Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Xakameynta taabashada

Article Translations: (English) (Spanish)

Waa maxay xakameynta taabshada?

Jeermiska qaarkiis si fudud ayuu hawa ahaan ugu sii gudbi karaa bukaannada kale. Xakameynta taabashada waa hab looga hortago in xanuun la isu gudbiyo.

Taabashada tooska ah waxaa loola jeedaa taabashda jirka dadka, badanaaba gacmaha. Taabashada aan tooska ahayn waxaa loola jeedaa taabashada wax wasakheysan, sida alaabta carruurtu ku ciyaarto, dharka, ama meelo kale dushooda. Badanaaba arrintaasi waxa ay dhacdaa marka marka gacmaha oo jeermis wata lagu taabto oogada meelo kale oo uu qof kale taaban doono.

Maxaa ilmahayga loogu daray xakameynta taabashada?

Sababta ilmahaaga loogu daray xakameynta taabashada waa xanuun uu qabo ama qabi karo. Xakameyntan waa sida lagu yareeyo fursadaha ay ku dhici karto in ilmaha kale uu wax jeermis ah u sii gudbo.

Macluumaad dheeraad ah: __________________________________________________

Maxaa la sameeyaa si looga hortago faafidda jeermiska?

Waa inuu ilmahaagu qolka ku jiro. Haddii  uu marayo baaritaannada qaarkood dibadda ayaa loo soo saari doonaa iyadoo la sameyn doono xakameynta taabashada.

Waraaqda irridka ku dheggan ee qolka uu ilmahaagu jiifo ayaa shaqaalaha xusuus u noqoneysa inta ay gudaha ku jiraan in ay xirtaan maasgaro.  Shaqaaluhu gacmaha ayey meyran doonaan intaysan soo galin qolka ilmahaaga iyo marka ay ka baxayaan.

Maxaa adiga lagaa rabaa?

  1. Meyr gacmahaaga intaadan soo gelin iyo intaadan ka bixin qolka ilmahaaga. Iska hubso in ay dadka idin soo booqda iyaguna sidaas oo kale sameeyaan.
  2. Kalkaaliyeyaasha kala hadal intaysan idiin imaan xubnaha kale ee qoyska iyo asxaabta idin soo booqaneysa, sababtuna waa khatarta weyn ee faafinta jeermiska awgeed.
  3. Markaad ilmahaaga daryeeleyso xiro gacmo-gelis iyo dharka isbitaalka haddii aad taaban doonto dareeraha jirkiisa (sida kaadida, dhareerka, saxarada) ama dhiig iyo wax kale oo la mid ah.
  4. Haddii aad qufacayso xiro maasgaro markaad ku jirto qolka ilmahaaga iyo markaadan ku jirin.
  5. Fadlan shaqaalaha weydiiso haddii aad maro ama alaab kale uga baahato isbitaalka iyo meel ka baxsan qolka ilmahaaga. Adigu ha iska aadin goobaha keydka ama maqsinnada.
  6. Xubnaha qoyskaaga ka tirsan iyo dadka soo booqanaya ilmahaaga waa in aysan gelin qolalka bukaannada kale.

Haddii aad wax su’aalo ah ka qabto xakameynta gaarka ah fadlan weydii kalkaaliyeyaasha.

Ma tagi karaa ilmahaygu meelaha ay carruurtu ku ciyaarto?

Waxaa ilmahaagu aadi karaa qolka ciyaarta wakhtiyada aysan carruurtu joogin, sida fiidkii iyo aroortii. Alaabta carruurtu ku ciyaarto waxaa nadiifin doona shaqaalaha isbitaalka ka dib marka ilmahaagu ku ciyaaro. Isticmaalidda qolka ciyaarta fadlan kala hadal shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee ilmahaaga.

Su’aalo?

Warqaddan ma aha mid gaar ku ah ilmahaaga, laakiin waxaa ku qoran macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su’aalo ah, fadlan weydii dhakhtarka ama kalkaalisada ilmahaaga.

Reviewed 3/2019

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota