Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Qalliinka qumanka (qanjirku la socdo ama uusan la socon)

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay quman iyo qanjir?

Qalliinka qumanka waa gooynta qumanka. Qalliinka qanjirka waa gooynta qanjirada. Qalliinka qumanka iyo tan qanjirada (“Q iyo Q”) isku mar ayaa la sameeyaa.

Maxaan filan karaa qalliinka ka dib?

Waa wax caadi ah caloosha oo qasanta iyo matag yimaada 24ka saac oo ka danbeeya qalliinka.

Waxaa suurta gal ah in cunuhu xanuuno ilmahaaga lada todobaad, khaasatan marka uu wax cunaayo. Xanuuka in uu ka fiicnaado ayaa la arkaa maalmo yar kadib, hadana xanuunku ka soo daro kadib. Ilmahaaga codkiisu in uu isbadalo baa la arkaa qalliinka kadib.

Dhaga xanuun waa wax yimaada, badanaa marka uu wax liqaayo, sababtuna waa dhagaha iyo cunuhu waxaa ka dhaxeeya neerfayaal. Muruq dubaaxinta daanku, ama dhaqdhaqaaqa daamanka oo aan la cilin karin baa suurtowda in ay kento xanuun.

Qoor (luqun) xanuuku waa wax caadi ah hal tadobaad kadib markii qanjirka la qallo.

Waxaa surto gal ah in ilmahaagu afkiisu uro intii dhowr todobaad ah. Madaama ilmahaaga dhuuntiisu bararan tahay, in uu khuriyo qalliinka kadib waa caadi, laakiin waa in khuurada ka ba’daa 2 todobaad kadib. 

Sidee baan u daryeelaa ilmahayga?

Ku geesinimo gali ilmahaaga in uu cabo dareere ama biyo badan (ugu yaraan 2 ilaa 3 wiqiyadod saacaddii). Cunuhu inu qoyanaado mar walba waxay yaraynaysaa dhibaatada cunaha, waxayna kaa ilaalinaysaa in biyo la’aan ku dhacdo jirka (waa xaalad khatar ah oo jirku qalalo).

Sii daawada xanuuka bi’isa, kuna xadid siddii dhakhtarku u qoray. Sii inta uusan seexan ka hor, iyo marka ugu horaysa subixii uu soo tooso. Isku day in aad siisid daawada xanuunka bi’isa 30 daqiiqo ka hor wakhtiga raashinka si uu si sahal ah ugu liqo.

Daawada xanuunka waxaa jira mid dabada laga galiyo ilmaha yar yar oo diida in ay liqaan daawada afka laga qaato.

Si aad dhiig in uu ka yimaado u ilaalisid, ka ilaali qufaca, fiifsiga sanka, xaakaysi iyo xaako tufid. Sanka si tartiib ah u tirtir haddii aad u batid. Marka uu hindhisaayo ilmahaagu ku geesinimo gali in uu furo afkiisa shanqarnna uu sameeyo, si u ilaaliyo in aan cadaadis dhicin.

Ka fogow in aad tagtid meel dad hargab, infuluwensa, ama jirooyinka la kala qaado qaba. Maxuu ilmahaygu cuni karaa?

Maalinta qalliinka, sii wax qabow, dareerayaasha ay ka mid yihiin:

  • biyo tufaax
  • macmacaan aad u jiljilicsan
  • koolayd
  • jallaato baraf ah
  • cabbitaan soodo leh (walaaq si aad xunbada uga bi’isid)
  • biyo

Haddii ilmahaaga caloosha laga hayo, sii intabadan cabbitaan yar. Xusuusnow: Haddii ilmahaagu cabo dareere guduudan, wuxuu matagayaa wax guduudan. Maalinta u horaysa kadib, haddii uu rabo ilmuhu sii caano iyo waxyaalaha la xiriira iyo raashin fudud sida:

  • jallaato
  • cabbitaan ka samaysan caano iyo khudrado laysku qasay (qaado isticmaal, tuubo ha ku nuugin)
  • macmacaan laga sameeyo bur, biyo iyo ukun
  • caano la khamiiriyey oo khafiif ah

Dareeraha ayaa ka muhiimsan cuntada. Hubi in ilmahaaga cabidiisu badantahay.

Markii ilmahaagu rabo in uu cabo, u raaci raashin fudud (raashin aan geesihiisu aysan qallafsaneyn). Ka fiiri warqadda raashinku ku yaal in ay kugu kordhiso wax fikrad ah. Haddii raashinkaas aad ka waydid warqadda, su’aal naftaada: Calaliskeedu ma fududyahay? Ma jilicsanaanayaa haddii la calaliyo? Ka bannaan qalafsanaanta iyo geesaha adag? Haddii ay tahay jawaabtu haa, waxay u badantahay ilmahaagu in uu raashin cunigaro.

Hubi in aad rashinka ugu jarjartid si yar yar, kuna geesinimo galisid ilmahaaga in uu si wanaagasan u calaliyo. U sii wad raashinka fudud 1 ilaa 2 todobaad qalliinka kadib. Ka fagow miraha dhanaanka iyo macaanka isku jirka ah leh iyo casiirka sida oranjida iyo liinta, kuwaasoo suurtowda in ay xanuujiyaan cunaha ilmahaaga. Ka fogow raashinka kulul iyo kuwa basbaaska leh.

Waxa la cuni karo Waxa aan la cuni karin
  • rooti jilicsan
  • wafaliska qoyan ama rootiga ukunta lagu kariyay (oo aan adkayn), lagu qooyo waxayaalaha lagu daro
  • canjeelo
  • ukun la isku qasay oo la kariyey ama mid biyo lagu karkariyey
  • rooti la kululeeyey
  • wafalis qalalan
  • raashin la shiilay
  • shurbad qamadi laga suubshay, ama waxyaalaha shiidan
  • siiriyaalka qabow oo caano lagu qooyay
  • siiriyaal qabow oo qalalan
  • maraq
  • baasto, baasto iyo khudaar la isku kariyay
  • baasto
  • makarooni iyo farmaajo
  • hilib shiidan, haamburgar
  • hilib qoyan, jilicsan, digaag, ama kaluun
  • hilib, digaag, ama kaluun adag oo qalalan

rooti cunto la dhex gashey (rooti aan geesaha ka adkayn):

  • lowska si fiican loo sheeday, subag fadhiya iyo macmacaan aad u jiljilicsan
  • farmaajo laga shaqeeyay
  • hilibka kalluunka
  • rooti la dhex gashey farmaajo la solay ah
  • khudaar karsan
  • bataato shiidan
  • khudaar ceeriin ah
  • yaanyo (tamaandho)
  • tufaax sheedan
  • moos
  • furuut qasac ku jira
  • qare aan miro lahayn
  • furuut dhanaan
  • furuut hadda la soo gooyay
  • casiir (aan dhanaanay)
  • koolayd
  • cabid aan ashito lahayn
  • macmacaan aad u jiljilicsan
  • furuut dhanaan
  • cabid aashito leh oo xumbo leh

Maxaa kale oo aan u baahnahay in aan ogaado?

Ha u safrin meel aadan kasoo gaarikarin dhakhtarkaaga balakiisa imaandoona 2 todobaad kadib.

Bogsood wuxuu imaan doonaa 2 todobaad kadib. Ku geesinimo gali ilmaha in uu gudaha guriga ku ciyaaro 3 ilaa 5 maalmood oo ugu horaysa. Ma ciyaari karo ciyaar tiiro badan, jimicsi, ama orad intii 2 ama 3 todobaad ah qalliinka kadib. Ilmuhu sida caadiga ah wuxuu ku noqon karaa dugsiga ama meesha xanaanada caruurta 7 ilaa 10 maalmood.

Waxa lagu daboolay waxay ka dhicidoonaan 7 ilaa 10 maalmood qalliinka kadib. Taasi waxaa suurtowda in ay keento xanuun iyo daganaasho la’aan, waa naadir in dhiig yimaado. Haddii aad aragtid dhiig yar oo yimaado, jiifi ilmaha ama sii baraf. Ku geesinimo gali ilmahaaga nasasho badan. Wac dhakhtarka haddii dhiigu ku joogsan waayo nasashada iyo barafka ka dib.

Goormaan wici karaa dhakhtarka qalliinka?

  • qandhadu haddii ay ka kor marto 101° F (38.3° C)
  • dhiig dhalaalaya oo kasta oo ka yimaada
  • haddii uu hunqaaco dhiig dhalaalaya oo guduudan (oo aan ahay guduud khafiif ah)
  • san goror
  • xanuun daawadu bi’in kari waydo
  • calool xanuun iyo hunqaaco 24 saac kadib.
  • calaamadaha lagu garto qalalida jirka:
    • indhahoo god ka muuqda
    • bishimo qalalan oo isku dhagaya
    • kaadi la’aan in ka badan 8 saac
    • indhaha oo aan ilmo lahayn

Su’aalo?

Warqadan ama warbixintani kuma saabsana ilmahaaga oo keliya, laakiin waa warbixin guud. Haddii aad qabtid su’aalo, fadlan soo wac dhakhtarka.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2017 Children's Hospitals and Clinics of Minnesota