Article Translations: (English) (Spanish)
Jeermiska qaarkiis si fudud ayuu hawa ahaan ugu sii gudbi karaa bukaannada kale. Xakameynta xanuunnada faafa waa hab looga hortago in xanuun la isu gudbiyo.
Sababta ilmahaaga loogu daray xakameynta xanuunnada faafa waa xanuun uu qabo ama qabi karo. Xakameyntan waa sida lagu yareeyo fursadaha ay ku dhici karto in ilmaha kale uu wax jeermis ah u sii gudbo.
Macluumaad dheeraad ah: ________________________________________________________________________
Waxaa ilmahaaga lagu hayn doonaa qol gaar ah oo la yiraahdo goobaha xanuunnada faafa “airborne infection isolation” ama qol aysan hawadu ka bixi karin “negative air-flow room”. Qolka lagu hayo ilmahaaga mar kasta waa uu xirnaan doonaa si looga hortago in uu jeermisku sii faafo. Waa inuu ilmahaagu qolka ku jiro, oo waxaa laga soo saari doonaa markuu marayo baaritaannada qaarkood iyadoo la sameynayo xakameyn gaar ah.
Waraaqda irridka ku dheggan ee qolka uu ilmahaagu jiifo ayaa shaqaalaha xusuus u noqoneysa inta ay gudaha ku jiraan in ay xirtaan maasgaro. Shaqaaluhu gacmaha ayey meyran doonaan intaysan soo galin qolka ilmahaaga iyo marka ay ka baxayaan.
Haddii aad wax su’aalo ah ka qabto xakameynta gaarka ah fadlan weydii kalkaaliyeyaasha.
Looma oggolaan doono ilmahaagu inuu aado qolka ay carruurtu ku ciyaarto, taasoo ay ugu wacan tahay khatarta weyn ee faafinta jeermiska. Qolka ayaa alaabo uu ku ciyaaro loogu keeni doonaa ilmahaaga. Wax kasta oo ay ka mid yihiin qalabka, alaabta iyo ciyaaraha carruurta, waa in aan laga saarin qolka ilmahaaga ilaa ay nadiifiyaan shaqaalaha isbitaalka.
Warqaddan ma aha mid gaar ku ah ilmahaaga, laakiin waxaa ku qoran macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su’aalo ah, fadlan weydii dhakhtarka ama kalkaalisada ilmahaaga.
Reviewed 3/2019
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2025 Children's Minnesota