Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

FARUURNAANTA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay faruurnaantu?

Faruurnaantu waa bishin kore oo jeexneyd ilaa bilihii ugu horreeyey ee uu ilmuhu ahaa uurjiifka. Waxaa laga yaabaa in ay faruurnaantu ku sii fiddo dhabxanagga (saqafka afka) iyo/ama sanka, ama jeexnaanta bishintii ayaa sii kordhi karta.

Faruurnaantu waxay ku dhici kartaa hal ama labada dhinac ee faruurta kore. Qalliin ayaa lagu hagaajin karaa, oo waa mid aad ugu fiican 3 ilaa 6 bilood gudahood dhalashada ka dib.

Sidee buu ilmuhu wax u cuni karaa?

Qorshaha quudinta ee ilmaha waxaa lagu go'aamiyaa nooca faruurnaanta. Nuunneyaasha faruuran sida keliya ee loo quudin karo waa nuujin. Nuunneyaasha ay faruurantoodu gaarto dhabxanagga waxaa loo isticmaalaa masaasad gaar ah.

Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ayaa go'aamin doonaa sida ugu fiican ee ilmaha loo quudiyo.

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

Dhakhtarka suuxinta iyo dhakhtarka qalliinka ayaa qori doona oo sharxi doona daawada la siin karo ee ilmaha ka caawineysa xanuunka. Waxaa ilmaha lagu xirayaa faleebbe (IV) si looga siiyo biyo, daawo ah xanuunka, iyo antabiyootig.

Qalab ayaa ilmaha lagu ilaalin doonaa si loola socdo garaaca wadnaha iyo habka neefsashada marka la siinayo daawooyinka xanuunka oo ah faleebbe (IV).

Nuunnuhu waxba ma cabbi doono ilaa uu si buuxda uga soo naaxo suuxinta. Badanaa waxay qaadataa 1 ilaa 4 saac qaliinka ka dib, waxa ay ku xiran tahay talada dhakhtarka. Marka ay kuu suuroowdo, waxaad ilmaha u quudin kartaa si la mid ah sidii qalliinka ka horreysay. Marka aad quudineyso, waa in aad ka taxaddarto in aadan taaban meeshii laga qalay.

Daawooyinka xanuunka ee sida acetaminophen (Tylenol® ama nooc kale) ama ibuprofen ayaa ilmaha loo siin karaa xanuunka hal mar 4 ilaa 6 saac oo kasta. Inta badan wakhtigan waa mid dhib badan ku noqonaya waalidka iyo ilmaha, balse ilmaha in la hayo oo la sabaaliyo ayaa waalidka u fiican.

Sidee baa loo daryeelayaa meeshii qalliinka?

Meesha la qalay waa meel lagu xirayo koollo ah dareere. Koollada la marinayo waa jeermis la'aan, oo waa dareere lagu dul shubayo maqaarka. Waxa koollada loo isticmaalayo waa in lagu xiro maqaarka nabarka ah ee meesha la qalay. Haddii koollada qalliinka ee dareeraha ah la mariyo meesha la jeexay, waxa muuqaneysa waa koollada oo engagan.

  • HA MARIN daawada dareeraha ah ama boomaatada ama wax kale meeshii la qalay ka dib marka lagu xiro koollada, sababtoo ah waxyaabahaas waa waxa daciifin kara koollada oo meeshii la qalay ayaa kala furmeysa.
  • HA SOO jiidin koollada ku dahaaran meeshii la qalay. Sidaas waxa ay dhib ku noqoneysaa isku-dhegganaanshaha oo maqaarka ayaa kala bixi kara.
  • Koollada meeshii qalliinka waa wax si dabiici ah u soo fuqi doona 5 ilaa 10 maalmood.
  • MARNA HA xoqin, ha qoyn, oo banneyn meeshii la qalay ilaa ay koolladu ka soo fuqdo oo ilmuhu soo maro wiisiteynta dhakhtarka ee qalliinka ka dib.

Sidee baan ilmaha ugu daryeelayaa guriga?

Waxaa aad muhiim u ah in la ilaaliyo meesha la qalay.

Waa in aan ilmaha la siin cinjirka afka ama aan wax laga beddelin habka loo quudiyo ilaa uu dhakhtarku ku taliyo.

Waa in mar kasta maro looga duubo gacmaha si looga hortago in uu xoqo meeshii laga qalay. Waa in loo xiro shaar gacmo-dheere ah oo gacmaha laga daboolo si maqaarka loogu ilaaliyo. Waxaa gacmaha kore lagu xiri karaa dharka jiifka si aysan dharku hoos uga siiban. Waxba ha koolleyn maqaarka ilmaha.

Ka bixi gacmaha marada ku duuban, marba mid, si ilmuhu u jimicsado 2 ama 3 jeer maalintii. Dusha ka eeg guduud ama danqasho ah kilkilaha ama cumaacumta agagaarkooda.

Waa in gacmaha maro looga duubo ilaa 2 toddobaad qalliinka ka dib marka ilmuhu hurdo ama aysan ku xirneyn qalabka lagu ilaalinayo. 

Goorma ayaan taleefan u dirayaa dhakhtarka qalliinka?

  • marka ay kala baxdo ama kala furato meeshii la qalay
  • Qandhada heer kulkeelkeedu yahay 102.0 F (38.8°C) waa caadi. Dhakhtarka guud ee ilmaha la xiriir haddii qandhada ilmuhu dhaafto 102.0 F (38.8°C) ka dib marka la siiyo acetaminophen (Tylenol) iyo/ama Ibuprofen 
  • Meeshii la qalay markay guduudato, ama uu dheecaan ka socdo

Maxaa kale oo aan u baahnahay?

Kaalmo ayaa laga yaabaa in laga helo ururka Services for Children with Handicaps (Adeegyada Carruurta Curyaanka ah) ama TEFRA. Wixii faahfaahin ah, kala xiriir adeegaha bulshada ee isbitaalka ama shaqaalaha degmada. Tasiilaadyada kale waxaa ka mid ah:

American Cleft Palate Foundation
1829 E. Franklin St. Suite 102
Chapel Hill, NC 27514-2820
1-800-24-CLEFT
www.cleftline.org

Kilinigga Faruurnaanta, Lafaha Madaxa iyo Wejiga
Children's Minnesota
2525 Chicago Avenue South
Minneapolis, MN 55404
612-813-6888

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir dhakhtarka.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota