TAARIIKHDA TOVIN,

waa sheeko ku saabsan ilmo korsasho, jacayl iyo wadne shaqaynaya

Markii Jason and Jennifer Kainz wiil ay korsadaan soo kaxaysteen China, way ogaayeen in uusan u baahnayn kaliya qows — lakiin sida oo kale daryeel caafimaad.

Tovin with parents“Waxaan tagnay meesha barnaamijka ilmaha baahida gaarka ah qaba laga soo korsado,” Jennifer baa tiri. “Jason iyo aniguba waxaan aaminsanahay in ilma kasta uu istaahilo in fursad la siiyo. Qof walba waxbaa ka xumaan kara caafimaadkiisa, laakiin caafimaadkeenu ma sheego qofka aan nahay.”

Waxay qoyska Kainz aysan ogeyn in xaalada wadnaha Tovin ay ka liidato sida ay filayeen. Kadib marka ay yimaadeen Maraykanka, tilaabadii u horaysay Tovin wuxuu kula kulmay Dhakhtarka la yiraahdo Rodrigo Rios Isbitaalka Caruurta qaybta Bukaan-socodka Wadnaha. Halkaa, baaritaanadii waxay cadeeyeen in Tovin wadnihiisu ku jiro dhinaca midigta ah (dhinac khalad ah) ee jirka, dhanka bidixda ee jirka waxaa ku jira xididadii dhiiga; faalfalaha wadnaha oo aan samaysmin; wadnaha oo duleela; halbowlaha sambabada oo aan shaqaynayn iyo dhanka midigta ah oo godan.

Oksijiinkiisu aad buu si khatar ah u hooseeyaa. Jirkiisuna waa buluug. Wuxuu ku noolaa wadne xanuun nolashiisa khatar ku hayay inta uu noolaa, hadana niyadiisu waxyeelo ma qabto. “Waa ilmo shakhsiyad wanaagsan leh oo markiiba aad jeclaanaysid,” waxaa yiri dhakhtar Rios.

Tovin with Dr. Rios

Tovin wuxuu si dhakhsa ah u maray qaliinkii u horeeyay marka uu maraykanka yimid, wuxuuna markiiba ka muuqday isbadal weyn. Sanad kadib, wuxuu maray qaliinkii labaad. Maalmo yar kadibna wuxuu ku noqday guriga si uu u buskoodo. Dhakhaatiirtu waxay filayaan Tovin in uu u baahandoono qaliin kale marka uu weynaado si loo hagaajiyo wadnihiisa.

 

Hadda, waa nin firfircoon, tamar badan, sameeya wixii lagu aqoonjirey sideed jir. “Tovin wuxuu jecelyahay in uu wax walba tijaabiyo, beerta la falo adeerkii iyo awowgii, ku ciyaaro boombalada iyo tareenada,” Jennifer baa tiri. “Aad buu uga helaa ku noolaanshaha baadiyaha Minnesota. Mar walba jaantaa rogan.”

Jason carrying a young Tovin
Tovin with his new family in China
Tovin smiling in a hospital bed after surgery
Tovin walking with the family dog
Tovin smiling with a toy
Tovin smiling in a superhero costume
Tovin laughing on a swing
Tovin with his family, all smiling

Ilaa marka uu yimid Tovin Minnesota, wuxuu ka yimid meel fog. Markaan la soo wareegnay, koriimadiisu waxay ahayd mid dhacsan. Tovin ma uu awoodin in uu guurguurto, socdo ama kula xiriiro qoyskiisa la hadal, waxaa tiri Jennifer. Tilaabadii u horaysay oo gacan la siinayay wuxuu qaaday Isbitaalka caruurta qaliinka u horeeyay ee wadnaha, wuxuu sameeyay tilaabooyin waa-weyn oo ay ka caawineen baxnaanada xoojinta muruqyada iyo wax qabsiga. Waxaa mahad leh baxnaanada luuqad barida, maanta xarfahoo dhan waa yaqaanaa.

“Ixtiraam weyn baan u haynaa dhamaan shaqaalaha Isbitaalka Caruurta ee aan wada shaqaynay, weyna ku mahadsanyihiin jacaylka qof walba uu siiyay Tovin,” waxaa tiri Jennifer.

We need your help.

Donate today. Make a difference in the lives of Minnesota kids.

Choose a gift amount:

Share: