Article Translations: (English) (Spanish)
Suuxinta (an-ess-thee-zha) waa daawo la qaato ka hor qaliinka si looga caawimo ilmahaaga in uu hurdo la dhaco oo uusan dareemin xanuun. (Tan waxaa kale oo la yiraahdaa “suuxinta guud” maxaa yeelay waxay saameeynaysaa jirka oo dhan. “Suuxinta gaar ahaaneed” waxaa loo isticmaalay qaybo jirka ka mid ah.)
Ugu horrayn, ka warhay adiga dareenkaaga; waalideenta in badan ayaa wal-walsan. Way fiicantahay in aad xusuusato ujeedda suuxdinta iyo shaqaalaha Isbitaalka in ay yihiin dad ku takhasusay siinta daawada suuxinta.
Suuxinta sida ugu wanaagsan oo cunug yar loogu sharxi karo waa “daawo kaa caawinaysa seexashada marka qalliin la samaynayo si aadan u dareemin xanuun.” Kal-kaaliye caafimaad, qof takhasus u leh nolosha ilmaha, iyo kooxda suuxinta ayaa kula kulmi doonta ka hor inta aan ilmahaaga la suuxin,si dhamaantiin aad diyaar ugu noqotaan, su’aalaadkiinana looga jawaabo.
Si kasta oo loo diyaariyo, ilmaha qaarkood aad ayay uga walwalaan suuxista. Haddii ay saa noqoto, waxaa jirta daawo ka caawinaysa in ay dajiso. Daawadaas waxaa la siin karaa kadib markii uu eego ilmaha xaaladiisa suuxiyaha/suuxisada (dhakhtarka siiya suuxdinta) haddii ay jirto sabab caafimaad oo aan daawadaas loo siin karin, shaqaalaha ayaa ra’yi bixin kale ku siinaya.
Mararka qaarkood. Kadib marku kula hadlo, dhakhtarka bartay suuxdinta baa go’aan ka gaaraya daawada ugu ammaansan uguna fiican ilmahaaga marka la bilaabayo suuxdinta (midaan waxaa loogu yeeraa “u diyaarin”). Dhakhtarka bartay suuxdinta wuxuu tixgelin doonaa ilmahaaga da’diisa iyo baahida korilaankiisa iyo sida aad u rabto in aad uga qaybgasho.
Ilmaha siyaabo kala duwan ayay u dareemaan dawaada suuxdinta. Da’da, heerka koriimada, dabci, iyo waayo aragnimada xaga caafimaadka kuli intaas ayaa waxyeelo ku lahaanaya sida u dareemidoono daawada. Arimahaa oo dhan ayaa dhakhtarka suuxiyaha/suuxisada kaa caawinaya go’aaminta halkee iyo sidee uu u siinayo.
Sida caadiga ah, ilmaha wixii 12 bilood ka yar waxaa qolka qalliinka u qaadaya dhakhtarka bartay suuxdinta iyo kal kaaliyaha dhakhtarka suuxdinta, kolkiiba waalidka waxaa loo raacayaa qolka sugidda.
Ilmaha 1 sano ilaa 10 jirka ah, waalidku waa ay raaci karaan oo waa ay la joogi karaan inta ay ka gam’ayaan. Si ka duwan dadka waaweyn, Ilmahu sida badan waxay ku bilaabaan in daawada kaga neefsadaan maskarada. Ilmaha badan kooda sidaan ayaa ugaga fiican in irbad xididka looga duro si daawada loo siiyo.
Wakhtiga diyaarinta, ilmaha socod-baradka ah ama caruurta yar yar waxaad ku hayn kartaa dhabtaada. Ilmaha waawayn, waxaa u ammaano badan in la jiifiyo sariirta ka hor inta ayna gam’in.
Goorta la isticmaalayo maaskaro (a mask), ilmaha qaarkood ayaa si tartiib ah madaxooda uga leexiya maaskarada marka ay gam’ayaan. Hase-yeeshee, ilmaha qaar kood waa diidaan in maaskarada wajigooda lagu hayo. Waxaa laga yaabaa ilmaha waalid kood in laga codsado in ay hab-siiyaan/laabta saaraan si ilmaha dhaq - dhaqaaqa gacmaha u yaraado, si suuxiyahu ugu hayo maaskarad wajiga ilmaha. Hees ama muusik uu ka helo ilmahaagu way dajin kartaa.
Waxay qaadataa dhawr daqiiqo si aad u gama’did marka aad ku neefsatid daawada suuxinta. Marka daawada lagu bilaabo, inta ay ka gam’ayaan, ilmaha qaar baa isku soo ko’ga si xanuun ku dhaganyahay, u neefsada si qaylo dheer una neefsada si aan fogayn oo deg deg ah. Sida caadiga ah, neefsashadu way degtaa waana yaraataa markii ilmuhu uu aad u sii gam’aba. Ilmahu intooda badan waxay u muuqdaan oo dareeman tabar darri, iyo iyadoo indhahoodu uusan wada xirmin. Isbeddelidaa waxay walwal galin karaan waaridka, lakin waa caadi.
Ilmaha waawayn iyo ilmaha arimo caafimaad oo gaara leh, tuubo yar (an IV catheter) ayaa la dhex galinayaa xididka jirka si looga siiyo daawada suuxdinta. Habkaan sida uu u shaqeeyo baa ka dhakhso badan habka maaskarada. Daawo ayaa lagu kabuubyeeyaa jirka ka hor inta aan xididka irbad lagu mudin, haddii la rabo in aan xanuun la dareemin. (Eeg warqada barashada ee “Kareemka kabuubyada.”)
Waalidiintu kuma khasbana in ay la joogaan ilmahooda marka suuxintu bilaabanayso. Mararka qaarkood waalidiintu waxay dareemayaan oo ku niyad qabaan inayna joogin goorta suuxinta. Adigu waxa aad rabtid waa muhiim iyaduna. U sheeg suuxiyaha iyo kalkaaliye suuxisada waxaad doonaysid si ay kuugu taageeraan waxaad dooratid.
Khibrada suuxdinta aad kala kulantid midba mida kale waa ka duwan tahay. Waalidiinta qaar baa raba inay joogaan mar kale, qaarna ma rabaan. Da’da ilmaha, bisaylkiisa, ama isbeddel xaalad caafimaad baa sheegaysa sidii loo qaabili lahaa. Mar kale, ilmahaaga dhakhtarkiisa suuxinta ayaa go’aan ka gaaraya in la qaadan karo iyo in kale.
Lama oggola labo qof oo waaweyn in ka badan inay la joogto ilmaha qolka ku diyaarinta. Suuxiyaha iyo kalkaaliye suuxinta baa u baahan inaan dad badan usan joogin qolka si ay u helaan meel ay u maraan ilmahaaga. Haddii ilmahaaga suuxintiisa ay ka bilaabato qolka qalliinka, sida caadiga ah hal qof oo weyn ayaa loo oggolyahay inuu joogo. Qolka qalliinka looma oggola cunugga walaalihiis.
Qalliinka kadib, ilmahaaga waxaa loo wareejinayaa qolka qaybta daryeelka suuxdinta kadib (sidoo kale waxaa loogu yeeraa qolka soo tooska) si u uga soo tooso suuxinta. Kooxda suuxintu ilmahaaga way la joogayaan ilamaa ilmuhu soo miyirsado markaa kadib waxaa ilaalinaya oo daryeelaya kalkaaliyaha PACU. Goortii ilmahaagu bilaabo inuu soo tooso, kalkaaliyaha ayaa qiyaasaya xanuunka ilmaha, aadna u hubinaysana in ilmahaagu neefsashadiisu fiican tahay, eegaysana calaamadaha aasaasiga nolosha ee kuwaasoo ah (cadaadiska dhiiga ee qofka iyo garaaca wadnaha). (Eeg warqada barashada ee “Cutubka daryeelka.”)
Daawada xanuunka oo loo siiyo hadba sidu ugu baahdo. Daawada markii la siiyo kadib, ilmuhu waxay u baahanyihiin muddo la kor joogo sababtuna waa hurdo badan iyo iyada oo suurto tahay in qaabka neefsashadiisu ay isbadasho taasoo ay keento daawooyinka xanuun bi’iyayaasha badankood. Waxaad la kulmi doontaa ilmahaaga markii xaaladiisa cafimaadka guud ay xasisho uuna bilaabo in uu soo tooso.
Ilmaha qaarkood, khaasatan kuwa socod baradka iyo kuwa yar yar waxaa suurtowda in xanaaq ama caro ka muuqato markii mi’yir koodu soo noqdo. Taasu waxay dhici kartaa xataa haddii ayna meel xanuunayn. Sida caadiga ah xaaladaanu waa mid gaaban oo waxaa ilmahaaga caawimi kara kal – kaaliyaasha khibrada u leh. Ilmuhu waxaa laga yaabaa inay xasilaan markay mar labaad waalidiintood la kulmaan, laakin waxaa suurto gal ah in muddo sii caraysnaadaan. Sabur iyo qancin xagga waaridka iyo kalkaaliyaasha ayaa ilmaha ka caawini kara inuu dago xasilana.
Dareenka caadiga ah kadib suuxinta waxuu soconayaa 24 saac, iyo waxaa ka mid ah:
Isticmaal xoog siyaada ah marka u horaysa oo aad ilmahaaga qabatid, maxaa yeelay wuxuu ama waxay u muuqan kartaa in aysan cagaha ugu taagnayn sidii caadiga ahayd.
Warqadani khaas uma aha ilmahaaga, laakiin waa warbixin guud. Suuxiyaha/suuxisada ayaa kula kulmaya maalinta ilmahaaga la qallayo. Haddii aad qabtid su’aalo intaas ka hor, fadlan soo wac xarunta balanta qalliinka looga qabtay ilmahaaga.
Patient/Family Education
2525 Chicago Avenue South
Minneapolis, MN 55404
Last reviewed 8/2015 ©Copyright
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2024 Children's Minnesota