Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

DAAWOOYINKA DABCIYA XIDIDDADA OO DEJIYA DHIIGKARKA (ACE)

Article Translations: (English) (Spanish)

Magaca cusub

Magacii asliga

___ benazepril

Lotensin®

___ captopril

Capoten®

___ enalapril

Vasotec®, Epaned®

___ fosinopril

Monopril®

___ lisinopril

Prinivil®, Zestril®, Qbrelis®

___ moexipril

Univasc®

___ quinapril

Accupril®

___ ramipril

Altace®

Sidee bay daawooyinkaasi u shaqeeyaan?

Angiotensin-converting enzyme (daawooyinka dabciya xididdada oo dejiya dhiigkarka ama ACE) waxaa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xaalado badan oo ah markuu kacsan yahay cadaadiska dhiigga (dhiigkarka) iyo xaaladaha wadnaha qaarkood. Waxay xannibaan borotiin jirka ku jira oo sababa in ay adkaadaan xididdada dhiigga. Natiijo ahaan, daawadu xididdada ayey dabcineysaa, oo cadaadiska dhiigga ayaa yaraanaya.

Sidee baa ilmaha loo siinayaa?

Daawooyinkaas intooda badan waa kaniin. Enalapril iyo lisinopril waxaa lagu heli karaa sharoobbo ahaan.

Waa in ilmaha la siiyo wakhtiyada loo qoray si uu dhiiggu caadi ugu ahaado. Haddii ilmaha loo qoro qaadasho ka badan hal mar maalin kasta, marka labaad waxaa la siin karaa wakhtiga jiifka si aysan ugu keenin daal ah maalintii.

Waa in daawadan ilmaha loo siiyo sida loogu qoray, xataa haddii ilmuhu aad ugu fiicnaado. Waa in uu ilmuhu soo jeedo oo uu feejigan yahay mar kasta uu oo daawo qaadanayo. Raac tilmaamaha lagu siiyo:

___ Haddii daawadu tahay sharoobbo, si fiican u rux intaadan ilmaha siin ka hor. Waa in aad siiso inta saxda ah ee dhibacaha daawada ama qiyaasta saliingaha afka. Daawada si tartiib ah ugu shub oo uga sii canka gudihiisa. Si uusan ilmuhu ugu saxan, waa in uu laqo qeyb kasta ka hor inta aadan siin qeyb kale.

___ Nuunneyaasha yaryar, waxaa daawada loogu qasi karaa in yar oo ah formula
ama caanaha naaska oo waxaa lagu siin karaa masaasad ka hor intaan la quudin.
Ha ku darin daawada masaasad buuxda sababtoo ah nuunnuhu ma dhammeysan
karo, oo markaasna daawadii ayaa qaarkeed soo hareysa.

___ Carruurta aan laqi karin kiniinka:

  • Ugu burburi 2 malqacadood dhexdood ama ku burburi bac ama warqad aad ku dhex laabto.
  • Budada ku dhex qas in aad u yar oo ah (qiyaastii 1 qaado-shaah) oo ah cunto jilicsan, sida tufaaxa shiidan, dareere ah shukulaato, jalaato, jeeli, ama yoogar. Hubso in aad ilmaha siiso qiyaasta daawada oo dhan.

Farriimo kale:

__________________________________________________

__________________________________________________

__________________________________________________

Miey jiraan wax taxaddar ah oo ku saabsan cuntada ama daawooyinka kale?

Daawada u sii sida saxda ah ee loogu qoray. Captopril (Capoten®) waa in la siiyo caloosha oo maran (1 saac ka hor ama 2 saac ka dib cuntada). Daawooyinka kale ee ah ACE waxaa lagu siin karaa cuntada ama cunto la'aan.

Marna ha siin wax baddiil u ah cusbada ama botaasiyam, illaa uu dhakhtar kugula taliyo. Ka ilaali wax ay ku jirto aalkolo oo ah cunto, cabitaan, ama daawooyin aan dhakhtar u qorin (sida sharoobada qufaca) marka ilmuhu qaadanaayo daawadan.

Digniin! Daawooyinka qaarkood ayaa la falgali kara daawada ACE. Aad bay muhiim u tahay in aad kala hadasho dhakhtarka, dhakhtar-xigeenka, ama farmashiistaha ka hor inta aadan ilmaha siin wax ah daawo kale oo dhakhtar qoray ama uusan qorin, daawa-dhaqameed, ama fitamiin.

Maxaa la sameynayaa haddii daawada la hilmaamo?

Haddii daawada ilmaha laga hilmaamo hal mar, waa in loo siiyo sida ugu dhahso badan ee isla maalintaas loogu xasuusto. Daawooyinka inta badan ilmaha loo qoro,
raac talooyinka soo socda:

Haddii loo qoray:

Ha siin in ka badan:

laba jeer maalintii

6 saacadood waa in ay u dhaxeeyaan

3 jeer maalintii

3 saacadood waa in ay u dhaxeeyaan

4 jeer maalintii

ha siin markaad hilmaanto

Haddii ay isku dhawaadaan siinta daawada, ha siin markii aad hilmaantay ee la soo dhaafay ee u sii wad jadwalkii caadiga ahaa. Daawo ah la jeer hal mar ha siin.

Haddii ilmuhu daawada soo tufo (matago) ilaa 30 daqiiqo ka dib marka la siiyo, mar kale sii. Haddii ilmuhu matago mar labaad ilaa 30 daqiiqo gudahood, mar dambe
daawo ha siin.

Haddii aad hilmaanto daawada ama ilmuhu matago laba jeer, fadlan kilinigga u soo sheeg.

Waa maxay waxyeellada ka imaan karta?

Badanaa

  • cabbirka dhiigkarka oo hooseeya
  • dawakhaad
  • madaxwareer, wareerid
  • daal, daciifnimo
  • botaasiyamka oo uu heerkeedu dhiigga ku kordho

Marmar

  • madax-xanuun
  • caloolfadhi
  • wareer
  • dhadhanka oo is beddela
  • qufac
  • finan jirka ka soo baxa

Qofka qaadanaya dawadan waa in uusan gaari kaxaysan, mashiin warshad ku shaqeyn, ama wax kasta oo khatar ah (sida baaskiil ama mashiinka cawska lagu jaro) ilaa la soo hubiyo in aysan waxyeello jirin.

Qiyaasta waxaa loogu kordhin karaa si tartiib ah, si looga fogaado waxyeellada.

Daawadan waxa laga yaabaa in ay maqaarka ilmaha ka dhigto mid u nugul qorraxda.
U mari kareemka qorraxda oo ka fogee shushaaca a qorraxda iyo sariiraha la isku kululeeyo.

Haddii aad ilmaha ku aragto waxyeello kale oo ay sababtay daawadan, taleefan u dir dhakhtarka ama farmashiistaha.

Goorma ayaan la soo xiriirayaa kilinigga?

  • wadnegaraac ah gaabis, degdeg ama aan caadi ahayn, ama laabxanuun ka badan 15 daqiiqo
  • suuxid ama miyirbeelid (aan waxba laga ogeyn waxa socda)
  • barar ah gacmaha, cagaha, wejiga, afka, ama cunaha
  • hiinraagid, xabadka oo ciriir noqda
  • wareer
  • daalid
  • kabuubyo ama xatoxato ah gacmaha, cagaha, ama bishimaha
  • afqalleyl, harraad badan
  • murqoxanuun, lallabo, ama matag
  • qandho, xanuun ah murqaha, ama kalagoysyada
  • kaadida oo ku ah dhibaato
  • xanuun ah dhinac ama dhabarka hoose
  • calool-xanuun kedis ah
  • indhaha iyo maqaarka oo hurdi noqda
  • allarji; calaamado ah:
    - qandho ama qarqaryo
    - finan yaryar ama waaweyn
    - hiinraagid
    - neefsashada oo ku ah dhibaato - garaac 911

Maxaa kale oo aan u baahnahay?

Dhakhtarka ayaa kuu sheegi in aad ilmaha keento kilinigga si loo go'aamiyo haddii laga beddelayo qiyaasta ama daawada.

Adiga iyo ilmahaagu waa in aad barataan magacyada iyo daawo kasta oo ilmuhu qaato. Macluumaadkan u sii sheeg meel kasta oo aad daryeelid ugu geysato ilmaha. Fadlan xusuusow inaad soo qaadato caagagga daawada markaad ilmaha keeneyso kilinigga ama qeybta imarjansada.

Dhakhtarka u sheeg haddii ilmahaagu qabo sokorow, wadne-xanuun, kelyo-xanuun, beer-xanuun, ama caabuq ah marka uu difaaca jirku weeraro xubnaha kale sida maqaarka. Daawooyinka ACE lama qaadan karo xilliga uurka.

Waa in aan daawada looga joojin si lama filaan ah. Kala hadal dhakhtarka ka hor intaadan ka joojin daawada.

Mar kasta iska hubso in aad haysato daawo kugu filan. Markaad mar kale u soo qaadeyso daawo, marka kasta eeg dibu-buuxiska idiin harsan. Haddii uusan jirin
dibu-buuxis, farmashiyaha waa inuu haysto 2 ama 3 maalmood si uu ula xiriiro dhakhtarka oo mar kale daawada soo diraya.

Iska hubso qoraalka iyo taariikhda dhicitaanka ka hor inta aadan daawada ilmaha siin. Weydii farmashiistaha sida la yeelo daawooyinka dhaca ama aan la isticmaaleyn. Haddii aysan jirin meel la geyn karo ama "dib loogu celin aro" ku dhex tuur qashinka.

Daawooyinka oo dhan ku hayso caagaggooda oo ka fogee qorrax toos ah ama kuleylka. Ha dhigin meel huur leh sida musqusha. Daawada dhigo meelo aysan carruurtu gaari karin, meel quful leh haddii ay suurtoobeyso.

Haddii aad daawo ka badan ama mid khaldan ilmaha siiso, taleefan u dir Poison Control (Xakameynta Sumowga) (talaafankooda lacag la'aan ah 1-800-222-1222). Haddii ilmuhu suuxo ama uu qabo suuxdimo, garaac 911.

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga ama farmashiyaha.


Wakhtigii qoraalkan 11/2023

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota