Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Caabuq Cusub oo Leh Calaamado Badan oo ku Dhaca Carruurta (MIS-C)

Article Translations: (English) (Spanish)

Kooxda caafimaadka ayaa ilmahaaga ka baareysa haddii laga heli karo Caabuq Cusub oo Leh Calaamado Badan  oo ku Dhaca Carruurta (MIS-C).

Waa maxay Caabuqa Cusub ee Leh Calaamadaha Badan ee ku Dhaca Carruurta (MIS-C)?

Caabuqan Cusub ee Leh Calaamadaha Badan ee ku Dhaca Carruurta (MIS-C) waa dhibaato la xiriirta COVID-19 oo dhif ah oo lagu arko carruurta. MIS-C waxa uu noqon karaa caabuq gala qeybo kala duwan oo jirka ka mid ah, sida wadnaha, sambabbada, kelyaha, maskaxda, maqaarka, indhaha, ama xubnaha kale ee caloosha (uurkujirta). Caabuqan cusub waxaa ugu horreyn la ogaaday 2020. Carruurta uu ku dhaco MIS-C waa kuwa ku dhawaaday COVID-19 dhowr toddobaad ka hor inta aysan ku soo bixin calaamadaha caabuqa cusub ee MIS-C, oo waxaa laga yaabaa in aan lagu arkin wax noqon kara calaamadaha infekshanka ee COVID-19. Maaddaama ay badan yihiin calaamadaha MIS-C, oo ay weliba yihiin kuwa ay keenaan xanuunno kale, carruurta qaar ayaa lagu sameeyaa baaris si loo ogaado in uu ku dhacay MIS-C iyo in kale. Carruurta badankooda waa laga waayaa MIS-C, laakiin waxaa laga helaa xanuunno kale.

In kasta oo uu xanuunka MIS-C ku dhici karo carruurta iyo dhallinyarada da' kasta oo ay yihiin, haddana isku celcelis ahaan da'da uu ku dhaco waa 8 jir.

Maxaa sababi kara MIS-C?

Sababta dhabta ah ee MIS-C lama garanayo, laakiin waxaa loo maleynayaa in uu la xiriiro jawaab-celin uu sameeyo habdhiska difaaca jirka oo caadi noqon waaya ka dib mar uu jirku iska celinayo faayruska COVID-19. Carruurta badankooda kuwa uu ku dhaco xanuunka MIS-C waxaa dhowr toddobaad ka hor ku soo dhacay COVID-19 inta aysan ku soo bixin calaamadaha MIS-C. Xanuunka MIS-C dadku isma qaadsiin karaan. Si kastaba ha ahaatee, faayruska COVID-19 dadku aad bay isu qaadsiiyaan. Carruurta qaarkood marka uu ku dhaco xanuunka MIS-C waxa laga helaa COVID-19, markaasna shaqaalaha caafimaadka waa in ay ka xirtaan difaac gaar ahaaneed.

Waa maxay calaamadaha xanuunka MIS-C?

Carruurta uu ku dhaco MIS-C waxaa lagu arki karaa calaamado kala duwan oo badan. Carruurta uu ku dhaco MIS-C badanaaba waxaa lagu arkaa qandho, inta badan ilaa dhowr maalmood. Calaamadaha uurkujirta (GI) sida xanuunka caloosha (calool-xanuun), matag, iyo sida caadiga ah shuban.

Calaamadaha kale waxaa ka mid ah:

  • indhaha oo is beddela, noqda guduud “dhibco dhiig ah yeesha” (daaf)
  • finan
  • bishimaha oo noqda guduud, qallalan, dil-dillaacsan
  • cune-xanuun
  • gacmaha iyo cagaha oo barara
  • qanjirrada luqunta ku yaalla oo barara
  • xabad-xanuun
  • Neefsashada oo ku adkaata
  • murqo-xanuun
  • madax xanuun ama wareerid

Sidee lagu ogaadaa MIS-C?

Calaamadaha MIS-C waxay u ekaan karaan xanuunnada kale ee carruurta ku dhaca ee ah faayruska iyo bakteeriyada. Calaamadaha MIS-C waxay ekaan karaan kuwa kale oo ah xanuun mar dhif ah la arko oo la yiraahdo xanuunka Kawasaki Syndrome. Si loo ogaado MIS-C, dhakhatarku waxa uu ku weydiinayaa calaamado badan (sida qandho muddo dheer socotay), ilmaha ayaa la wiisiteynayaa, iyo baaris ah sheybaar. Ma jiro hal nooc oo ah baaris lagu ogaan karo MIS-C. Xaaladaha qaarkood, dhakhtarku waxa uu ilmaha ku celiyaa baaris badan dhow maalmood ka hor intaan la go'aamin inuu ilmuhu qabo MIS-C.

Haddii ay baaristu u muuqato MIS-C, waxaa laga yaabaa dhakhtarku

  • in uu baaris ku sameeyo dhiigga iyo mararka qaarkood kaadida ilmaha si meesha looga saaro xaalado kale, sida cune-xanuun, carrabka oo yeesha finan cascas, faayrusyo kale, kaadida oo infakshan lagu arko ama xanuunnada kala-goysyada ee ku dhaca carruurta
  • in uu baaris ku sameeyo si loo eego wadnaha, sida qalab ah baaris degdeg ah oo lagu dhejiyo xabadka (“EKG”) oo lagu ogaan arko garaacista wadnaha iyo sawirka uultarasawndh oo lagu dhageysto jabaqda wadnaha (“echo”)
  • in uu baaris kale oo ah uultarasawndh ku soo sameeyo caloosha si looga eego qabsin haddii ilmaha lagu arko calool-xanuun aad ah oo daran

Haddii looga shakiyo MIS-C, ilmaha waa in lagu sameeyo dhiig-qaadis badan maalmaha ugu horreeya. Mararka qaarkood dhiigga la soo baarayo waa in la qaado dhowr jeer maalintii. Waxaa ilmaha loo sameyn doonaa wax kasta oo macquul ah si loo yareeyo xanuunka gacanta laga durayo iyo inta jeer ee dhiiga laga qaadayo iyadoo intii macquul ah si dhakhso badan looga qaadayo dhiigga.

Sidee loo daaweyn karaa MIS-C?

Dhakhaatiirtu badanaa waa ay daaweeyaan carruurta uu ku dhaco MIS-C oo waxa la siinayo waa:

  • Faleebbe (IV) ah barootiinka difaaca jirka (IVIG). Dheecaanka ah difaaca jirka (barootiin) wax celiya oo ka saara unugyada difaaca walxo ay soo seyriyaan oo sababi kara caabuq.
  • Aasbiriin si looga daaweeyo caabuqa. Carruurtu waxay qaadan karaan asbiriin ilaa iyo inta uu ka joojinayo dhakhtarka wadnaha, badanaaba dhowr toddobaad ama ilaa dhowr bilood.
  • Daawooyin ah isteerooyd oo lagu yareynayo caabuqa. Xaaladaha qaarkood, carruurta guriga ayey ku qaadan karaan daawada isteerooydka ah iyagoo si aayar ah looga sii yareynayo.
  • Daawooyin antibiyootig ah. MIS-C waxa uu u ekaan karaa xanuunno kale oo badan oo ay dhakhaatiirtu iska hubsadaan inaysan ahayn calaamado caabuq ah oo ay sababto bakteeriyo.
  • Daawooyinka dhiigga jilciya. Carruurta uu ku dhaco MIS-C waxay halis ugu jiraan in la arko dhiiggoodu inuu xinjiroobo. Markaas waa in lagu duro cirbad maalin kasta laba jeer.
  • Daawo looga hortago laabjeexidda oo lagu difaacayo xuubka caloosho si aysan waxyeello uga soo gaarin qaar ka mid ah daawada isteerooydka ah iyo daawooyinka kale.

Daaweyntan waxaa loogu bilaabayaa sida ugu dhakhso badan. Maaddaama uu MIS-C u ekaan karo xanuunno kale, badanaa waxaa jiri doona takhasaad kale oo ah dhowr nooc oo qeyb ka noqonaya daryeelka ilmaha. Takhasusaadkaas waxaa ka mid ah cudurrada faafa ("ID"), habdhiska difaaca jirka, wadnaha, takhasuska dhiigga, iyo dhakhtarka dheecaanka jirka gudihiisa, oo intaas waxaa u sii dheer dhakhtarka caadiga ah ee daaweynta guud. Dhakhaatiirta kala duwan ayaa si faahfaahsan kaala hadli doonta arrinta ilmahaaga si loo go'aamiyo qorshaha daaweynta loo hayo ee ugu fiican.  Helidda xanuunka MIS-C ee ilma kasta waa ay kala duwan yihiin, oo adigana kooxda daaweynta ilmahaaga ayaa kaala shaqeyn doonta sida laga yeeli doono qorshaha daaweynta ilmahaaga.

Carruurta badankooda laga helo MIS-C waxa ay soo fiicnaadaan waa ka dib marka ay daawadu u socoto dhowr maalmood, balse mararka qaarkood waxaa loogu sii daraa daawooyin kale oo dheeraad ah.

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan kala xiriir dhakhtarka.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota