Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Nimooniya (Somali)

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay nimooniya?

Nimooniya waa cudur sanbabada gala oo ay keento bacteeriya, vayras ama bahal kale oo la yiraahaado fangas. Jiradaan waxay keentaa barar iyo xab ka abuurma sanbabada, waxayna keentaa in neefsashadu adkaato. Waxay ka mid tahay cudurada caamka ah ee jiraysiiya qayta hoose ee hawa mareenka caruurta.

Maxay yihiin calaamadaha lagu garto nimooniya?

  • qufac
  • qandho
  • neefsashada oo adag
  • xabad xanuun
  • calool xanuun ama matag
  • raashin cunnid xumo

Sidee baan u daryeelaa ilmahayga?

Waxaa suurtowda dhakhtarku in uu qoro antibiyootig si ay cudurka ula dagaalanto. Aad ayay muhiim u tahay in la dhameeyo daawada dhamaanteed.

Ku geesinimogali wax cabid badan. Taasi waxay jilcinaysaa xaakada sidaas darteed waa la qufici karaa, sidaas ayay uga soo baxaysaa sanbabada.

Wax yar madaha iyo xabadka qaad.

Qandhada u sii qandhojabiyaasha (Tylinol ama kuwa la midka ah) ama ib-broofin (Mootrin ama kuwa la midka ah) sida laguu faray, 4 ilaa 6 saacba mar ama sidii aad ugu baahatid.

Goorma ayaan wacaa bukaan-socod eegtada (clinic)?

Wac bukaan socodka hadii:

  • daawada oo aad matagtid.
  • hurdo aad uga badan sidii caadiga ahayd.
  • wax cabidda oo uu diido.
  • neefsasho deg deg ah iyo neef tuur.
  • neefjiidida (waxaad arkaysaa in lafaha surka muuqanayaan ama feerahiisa la tirin karo marka kasta uu neefsado).
  • midabka qofka afkiisa oo is badala.

Su’aalo?

Warqadaani gaar uma aha ilmahaaga, laakiin waa warbixin guud. Haddii aad qabtid wax su’aal ah, fadhlan wac bukaan – socod eegtada (clinic).

rev. 5/2018

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota