Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Calool fadhi

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay calool fadhi?

Calool fadhi waa saxarada oo kugu dhagta (saxara la’aan).  Waa wax caadi u ah ilmaha marka cuntadoodu isbadasho iyo marka waxa ay rabaan iyaduna ay isbadasho.  Waa wax iyaduna caadi u ah marka ilmuhu ay baranayaan musqusha sida loo isticmaalo.

Waa maxay calaamadaha lagu garto calool fadhiga?

  • xanuun markaad saxaro dhigaysid
  • saxaro adag, dhagax la moodo
  • calool xanuun
  • saxaroodka oo yaraada (hal mar 3dii ilaa 7dii maalmood)
  • saxaro wasakhaynaysa matantaha

Sidee ayaan uga ilaaliyaa calool fadhi ilmahayga?

La hadal dhakhtarkaaga ama kalkaaliyadaada si ay kaaga caawinaan si aad go’aan uga gaarto waxa ugu fiican oo u shaqaynaya ilmahaaga.  Qorsha fiican oo ka ilaalinaya calool fadhi ilmahaaga, wuxuu u baahanyahay waxyaalo dhowr ah, wakhti, iyo dulqaad si aad u heshid waxa ugu fiican oo u shaqaynaya ilmahaaga.  Madaxa ku hay ilmaha qorshayaashooda saxaradu midba midka kale waa ka duwanyahay.  Ku day qaabka qorshayaasha kala duwan ilaa kan u fiican ilmahaaga aad heshid.

  1. Haddii ilmahagu u tababaranyahay isticmaalka musqusha, ha fariisto ama ha fariisato musqusha 5 ilaa 10 daqiiqo ka bacdi quraacda iyo cashada. (Wax cuniddu waxay kaa keentaa saxaro).
  2. Haddii ilmahaaga cagahiisu aysan taabanayn dhulka marka uu musqusha uu fadhiyo, u dhig ganbar cagaha hoostooda, si lowyihiisu wax yar uga sareeyaan miskihiisa. Fadhigaasu wuxuu ka caawinayaa in saxaradu soo baxdo.  Sida oo kale taasi waxay ka caawinaysaa in uu dareemo ama ay dareento dabacsanaan muruqyada marka uu fadhiyo musqusha.
  3. ku faani ilmahaaga in uu muddo ku fadhiyay musqusha, xataa haddii uusan dhigin wax saxara ah. Waxaa isticmaashaa qaab aad ku abaal marisid, sida waxyaalahan caruurtu isku dhajiyaan.
  4. Jirka si fiican u nadiifi mar kasta oo la saxaroodo ama saxaro kaa timaado. Taas waxay ka ilaalinaysaa in dabadu xanuunto.  Markii dabadu xanuunto ilmaha, waxay ilmuhu isku dayaan in ay saxarada isku celiyaan, taasina arinta oo dhan ayay sii xumaynaysaa.
  5. Ku geesinimo gali firfircooni iyo ciyaar, dhaqdhaqaaq la’aan waxay u keeni kartaa mindhicirku in uusan shaqayn.

Muxuu cunaa cunigaygu si aysan calooshu u fariisan?

Ku geesinimo gali in uu cabitaan badan cabo (biyo iyo casiirka furuutka, gaar ahaan tufaax, isbarmuuto, beer, jery, ama buruun).  Hubi in uu cuno furuut, khudaar, iyo waxyaalaha waxa miraha leh laga sameeyo maalin walba, taasoo ka caawinaysa in ay jilciso saxaradiisa una sahasho saxaradu in ay ka timaado.

Ku dar qabadin ama galay raashinka aad cuntid maalin walba.  Waxaa ku qasi kartaa siiriyaalka, canjeelada, saandawiishka ama raashinada kale ama gooniba loo cuno.

  • Ilmaha ka yar 6 sano:
    Sii 2 qaado oo tan shaaha ah oo buuxa oo qabadi ama galay ah maalin walba.
  • Ilamha 6da jira ama ka weyn:
    Sii 3 qaado oo tan shaaha ah oo buuxda oo qabadi ama galay ah maalin walba. 

Yaree raashimada  caloosha fariisiya sida mooska bariiska, kaarootka la kariyo, farmaajo (Burcad), furuutka jil-jilicsan oo saliid leh oo la cuno raashimada inta u dhaxaysa.  Xadid caanaha iyo caanaha waxyaalaha laga suubiyo ilaa calool fadhigu ka ba’o.  Sonkorta caanaha ku jirta caruurta qaar ayay caloosha fariisisaa.

Maxaan ku caawinaa ilmayga si uu u saxaroodo?

kala hadal kalkaalisada ama dhakhtarka ilmahaaga qaabkii aad u isticmaali lahayd qoortii iyo sidii aad u isticmaali lahayd:

  • Waxa saxarada jilciya: Daawada ka hortagida in saxaradu adkaato.  Waxaa loo qaataa si joogta ah.  Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya nooca iyo tirade u fiican ilmahaaga.
  • Daawada dabada la galiyo: daawada waxay dhex galaysaa malawadka waxayna jilcisaa saxarada, saxaradana waa ay keentaa.
  • Daawo dareerta: Dareerto daawa ah oo dabada lagu shubo, taas oo socod siisa saxarada. Ha isticmaalin daawadaas adiga oo aan kala hadlin dhakhtarka ama kalkaaliyada.

Maxaa kale oo aan u baahnahay in aan ogaado?

Ilmo badan oo isku kaadja waxay qabaan calool fadhi.  Calool fadhigu wuxuu sii xumeeyaa isku kaadiga, maxaa yeelay kaadi haysta iyo mindhirku waa isku dhowyihiin.  Markii ilmaha calooshu fariisato, waxaa suurtowda in mindhicirka saxaro adag ay buuxiso.  Taasu waxay wax yeelaynaysaa kaadihaysta in ay awoodi waydo in ay celin kaadida oo ay qaadi waydo tiradii kaadidii ay qaadi jirtay.  Cadaadiska kaadihaysta oo ka imaanaya saxarada adag ee fadhida mindhicirka waxay keenaysaa in qofku dareemo in uu u baahanyahay in uu kaadjo.  Waa in la sameeyaa qorshe caloosha lagu socodsiiyo, isla markaana, si loogu guulaysto in la bilaabo qorshe isku kaadiga lagu joojiyo.

Goorma ayaan soo wacaa bukaan socodka?

  • haddii wal walkaagu badanayo ama su’aalo aad qabtid.
  • haddii aad dhiig ku aragtid saxarada.
  • haddii calool fadhigu sii socdo oo usan saxaroon 2 maalmood.
  • calool xanuun.
  • matantaha oo wasakhoobaya.
  • haddii aad bilowdid in aad ku dagaalantaan adiga iyo ilmuhu in uu saxaroodo.

Su’aalo?

Warqadaani gaar uma aha ilmahaaga, laakiin waa warbixin guud.  Haddii aad qabtid wax su’aal ah, fadlan wac bukaan – socod eegtada (clinic).

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota