Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Waxaad ogtahay waa: in ilmahaagu u weynaanayo si degdeg ah!

Article Translations: (English) (Spanish)

Waxaad ogtahay waa: in ilmahaagu u weynaanayo si degdeg ah!

Marka ay ilmuhu soo weynaanayaan ee ay da'doodu u dhaxeyso 11 – 21, wax badan ayaa iska beddelaya – jirkooda iyo maskaxdooda. Waa in ay waalidku la socdaan ilmahooda.

Isbitaalkuna waxay u beddelaan habka wiisitada marka ilmuhu weynaadaan. Dhakhtarka waxaa lagula hadlayaa ilmaha iyo waalidka oo wada jooga, balse haddii ilmuhu rabo si gaar ah ayaa loola hadli doonaa.

Marka ilmuhu fool-ka-fool ula kulmo dhakhtarka xiriir iyo kalsooni ayey u noqotaa labada dhinac oo mararka dambe ee ay kulmaan ayey u fiican tahay si ay u noqdaan dad weji ahaan isu garan kara oo wax kasta ka wada hadli kara.

Mararka qaarkood dhallinta qaar ayaa doorbida in ay keligood dhakhtarka la hadlaan iyaga oo aan waalidku qolka la joogin. Marka ay ilmuhu rabaan kulan ah fool-ka-fool, waxaa lagala hadli karaa arrimo badan:

  • Nafaqada, jimicsiga iyo caafimaadka guud
  • Waxbarashada iskuulka, caajiska iyo dhibaatooyinka
  • Wakhtiga shaashadaha iyo baraha xiriirka bulshada
  • Hurdada, suunka baabuurka iyo badqabidda
  • Maandooriyaha iyo galmada iyo yareynta dhibaatooyinka
  • Caafimaaka dhimirka iyo fayaqabka dareenka
  • Waxay ilmuhu ku fiican yihiin iyo in ay taxaddar yeeshaan

Waxyaabo badan ayaa iska beddelaya dhallinta. Isbeddelladaas waxay dhallinta ku keenaan in ay waxyaabo cusub tijaabiyaan – oo mararka qaarkood waxay sameeyaan wax aan caafimaadkooda u fiicneyn. Waxa aan rabno waa in ay dhallintu dantooda fahmaan, oo na aaminaan, si ay talo nooga helaan. Waxaa si aad ah u kala duwan qiyamka iyo danta qoysaska oo dhan, oo waa in lagu ixtiraamo. Waxa aan u heli karno waa tasiilaad ah in ilmaha la siiyo macluumaad sax ah.

Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado in uu sharciga Minnesota difaacayo xogta dhallinta markay isbitaalka noogu yimaadaan arrimo ah galmada ama aalkolada iyo daroogada. Guud ahaan, oggolaanshaha dhallinta ayaa lagu gudbin karaa qoraalka laga sameeyo ballamaha. Sharcigu wuxuu dhigayaa in waalidka loo sheego wixii ah caafimaad xumada daran ee dhallinta. Waxaad ogaataa in ilmaha si adag loogu sheego in ay waalidkood wax kasta ogeysiiyaan, laakiin ilmaha laguma khasbi karo waxa ay waalidka kala hadlayaan.

Marka la sameeyo wiisiteynta sannadka ka dib, dhakhtarku waxa uu waalidka iyo ilmaha kala hadlayaa wiisitada. Waxaa la idiin sheegi karaa talooyin, sii-gudbin ama ballamo kale.

Waxaan ku rajo weynahay in uu macluumaadkan kugu caawiyo marka ay ilmuhu weynaadaan.

Waad ku mahadsan tahay in aad isbitaalkan la soo xiriirto.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota