Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

DAAWADA SUUXINTA EE NITROUS OXIDE

Article Translations: (English) (Spanish)

Waxaa ilmahaaga loo sameeyey ballan ah baaris la rabo in uusan is dhaqaajin ama xanuun ayuu dareemi karaa. Si ilmaha loogu caawiyo in uusan is dhaqaajin, iyo si uusan u cabsoon oo uusan xanuun badan u dareemin, waxaa lagu suuxnayaa daawo la yiraahdo nitroos oksaaydh [nitrous oxide].

Haddii ilmaha loo diidayo cuntada iyo cabitaanka, kalkaalisada ayaa waalidka u soo sheegi doonta. Haddii aan waxba laguu soo sheegin, ilmahaagu cunto fudud ayuu soo cuni karaa, sida rooti iyo cabitaan. Cuntada iyo cabitaanka sababta imaha loogu diidayo waa si looga hortago lallabbo (calool-xanuun) iyo in aysan cuntadu ugu soo rogman (matag).

Waa maxay daawada nitroos oksaaydh?

Nitroos oksaaydh waa daawo dhakhso u shaqeysa oo qiiq ahaan jirka u gasha oo lagu suuxo si loo yareeyo xanuuunka iyo khalkhalka. Waxaa mararka qaarkood la yiraahdaa waa hawada qosol keenta, oo badanaa dhakhtarka ilkaha ayaa istimaala. Sida dawooyinka kale, daawada suuxinta waxay leedahay dhib, dheef, iyo khatar. Iska hubso inaad wixii su'aalo ah kala hadasho dhakhtarka ama kalkaalisada.

Sidee daawadan loo qaataa?

Gafuurxir ama maasgaro ayaa ilmaha daawada qiiqa ah lagu siiyaa, isaga oo si caadi ah ugu neefsanaya afka iyo sanka. Waxa ay ilmuhu kala dooran karaan ur ama udug ay ku rabaan maasgarada. Mararka qaarkood carruurta yaryar ma jecla maasgarada. Haddii dhib lagala kulmo ilmaha, kalkaalisada ayaa daawada ugu qaban doonta maasgarada afka iyo sanka. Curiye la yiraahdo nitroos ogsaaysh ayey ilmuhu ka heleyaan nafis iyo hurdo, laakiin carruurta badankoodu waa ay soo jeedaan. Daawadan ma keento hurdo culus, sida suuxdinta kale ee jirka oo dhan lagu sameeyo. Waxaa daawadan ilmaha la siin doonaa dhowr daqiiqadood ka hor intaan baaristu u bilaaban oo waxaa lagu sii wadaa ilaa ay baaristu u dhamaato.

Si looga war hayo xaalka ilmaha, kalkaalisada suuxinta ayaa la socon doonta ilaa ay daawada nitroos ogsaaydh jirkooda ka baxdo.

Waa maxay waxyeellada daawada?

Nitroos oksaaydh wax dhib ah kuma keento carruurta mana laha waxyeello soconeysa muddo dheer. Waxyeellada ka imaan karta nitroos ogsaaydh waa wakhti kooban, oo waxaa ka mid ah:

  • lallabbo
  • matag
  • madax-xanuun

Maxaa la filan karaa ka dib marka ilmaha laga joojiyo daawada nitroos ogsaaydh?

Ogsajiin ayaa ilmaha la siin doonaa muddo gaaban ka dib marka laga joojiyo nitroos ogsaaydh. Saameynta nitroos ogsaaydh si dhakhso ah ayey jirka uga baxdaa. Badanaa, carruurtu si aan dhib lahayn ayey u soo naaxaan. Mararka qaarkood waxa ilmaha lagu arkaa jahawareer iyo xanaaq badan, laakiin badanaa waa wakhti aad u yar.

Kalkaalisada ayaa ilaalin doonta ilmaha ilaa ay jirkooda ka baxdo daawada nitroos ogsaadh. Haddii ilmuhu yahay bukaansocod, waalidku waa in ay mar kasta la joogaan. Isla markiiba ilmuhu wax buu cuni karaa, haddii aysan jirin sabab kale oo looga celiyo oo ah baaris kale awgeed. Markaad guriga gaartaan, ilmuhu si caadi ah ayey isaga ciyaari karaan.

Sidee bay waalidku u caawin karaa ilmahooda?

Waalidku ilmahooda ayey la joogi karaan inta ay u socoto baarista si ay u caawiyaan oo ay niyadda ugu dejiyaan. Haddii ay waalidka ku jirto hooyo uur leh, waa in ay bannaanka uga baxdo marka ilmaha la siinayo daawada nitroos ogsaaydh.

Waalidku waa in ay si fudud u fahamsiiyaan sababta iyo sida ilmaha wax loogu qaban doono. Mar kasta ilmaha waa in runta loo sheego. Waalidku waa in ay is dejiyaan si ay u caawiyaan ilmahooda, sidaas ayey ugu fududaan kartaa baaristu. Waalidka iyo ilmahooda labadaba si fiican ayaa loo caawinayaa.

Goorma ayaan la soo xiriirayaa dhakhtarka?

  • mar kasta oo aad su'aal ka qabto baarista ama jawaabaha
  • marka ilmuhu matago laba jeer ka badan
  • markaad ilmaha ku aragto xanaaq badan
  • markaad ilmaha hurdo ka toosin weydo

Miyey jiran wax kale oo aan u baahanahay in aan ogaado?

Carruurtu waa ay kala duwan yihiin. Daawada nitroos ogsaaydh si isku mid ah uguma wada shaqeyso. Shaqaalaha caafimaadka ayaa kaala hadli doona noocyada kala duwan ee suuxinta ah haddii ay dhacdo in aan la isticmaali karin nitroos oksaaydh.

Daawada  suuxinta intaan la bilaabin ka hor, gabdhaha baaluqa ah ama ay da'doodu tahay 10 jir ama ka weyn, AMA gabar kasta oo xaas ah waxaa khasab ah in laga soo baaro in ay uur leedahay. Daawada suuxinta waxa ay khatar weyn ku keeni kartaa gabdhaha uurka leh, sidaas awgeed waxaa khasab ah in gabar kasta la hubiyo in ay uur leedahay iyo in kale si looga hortago wixii dhib ah. Haddii la rabo in la hubiyo in ay gabar uur leedahay, waxa laga qaadayo waa kaadi si loo soo baaro.  Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, akhriso macluumaadka qoraalka ah ee "Hubinta uurka ee ka soo horreysa baarista muhiimka ah" [“Pregnancy testing before a procedure”].

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad su'aalo qabto, fadlan garaac lambarka taleefanka ay ku soo siiyeen dhakhtarka ama kalkaalisada. Haddii uu kiliniggu xiran yahay, soo garaac taleefanka kalkaalisada tooska ah ee 952-931-3515 si aad ugu sheegto wixii calaamado ama dhib ah.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota