Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

MASHIINKA SAWIRKA JIRKA GUDIHIISA (MRI)

Article Translations: (English) (Spanish)

Waxa uu ilmahaagu Children's Minnesota ku leeyahay ballanta mashiinka sawirka jirka gudihiisa (MRI).

Taariikhda: __________________________________

Wakhtiga sawirka: _______________________________

Wakhtiga Is-xaadirinta: __________________________________

___ Children's - Minneapolis
2525 Chicago Avenue South
Minneapolis, Minnesota 55404
612-813-8200

___ Children's - St. Paul
345 North Smith Avenue
St. Paul, Minnesota 55102
651-220-6147

___ Children's Minnetonka
6050 Clearwater Drive
Minnetonka, Minnesota 55343
952-930-8600

Fadlan horay u soo qaado liiska daawooyinka ilmahaaga iyo kaarka caafimaadka. Haddii aad su'aalo ka qabto ceymisku kharashka uu kaa bixinayo ee baarista, ama shuruudo gaar ah oo la xiriira sii-gudbinta, fadlan si toos ah ugala xiriir shirkadda ceymiska.

Haddii ilmahaaga hadda ka hor meelo kale (oo aan ahayn Children's) ay ku soo arkeen dhibaato ah baarista sawirka noocan ah, fadlan u soo qaad CD haddaad hayso.

Waalid ama qof weyn oo masuul ah waa in uu soo raco ilmaha ka yar 18 jir.

Waa maxay MRI?

Mashiinka MRI waxa uu soo saaraa xubnaha jirka gudihiisa oo ah humaag (sawir) saddexdhinacle ah (sida maskaxda, wadnaha, lafdhabarta, gacmaha iyo lugaha) oo wuxuu isticmaalaa birlab danabeysan oo ah hirar koronto ah. Ma laha shucaac dhibaato leh. Mashiinka MRI ma laha saameyn waxyeello ah sida la ogyahay.

Sidee baa baarista loo sameynayaa?

Qof ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa ilmaha keenaya qolka baarista oo idin kala hadlaya arrimaha caafimaadka oo idiin sharxaya baarista. Waa in ay carruurtu iska bixiyaan dharkooda oo ay sawirka MRI u gashtaan dharka isbitaalka. Shaqaaluhu waxay ilmaha u sheegayaan in ay musqusha isticmaalaan baarista ka hor.

Mashiinku mar kasta waa uu shidan yahay. Birlab xoog badan oo ku jirta awgeed, wax kasta oo bir ah, sida waxa timaha lagu xirto ee ay biro ku jiraan, biinka khamaarka, silsilado, dharka ay biruhu ku jiraan, iyo kaararka bangiga waa in laga fogeeyo qolka mashiinka ka hor intaan qolka la gelin. Caagga ilkaha iyo biraha ilkaha ku xiran wax dhib ah ma laha.

Mararka qaarkood xidid ayaa daawo lagu shubaa si jirka looga helo macluumaad dheeraad ah. Haddii loo baahdo daawo xididka laga qaato, kalkaaliso ayaa cirbad faleebbe ah uga mudeysa gacanta. Cirbaddu waa mid aad u yar oo xididka (gudihiisa) la gelinayo. Marka faleebbaha la diyaariyo, cirbadda waa laga saarayaa oo caag yar ayaa xididka lagu reebayaa inta sawirka la sameynayo. Wax dhib ah kuma keento carruurta oo sharooto ayaa la saarayaa. Shaqaalaha ayaa waalidka iyo ilmaha la qorsheyn doona wax kasta ilaa lagu mudo faleebbaha.

Ka dibna waalidka iyo ilmaha waxay geli doonaan qolka mashiinka MRI. Waa mashiin weyn oo bartanka ku leh god weyn oo ay gasho sariirta lagu seexinayo qofka la baarayo. Waxaa imuhu ku seexanayaa sariirta oo si aayar ah gadaal ugu soconeysa ilaa gudaha. Mashiinka gudihiisa waxa ku shidan nalal iyo hawo guuxeysa, oo wax dhib ah ma laha.

"Fiilo" (koofiyad furan ama duub) ayaa la dul saarayaa qeybaha jirka ah ee la sawirayo, laakiin ma aha wax taabanaya ilmaha.

Farsamayaqaanka MRI ayaa hubsanaya in go'yaal la huwiyo ilmaha. Haddii daawada xididka la isticmaalayo, waxaa lagu shubayaa inta sawirku socdo.

Mashiinka sawirka ma taabanayoo ilmaha. Waxaa mashiinka laga maqlayaa qeylo ama jabaq soo noqnoqoneysa. Dhegaha ilmaha waxaa loo gelinayaa dhego-gelis ama sameecad wax lagu dhageysto. Waxa kale oo ilmahaagu daawan karaa filin uu ka dhex arkayo ookiyaale gaar ah.

Sawirku inta uu socdo, shaqaalaha MRI ayaa daaqad ka daawanaya ilmaha oo adigana waxay kaala hadli karaan intercom.

Waa in uusan ilmuhu is dhaqaajin inta uu sawirku u socdo. Taas macnaheedu waa in uusan hadlin. Carruurta ka yaryar 6 sano ama kuwa qaba baahiyada gaarka ah, waxaa la siin karaa daawo lagu seexiyo si aysan isugu dhaqaajin. Marka la seexinayo waa in daawo laga siiyo faleebbaha ama afka, balse waxa ay ku xiran tahay da'da ilmaha iyo xaalkooda caafimaadka. Haddii aad su'aalo ka qabto suuxinta ama aad rabto in aad shaqaalaha weydiiso waxa uu ilmuhu ka faa'iidayo suuxinta, fadlan kala xiriir qeybta raajada isla goobtii aad iska xaadiriseen oo waxaad ka eegan kartaa waraaqdan qeybteeda kore. Eeg waraaqda macluumaadka, "Suuxinta baarista caafimaadka."

Dhakhtarka takhasus ku haysta jirka gudihiisa iyo sawirrada ayaa qoraya baarista, oo jawaabaha waxaa loo gudbinayaa dhakhtarka ilmaha.

Ma la joogi karaa ilmahayga marka lagu sameynayo baarista?

Haddii uusan waalidku ahayn haweeneey uur leh oo aysan jirin biro jirka ugu jira sida batariga wadnaha ama birta insuliinka, waxaa loo oggol yahay in ay ilmaha la joogaan. Waxaa lagu siin doonaa dhego-gelis.

Haddii suuxin la isticmaalo, ilmahaaga waad la joogi kartaa ilaa uu seexdo; ka dibna waa in aad ku sugto qolka waalidka ilaa baarista loo soo dhammeeyo.

Sawirka MRI wuxuu qaadanayaa 20 ilaa 60 daqiiqo, balse waxa ay ku xiran tahay jirka qeybta sawirka laga qaadayo. Caadi ahaan waxaa sawirka waxaa loo qaadayaa siyaabo kala duwan. Qeybaha sawirrada gudaha midkiiba wuxuu qaadan karaa 2 ilaa 10 daqiiqo. Haddii la suuxinayo ilmahaaga, waa in aad ku soo talagasho wakhtiga ka hor iyo ka dib marka daawada lagu mudo oo ilmuhu waa uu soo kacayaa marka sawirka laga qaado.

Maxaan sameyneynaa baarista ka hor?

Haddii la suuxiyo, waa inuusan ilmuhu waxba soo cunin ama soo cabbin sawirka ka hor. Waxaa laguu soo dirayaa taleefan farriimo laguugu sheegi doono. Haddii ilmahaagu qaadanayo daawo loo qoray ilaa 2 saac ka hor sawirka, waxaad ku soo siin kartaa xoogaa biyo ah keliya, haddii aadan talo kale dhakhtar ka helin. Haddii uusan sawirku MRI ahayn uurkujirta, ilmuhu wax buu soo cuni karaa oo soo cabbi karaa haddii lagu mudayo daawada xididka.

Haddii ilmahaagu xanuunsado oo uusan caafimaadkiisu caadi ahayn maalinta sawirka, fadlan taleefan u soo dir qeybta sawirka oo ballanta u beddel.

Akhriso macluumaadka oo kala hadal ilmahaaga. Uga jawaab su'aalaha oo dhan intii aad awooddo. Si aad u hesho faahfaahinta sida loo diyaargaroobo iyo sida ilmaha loo fahamsiiyo baarista, la soo xiriir qeyta nolosha carruurta. Qeybta nolosha carruurta waxaa jooga shaqaale tababaran oo fahamsan sida loo maro baarista ama qalliinka oo kuu haya talo ku fiican sida ilmaha loola hadlo. Wax lacag ah lagaama rabo markaad talo soo codsato.

Children's - Minneapolis: 612-813-6259
Children's - St. Paul: 651-220-6465
Children's West: 952-930-8773

Sidee baan ilmahayga baarista ugu soo diyaarinayaa?

Carruurtu badanaa ma cabsadaan marka wax la fahamsiiyo oo ay ogyihiin waxa ay filanayaan iyo waxa laga rabo. Adiga ayaa aqoon fiican u leh ilmahaaga. Faahfaahinta aad ilmaha siineyso waxay ku xiran tahay da'da iyo heerkooda fahamka, sidii ilmuhu ku ahaayeen baaristii hore ee caafimaadka, iyo heerka khalkhalkooda ee baarista noocan ah. In lagala hadlo baarista ayaa ilmaha qaarkood caawin karta, oo waxaa idiin fududaan kara baarista ama qalliinka hadda.

Carruurtu badanaa waa in wax loogu sheego si fudud iyo hadalka ay fahmi karaan:

  • maxaa loogu baahan yahay baaristan. Tusaale ahaan, waa in ilmaha loo sharxo calaamadaha iyo dhibaatada, sida madax-xanuunka, xanuun kale ama wareerka, iyo in uu sawirka MRI caawin doono in lagu ogaado waxa jira.
  • waa meesha qeyta ilmaha laga sawirayo.
  • waxa ilmuhu arki doono, maqli doono, dareemi doono—tusaale ahaan, duleelka weyn ee mashiinka, dhega-geliska, ookiyaalaha (sida kan dabaasha) oo wax laga daawado.
  • meesha ay joogayaan waalidka ama dadka waaweyn inta ay baaristu socoto: "Aniga/Innaga waan kula joogeynaa mar kasta" ama "Waxaan kugu sugeynaa qolka waalidka ilaa laguu dhammeeyo sawirka."
  • in ay caadi tahay inay shaqaalaha isbitaalku taabtaan jirkaaga meesha lagaa sawirayo.
  • in na loo ka jawaabi doono su'aal kasta oo aan qabno.

Caarrruur badan waxay ka walaacaan haddii ay baaristu xanuun ku keeneyso. Sawirka MRI wax xanuun ah ma laha. Waxaad u sheegtaa ilmaha in ay xididka ka dareemi karaan xanuunka cirbadda, balse waa wax ilbiriqsi ah oo aan dhib lahayn. Xusuusi ilmaha in baarista sawirka ah ay aad muhiim ugu tahay sababtoo ah waxaa lagu ogaanayaa caafimaadka jirka gudihiisa.

Sidee baan ilmaha u caawin karaa inta baaristu socoto?

Ballanta ka hor, adiga iyo ilmahaagu:

  • guriga ku wada sameeya habka baarista "iyo inaan dhaqaaqid la sameyn karin."
  • jirku ha jilicsanaado. Ka feker sida marka wax xiiso leh la daawanayo ama la sameynayo.
  • u soo qaad alaabo uu ilmuhu ku mashquulo, sida boombale ama buste, qoysaska qaar buug ayey soo qaataan ama alaabo aan qeylo lahayn, ilmaha yaryarna cinjirka jaqista. Carruurta waaweyn iyo kuwa qaangaarka ah waxay soo qaataan shaashada xalleefsan ama iPod® ama wax kale oo ah daawasho ama ciyaaro ay haystaan baarista ka hor.
  • kala hadal sida ilmuhu u rabo in uu ka ogaado baarista inta la sameynayo. Carruurta qaarkood waa in loo sii sheego wax kasta oo waa ay xusuusan karaan. Qaarna ma rabaan wax faahfaahin ah, oo waa in ay mashquulaan oo la caawiyo. Iska hubso in aad shaqaalaha u sheegto sida loo dejin karo ee ugu fiican ilmahaaga.

Intaad sugeyso

Cilmibaaris ayaa lagu soo ogaaday waalidka aan raalligelin ee mashquuliya ilmaha in ay muhiim u yihiin marka ay ilmaha cabsi gasho.

  • Kala hadal waxyaabo uu ka helo oo aad hubto – wax ilmuhu jecel yahay, meelo ciyaaro loo aado, meel aad aadeysaan qoys ahaan, xaflado hore, wax farxad ah.
  • Heeso isla qaada. Ciyaaro laga fekero wada sameeya, sida hadalka ama in wax la isku daro ama in wax la kala jaro. Waxaa ilmaha yaryar la weydiin karaa xoolaha la dhaqdo ama xaywaanka jooga beerta xannaannada iyo sida ay u ciyaan, ama in ay magacaabaan qoyska ama deriska, iwm.
  • Buugaag waa in oo akhriyo, waa in lagula ciyaaro "Waxaas ma sheegi kartaa?" oo waa in lagu caawiyo dadka iyo xayawaanka ay garan karaan, wixii ay arki karaan.

Inta sawirku socdo

  • Carruurta qaar ayaa filin ay daawadaan ka amaahda isbitaalka inta sawirku u socdo, ama qaar ayaa guriga ka soo qaata.
  • Waxaad istaagi kartaa meel u dhow adigoo ka taabanaya gacanta, lugta ama cagta. Waa si aad ku ogeysiin karto in aad la joogto.

Maxaan filan karnaa baarista ka dib?

Haddii ilmaha la suuxiyo, waa in ay la joogto kalkaaliso ilaa ilmuhu soo naaxo. Sawirka ka dib, daawada faleebbaha waxay muujineysay meelaha sawirka oo wax dhib ah ma laha balse waxay soo raaceysaa kaadida. Waa in aad ilmaha siiso biyo badan baarista ka dib.

Dhakhtarkii baarista u soo qoray ayaa kuu soo sheegi doona jawaabta 2 ilaa 3 maalmood ka dib.

Maxaa kale oo muhiim ah oo aan ogaan karnaa?

Maalinta ka horreysa baarista, waxaad iska sii diiwaan gelin kartaan www.childrensmn.org. Diiwaangelintu kama-dambeys waa 3da galabnimo ka hor, ama taleefan u soo dir isbitaalka.

Children's - Minneapolis: 612-813-6231
Children's - St. Paul: 651-220-6878
Children's Minnetonka: 952-930-8600

Daawada suuxinta, seexinta, ama daawada xididka waxay khatar ku keeni karaan haweenka uurka leh. Sababtaas awgeed waa in gabdhaha la ogaado haddii ay uur leeyihiin si loo hubsado in aan wax dhib ah gaarin kuwa uurka leh. Gabdhaha waaweyn ama gaaray 10 sano iyo ka weyn, ama kuwa ka yaryar ee baaluqay waa in laga qaado kaadi la soo baari doono.

Haween ama gabar uur leh ma soo geli karaan qolka baarista. Qof weyn oo masuul ah, oo gaaray 18 jir ama ka weyn ayaa ilmaha qolka la joogi kara. Walaalaha looma oggola in ay soo galaan qolka baarista. Waa in ay waalidku ilmaha kale la joogaan goobta waalidka, ama waa in ay ku qoraan Goobta Carruurta Ciyaareysa (2 jir iyo wixii ka weyn). Taleefan u soo dir oo iska weydii saacadaha:

Children's - Minneapolis: 612-813-7051
Children's - St. Paul: 651-220-7150

Qorsheyso wakhti kugu filan ballanta ka hor, si aad ilmaha kale u geysato Goobta Carruurta Ciyaareysa.

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad su'aalo noo qabto ama aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baarista, soo garaac taleefanka qeybta sawirka ee goobta la iska xaadiriyo.

Wakhtigii qoraalkan 5/2022

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota