Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

BAARISTA WADNAHA IYO SAMBABBADA

Article Translations: (English) (Spanish)

Isbitaalka Children’s ee Minnesota, waxa uu la shaqeeyaa waalidka iyo dareyeeleyaasha carruurta si ilmaha loogu dedaalo. Fadlan akhriso macluumaadka soo socda oo ku saabsan sida aad noogu caawin karto in lagu guuleysto baarista iyo daaweynta ilmahaaga.

Waa maxay baarista wadnaha iyo sambabbada?

Baarista wadnaha iyo sambabbada (tuubba-gelin lagu sameeyo wadnaha) oo waa hawl la mid ah qalliin fudud oo tuubbo la adeegsado si wax looga ogaado wadnaha iyo sambabbada. Waxaa la soo qaadayaa saami, heerka cadaadiska ogsajiinta ayaa la cabbirayaa, waxaa la eegayaa habka danabka wadnaha, sawirro ayaa laga soo qaadayaa iyadoo la adeegsanayo dareere gaar ah. Si wadnaha loo gaaro, tuubbooyin ayaa la gelinayaa xididdo yaryar iyo xididka weyn ee saracda ee la yiraahdo halbowlaha bowdada. Waxay ku xiran tahay xaaladda wadnaha ee ilmaha, balse sidaas oo kale mararka qaarkood luqunta ayaa la isticmaalaa. Raajo gaar ah, oo la yiraahdo raajada dhaqaaqa xubnaha ayaa la adeegsanayaa si tuubbada loogu sii gudbin karo meelaha saxda ah.

Si guud ahaaneed ayaa ilmaha loo seexinayaa ama waa la suuxinayaa si uusan dhib u dareemin inta ay socoto hawsha tuubbada. Baarista noocan ah waxay qaadataa 3 saacadood. Soo-naaxiddu waxay qaadaneysaa 3 ilaa 4 saacadood.


Kalkaaliso ayaa kula soo xiriireysa 7 maalmood gudahood ka hor intaan la gaarin baarista si ay kaala hadasho caafimaadka ilmaha, daawooyinka hadda, iyo talooyinka la xiriira qubeyska, cuntada iyo cabitaanka. Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan markaas weydii. Kalkaalisadu waxay kuu sheegeysaa wakhtiga aad imaaneysaan isbitaalka. Ku soo talagal wakhtiga aad soo soconeysaan, inaad meel dhigataan baabuurka iyo inaad is xaadarisaan. Inaad soo daahdaan waxay dibudhac ku keeneysaa baarista ilmahaaga. Taleefanka kalkaalisada waa wakhti yar oo muhiim ah. Fadlan ka soo jawaab haddii lagu heli waayo oo farriin lagaaga tago.Sidee baa guriga la isugu soo diyaarin karaa?

Si taxaddar leh u raac talooyinka soo socda ee laguu sheegi doono marka taleefanka laguu soo diro. Xanjo iyo nacnaca adag LAMA oggola ka dib marka cunto caadi ah la cuno. Nuunneyaasha iyo ilmaha la siiyo cuntada carruurta ee food formula (Nestle Compleat®), waa in laga joojiyo in loo adkeeyo. Badqabidda ilmaha awgood, waxaa muhiim ah in quudinta ilmaha la raaco wakhtiyada gaarka ah ee waalidka loo sheego. Haddii ilmuhu wax cuni waayo ama cabbi waayo wakhtiyo gaar ah, dibudhac ayaa imaanaya ama waa in jadwalka laga beddelo. Fadlan iska hubso oo ka saar kursiga baabuurka ee ilmaha haddii ay ku dhex dhaceen wax la cuno, sida buskud, siiriyaal ama sabiib.

Waa in ilmaha si caadi ah loogu qubeeyo habeenka ka horreeya maalinta baarista. Waa in loo xiro dharka jiifka oo ah nadiif oo ku seexi gogol nadiif ah. Maalinta baarista, u soo geli dhar fudud, oo si dhakhso ah looga bixin karo.

Haddii ilmuhu xanuunsado ama aad qabto su'aalo iyo wax welwel ah, fadlan kala soo xiriir qeybta wadnaha ama Children’s Heart Clinic, 612-813-8800.

Ballanta ka hor waxaa kula soo xiriiri doona waaxda seexinta bukaanka ee isbitaalka carruurta ee Children’s. Fadlan ku soo celi haddii farriin haddii lagaaga tago si intaadan imaan laguugu sii fududeeyo diiwaangelinta.

Maxaan ilmaha u sheegi karaa?

In aad u sheegto oo aad u sharxi karto waxa loo sameynayo ayaa u fiican ilmaha si aad adiguna ilamaha oo wax og u diyaarin karto. Talooyinka soo socda ayaa ka mid ah waxyaabaha aad isticmaali karto markaad ilmahaaga u diyaarineyso tuubbada wadnaha.

Waxaad ilmaha guriga uga soo qaadi kartaa “wax gacanta lagu qabsado” oo madadaalo u ah, sida boombale ama buste yar. Habeenka ka horreeya ballanka soo meyr waxa aad ilmaha guriga uga soo qaadeyso. Qol kasta isbitaalka waxaa yaalla taleefashin ay ku jiraan waxyaabo badan iyo aflaanta ilmaha. Buugag da' ahaan ku fiican ilmaha oo ku saabsan aadista isbitaalka ayaa caawin kara.

Dhallaanka ilaa iyo 2 Sano

Fadlan ilmaha u soo qaad “wax gacanta lagu qabsado” oo madadaalo ah iyo dhalo nadiif ah oo maran ama koob si ilmuhu wax ugu cabbo baarista ka dib.

Socod-baradka

Labada maalin ama maalinta ka horreysa tuubba-geinta wadnaha, si fudud ugu sheeg baarista loo sameyn doono.

  • Waalidku in uu la joogo ayaa ilmaha u fiican.
  • U sheeg ilmaha meeshaad aadeysaan, dadka la kulmi doona iyo hawsha caafimaadka ee loo qaban doono. Waxaad ilmaha u sharxi kartaa, “In dhakhtarku sawirro ka qaadi doono wadnaha ilmaha oo jiifa.”
  • Wax ha kala doorto ilmaha marka ay suuroobeyso. Boombale ama xayawaan uu ilmuhu rabo ha u soo qaato isbitaalka.
  • Alaabta carruurtu ku ciyaarto noocyada caafimaadka ayaa caawin kara si ay ilmuhu u sii bartaan qalabka isbitaalka iyo dhakhtarka. Tusaale ahaan, waxaad ilmaha boombale ku tusi kartaa qalabka lagu dhageysto wadnaha.

Carruurta Bilaabeysa Iskuulka

Carruurta bilaabeysa iskuulka waxa ay xiiseeyaan oo ka fekeraan waxa aysan fahmeyn, oo waxay isku dayaan in ay waxaas ka hadlaan.

  • u sheeg in ay guriga ka soo qaadan karaan hal shay oo ah buste, alaabta ciyaarta ama wax kale oo la mid ah.
  • U sii sheeg waxa loo sameynayo marka isbitaalka la geeyo iyo sida ay waxaasi muhiim ugu yihiin.
    • Carruurta bilaabeysa iskuulka waxaa lala sameeyaa ciyaar ah jilid sidii in ay kulmayaan dhakhtar iyo bukaan.
    • Sawirro ugu sheeg waxa dhacaya (sawirro ah xarriijimo sahlan ayaa ku filan).
    • Buugta carruurta uga dhex raadi cashar ka hadlaya dhakhtar-aadid.
  • Si daacadnimo ah iyo hadal fudud oo ay fahmi karaan ilmaha ayaa loogu sheegaa hawlaha isbitaalka.
  • Wax ha kala doorto ilmaha marka ay suuroobeyso si uu u dareemo in uu talada daryeelka qeyb ka yahay.

Carruurta Dugsiyada Dhexe

Carruurta waaweyn waxaa ku fiican in lala socodsiiyo tuubbada baarista ee wadnaha 1 toddobaad ka hor ballantooda. Da'daan waa marka ay ilmuhu fahmi karaan jirkooda iyo sida uu u shaqeeyo.

  • u sheeg in ay guriga ka soo qaadan karaan hal shay oo ah buste, ama wax kale oo la mid ah.
  • U sheeg in ilmuhu su'aalo ku weydiiyo oo kala hadal wixii welwel ah oo dhici kara.
  • Weydii waxa uu ilmuhu garanayo oo markaas ka dib ayaad u sharxi kartaa waxa uusan garaneyn.
  • Daacad u noqo. U sheeg waxa dhici doona, dadka la kulmi doona iyo sida aad ugu baahan tihiin baarista. Sidoo kale, u sheeg waxa ilmuhu arki doono baarista ka dib (faashad iyo faleebbe ama IV).
  • Wax ha kala doorto ilmaha markay u suuroobeyso si uu u dareemo in uu talada daryeelka qeyb ka yahay.

Waxaad u sharxi kartaa in la siin doono daawo lagu seexin doono inta ay socoto hawsha tuubbada wadnaha ee baarista ah oo daawadaas waxa ay jirkiisa ka dhigeysaa mid aan waxba ogeyn. Daawada awgeed waxaa ku adkaaneysa in uu ilmuhu xusuusto hawshii tuubbada wadnaha ee baarista ahayd. Waxaad wadnaha ugu sharxi kartaa in uu dhakhtarku tuubbada ku baarayo inuu wadnuhu sidii laga rabay ama si fiican u kala shubayo dhiigga.

Dhallinyarada yaryar

Dhallinta madaxa la so kacaysa iyo kuwa kurayda ah waxa ay fahmi karaan sida uu wadnuhu u shaqeeyo, balse waxa ku cusub waa sababta loo baarayo sida wadnahoodu u shaqeynayo. Waxay ka welweli karaan sida uu sawirka jirkoodu noqon karo, dharka ay iska bixin doonaan iyo xakameynta waxa ay la kulmi doonaan.

  • U sheeg in ay soo qaadan karaan wax ay ku madadaashaan oo ay ku hilmaami karaan baarista.
  • Si daacadnimo ah ugala hadal baarista lagu sameynayo. Waxay ku weydiin karaan su'aalo kaa fekersiiya; adeegso su'aalaha ay ku weydiiyaan in aad ka wada hadashaan.
  • Waxaad u sheegtaa inay ilmaha waaweyn ka qeyb galaan gaarista go'aanka oo ay toos su'aalo u weydiiyaan shaqaalaha caafimaadka.
  • Ku caawi in ilmuhu lug ku yeesho daryeelka iyo baarista.

Maxaa Dhici doona Maalinta Hawsha Baarista?

Iska soo xaadiriya Dabaqa 2aad Xaruntiisa Soo-dhaweynta ama Welcome Desk wakhiga ballanta ee la idiin qabtay. U sheeg shaqaalaha in ilmahaagu leeyahay ballan ah baaris. Waxay ku weydiin doonaan waxyaabo muhiim ah ka hor intaan ilmaha lagu xareyn qeybta PAR4. PAR4 waa qeybta ilmaha loogu diyaarinayo baarista jirka gudihiisa iyo qeybta lagu hayo marka ay soo naaxayaan.

Waa in uu ilmuhu dharka iska bixiyo oo jirkiisa ku nadiifiyo jeermi-dile, ka dibna gashto dharka isbitaalka, weliba gabdhaha waaweyn oo dhan waa in la hubiyo in aysan uur lahayn, waa marka ay gaaraan ama ka weyn yihiin 10 sano, ama xataa kuwa ka yaryar ee uureysan kara, AMA gabdhaha sheegta inay nin kula kulmaan gogol.

Kalkaalisada ayaa ilmaha ka eegeysa cabbirka cadaadiska dhiigga, dhererka iyo culeyska si ay ugu yimaadaan shaqaalaha suuxinta oo u sharxi doona waxa ilmaha lagu sameynayo si uusan dhib u arkin. Dhakhtarka wadnaha ayaa idin la kulmaya oo idiin la eegaya hawsha baarista iyo in uu idiin kaga jawaabo su'aalo aad qabtaan.

Waxaa lagu weydiin doonaa inaad saxiixdo foomka oggolaanshaha ee suuxinta iyo baarista la sameyn doono. Socod-baradka iyo carruurta waxaa la siin karaa daawo uu jirkoodu ugu dabco baarista ka hor. Dhallinyarada yaryar waa in loo diyaariyo IV (leynka faleebbaha) inta ay joogaan qeybta PAR4, laakiin nuunneyaasha iyo carruurta yaryar waxaa faleebbaha loo diyaariyaa marka la suuxiyo ka dib. Shaqaalaha suuxinta ayaa ilmaha u kaxeeya sheybaarka tuubbada. Waxaa mar kasta lala socconayaa cadaadiska cabbirka dhiiga, heerka ogsajiinta, wadnaha iyo cabbirka neefsashada ee ilmaha.

Kalkaaliso ka shaqeysa sheybaarka tuubbada ayaa la kulmeysa waalidka iyo ilmaha baarista ka hor. Kalkaalisada ayaa waalidka ku wargelineysa baaristu inta ay soccoto.

Maxaa la filan karaa baarista ka dib?

Marka la dhameeyo hawsha baarista ah, dhakhtarka wadnaha ayaa waalidka la kulmi doona si uu ugu sheego macluumaadka loo hayo. Dhakhtarka wadnaha ayaa go'aan ka gaaraya haddii ilmuhu guriga aadi karo ama haddii habeenkaas la seexinayo isbitaalka. Waxaa ilmaha lagu soo celinayaa qolkii markii hore lagu diyaariyey. Waalidkii la socday ayaa loogu yeerayaa marka ilmuhu soo naaxo. Waxaad ilmaha niyadda ugu dejin kartaa in aad si aayar ah ula hadasho. Waxaa la rabaa in ilmuhu sariirta ku nasto 3 ilaa 4 saacadood baarista ka dib si aysan meelihii laga muday ugu dhicin dhiigbax. Mararka qaarkood waxaa la siinayaa daawo ilmuhu ku luloodo wakhtiga loo rabo nasashada.

Waa in uusan ilmuhu isku laabin lowyaha, waa inuusan kadaloobsan ama madaxa kor uga qaadin sariirta. Cadaadiska jirka uga imaanaya waxyaabahaas ayaa dhiigbax ku keeni kara saracdii laga muday. Kalkaalisada ayaa waalidka u sheegeysa marka ilmuhu istaagi karo.

Kalkaaliyeyaal kala duwan ayaa eegi doona xaalka ilmaha (garaaca wadnaha, neefsashada, xaraaradda jirka, cadaadiska dhiiga) iyo garaaca halbowleyaasha cagaha iyo lugaha.

Marka ilmuhu si buuxda u soo naaxo, waxaa loo wareejin doonaa qolalka bukaanjiifka ee habeenkaas la seexinayo ama guriga ayaa loo fasaxi karaa markuu nasto ka dib. Waxaa ilmaha loo oggol yahay xoogaa biyo ah, cabitaan kale iyo buskud markuu soo naaxo.

Sidee baan ilmaha ugu daryeelayaa guriga?

Eeg inaan dhiig ka socon meeshii (meelihii) tuubbada laga galiyey. Haddii aad dhiigbax aragto, faashad ku qabo oo ku cadaadi meeshaas ilaa iyo 5 daqiiqo oo isla markaas soo garaac taleefanka Qeybta Wadnaha ee Children’s 612-813-8800.

Meesha laga muday dhaawac yar ayaa ka muuqan doona. Eeg haddii uu dhaawacu ka sii daro ama bararo.

Daryeelidda dhaawaca: Meeshii laga muday ilmaha waxaa la soo geliyey faashad looga ilaalinayo dhiigbixid. Midda yar ee ka hooseysa waa in laga bixiyo subaxa dambe oo waa in loogu beddelo sharooto yar. Sharooto cusub waa in lagu dhejiyo subax kasta ilaa iyo 3 maalmood oo dambe. Haddii ay sharootadu wasakhowdo, ugu beddel mid cusub. Meesha nabarka ah ha noqoto nadiif iyo meel qalalan.

Qubeysa: ha dhex seexin baafka qubeyska, biyo kulul iyo dabaal looma oggola ilaa nabarku u raysto, qiyaastii 1 toddobaad, si aysan u fashfashin. Qubeys ilmuhu taagan yahay iyo dhaqdhaqid ayaa la oggol yahay. Marka ilmaha loo qubeynayo, nabarka aayar ugu nadiifi saabuun iyo biyo.

Eeg haddii uu nabarku fashfasho:

Eeg calaamadaha ilmaha ku noqon kara fashfash:

  • guduud,
  • barar,
  • dheecaan ka soo baxaya meeshii tuubbada la geliyey
  • kuleyl meesha tuubbada la geliyey ama
  • qandho ka sarreysa 101° F (38.4° C).

Isku eeg xaraaradda jirka iyo midabka lugaha ilmaha dhowr jeer hal ilaa laba maalin. Hubi in lugta dhinaca saracda tuubbada la geliyey ay qabow dahay, midab la'aan tahay ama ay madoobaatay.

Cuntada: Aayar ugu bilow cunto fudud ilaa aad gaarsiiso sidii hore ee cuntada caadiga ah. Waxa uu ilmuhu cuni karaa cuntada caadiga ah ee sidii marka ay calooshu kacsan tahay. Waa in aan ilmaha la siin cunto culus ama dufan leh. Waa in ilmaha loo kordhiyo cabitaanka biyaha iyo juuska.

Dhaqdhaqaaqidda: Waa in ilmuhu aayar u ciyaaro, waxaa dhici karta in ilmuhu isku arko dawakhaad ilaa hal maalin. Marka ilmaha guriga la geeyo, waxay iskuulka ama xannaannada ku noqon karaan 1 ilaa 2 maalin ka dib. Ugu yaraan 3-da maalmood ee ugu horreeya (ama sida dhakhtarku kuu soo sheego) baarista ka dib, ilmuhu yuusan ciyaarin isboortis, ciyaaraha orodka ah, ama wax kasta oo ku keeni kara in uu dhaco. Ha u oggolaan:

  • kaxeysashada baaskiilka ama wax kale oo la wato
  • xiisadaha jirdhiska ee iskuulka
  • wiifoow
  • boodboodid
  • qaadista wax-culus
  • in uu soo dabaasho

Daawooyinka: Waxaad ilmaha siin kartaa daawada xanuunka ee acetaminophen (Tylenol®) haddii uu ugu baahdo xanuun ka qabta meeshii tuubbada laga geliyey.

Haddii ilmahaagu qaadan jiray aspirin, waa inaadan siin ibuprofen. Ka hor intaadan siin acetaminophen, eeg oo iska hubi heerkulka jirka ilmaha.

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad su'aalo qabto, fadlan kala soo xiriir qeybta wadnaha ama Children’s Heart Clinic, 612-813-8800.

Wakhtigii qoraalkan 12/2020

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota