Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Daryeelka qolka amaanka

Article Translations: (English) (Spanish)

Waan fahansanahay in qoyskaaga ku jiro waqti adag. Waxaan ku dadaaleynaa in ilmahaaga helo meel amaan leh inta uu joogo Children’s. Waxaan rabnaa inaan kula wadaagno daryeelka iyo badbaadada ilmahaaga. Hawl wadeen bulsho, kalkaaliso, iyo dhakhtar ayaa adiga iyo ilmahaagaba la kulmi doona si aad u qorsheysaan daryeel idiin qaas ah.

Waa maxay qolka amaanka?

Waxaa la arkaa inaad maqasho kooxda daryeelka caafimaadka oo ka hadlaya "qolalka amaanka" ama "kataxadirka isdilka." Tallaabooyinkaan ayaa la sameynayaa si loo sugo nabadgelyada ilmahaaga. Marka caafimaadka maskaxda ee ilmahaaga la qiimeeyo kadib, go'aanka lagu joojinaayo taxaddarka qolka amaanka waxaa sameyn doona dhakhtarka, kalkaaliso, hawlwadeenka bulshada iyo/ama hawlwadeenka cilminafsiga. Taxadarkan waa si loo sugo amniga ilmahaaga waxayna u baahan tahay amar dhakhtar si loo joojiyo.

Sidee amaanka ilmahayga lagu ilaalin doonaa?

Waxaan kaaga mahadcelineynaa wada shaqeynta talaabooyinkaan si loo sugo amaanka ilmahaaga:

  • Ilmahaagu marnaba keli ma ahaanayo. Shaqaale ayaa la joogi doona ilmahaaga wakhti kasta, xitaa aadida musqusha. Haddii ilmuhu wiil yahay waxaa raacaya nin shaqaale ah ama haddii ay gabar tahay naag ayaa raaci karto haddii loo baahdo. Qoyska ma geli karo booskii shaqaalaha.
  • Nal ayaa ka shidnaan doona qolka markasta si shaqaaluhu u arkaan ilmahaaga.
  • Ilmahaaga waxa la siin doonaa dhar cisbitaalku-oggolaaday oo uu xiran doono inta uu joogo.
  • Dhammaan waxyaabaha halista ah, sida waxyaabaha fiiqan, fiilooyin, iyo bacaha balaastiiga waa laga saaray qolka ama meel ayaa lagu xiray.
  • Alaabtaada sidda kombiyuutarrada, taleefannada gacanta, kombiyuutarada gacanta, ama aaladaha kale ee elektaroonigga looma oggola qolka amaanka.
  • Alaabta ilmahaaga waa in shaqaalaha ka hubiyaa waxyaabaha dhibaato keeni kara; waxyaabahaas badbaado darteed ayaa meel lagu xirayaa ama waxaa loo dhiibayaa qoyska si uu guriga u geeyo.
  • Alaab caag ah ayaa loo isticmaali doonaa cuntada. Qasacadaha soodhada, dhalooyinka, iyo mindiyaha caaga lama oggola.
  • Hadiyado lama oggola. Dhammaan wixii bukaanka loo keeno ee uu u baahan yahay waa in shaqaalaha la tusaa inta aan qolka la geyn.
  • Dhammaan boorsooyinka (sida boorsooyinka dhabarka ama boorsooyinka dumarka) qolka looma oggola, ilmaha iyo qoyska labadaba. Waxaan ku siin karnaa sanduuq ama meel aad gishan karto, ama waxaad ku celin kartaa gaarigaaga.
  • Ilmahaagu kama bixi karo xarunta isagoon shaqaale la socon marka baaritaan ama wax uun loo sameynayo.
  • Ciyaarta ilmaha waxay ku koobnaan doonaan kuwa ay ogolaadeen adeegaha bulshada ama sooshalka ee cisbitaalka, tusaalooyinka hawlahaas waxaa ka mid ah ciyaar si degan ah iyo filim fiirsi qolka gudihiisa.

Su'aalo?

Xaashidan qaas uma aha ilmahaaga laakiin waxay ku siin macluumaad guud. Haddii aad wax su'aalo ah ama walaac ah qabtid, fadlan la hadal kalkaalisada, shaqaalaha bulshada, ama dhakhtarka.

Reviewed 9/2020

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota