAIDs-ka, laakiinse ma yareyso bararka.

Narcotics waa daawwoyin aad u awood leh oo loo isticmaalo daaweynta xanuunka dhexe ilaa kan saa’idka ah, inta badanna la isticmaalo qalliinka ka dib. Waxaa laga siin karaa xididka ama afka. Daawoyinkan waxay keeni karaan dhibaatooyin sida jir cun-cun, lallabo, ama saxarada oo adkaato ama yaraata. Dhallaanku badanaa way ku hordoodaan daawadan neefsigooduna wuu isku dhimaa. Mararka qaarkood NSAIDs ama Tylenol iyo narcotics ayaa isku mar la wada isticmaalaa. Marka narcotics-ka afka laga qaato, waa in cunto lala qaataa si looga taxadaro lallabada. Si iyadana looga taxadaro saxarada oo adkaata ama yaraata, waa in ilmahaagu cabbaa cabbitaan badan, am faleebbo lagu duraa. 

Marka cunuggaaga la geeyo guriga, raac tilmaamaha uu dhakhtarku ku siiyay ee daawo xanuun siinta. Sii daawada marka uu xanuunku billowdaba. Xanuunka saa’idka way adag tahay joojintiisa. Hubi inaad siiso daawada xilliga la seexdo si uu cunuggaagu si fiican ugu seexdo. Daawooyinka qaar waqtii walba ayaa la siiyaa. Dhakhtaarkaaga ayaa kuu sheegi doona xilliga la siinayo haddii loo baahdo.

Hubi inaad soo wacdo haddii ay daawadu aanay xanuunka yareyn ama xanuunku ka sii daro. Haddii aad u soo wacdo dhakhtarka xanuun waxaa lagu weydiin karaa haddii cunuggaaga qandho ay hayso, heerka xanuunku la’eg yahay marka lagu qiyaaso sida uu u dhaqmayo, iyo nabarka ama meesha la qalay sida ay u eg tahay.

Su’aalo?

Warqaddani khaas kuma aha xaaladda cunuggaaga, balse waxay bixinaysaa akhbaar guud ahaaneed. Fadlan haddii aad su’aal qabto la hadal dhakhtarka ama shaqaalaha la shaqeynaya cunuggaaga. Dhakhtarkaaga ama kalkaalisadaada waxay kuu heli karaan khabiirada xanuunka ee isbitaalka. In xanuunka si wanaagsan loo daaweeyo waa dadaal kooxeed.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2017 Children's Hospitals and Clinics of Minnesota