Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

DHEECAANKA MURQAHA LAGU DURO EE DIFAACA JIRKA AMA IMIG

Article Translations: (English) (Spanish)

Waa maxay dheecanka difaaca jirka?

Dheecaanka difaaca jirka, ama jirdifaacaha, waa walax garaneysa wixii ah bakteeriyo ama faayrus ee jirka soo gala oo waa ay la dagaalameysaa si aan infakshan u imaan. Intramuscular immune globulin (Dheecaanka difaaca jirka), ama IMIG, waa tallaal laga qaato muruqaha si looga hortago xanuun gaar ah sida jadeecada. IMIG waxa uu habdhiska difaaca jirka ku caawinayaa in uu jirku la dagaallamo oo uu xasuusto xanuunka loogu talagalay. Waxaa laga yaabaa in aad maqasho ereyga GamaSTANTM S/D, oo ah summad shirkadeed oo gaar ah sida IMIG.

Maxay tahay sababta uu ilmahaygu ugu baahan yahay IMIG?

Waxaa ilmahaaga jadeeco ku soo daartay ilma kale oo xanuunkaas qaba. Waxaan rabnaa in aan tallaalka difaaca jirka ku durno ilmahaaga si jirkiisu isaga difaaco jadeecada marka la qaadsiiyo.

Maxaan ka feejignaanayaa ka dib marka ilmahaygu qaato tallaalka IMIG?

Waxaan ilmahaaga ka war hayneynaa 20 daqiiqo tallaalka ka dib si aan u ogaan karno wixii falcelis degdeg ah. Waxaa Ilmuhu dareemi karaa xoogaa xanuun ah, danqasho, ama cirbad ka muuqaneysa meeshii laga duray.

Goorma ayaan la soo xiriirayaa kilinigga?

Waxaad taleefan u soo diri kartaa kilinigga:

  • Haddii ay meeshii laga duray guduudato, bararto, ama ay kuleyl noqoto.
  • Haddii ay Ilmaha qabato qandho ka badan 101°F (38.4°C).

Maxaa kale oo aan u baahnahay?

Waa in aan ilmahaagu lagu mudin tallaal ah jeermis NOOL sida noocyada MMR ama tallaalka busbuska ilaa 6 bilood ka dib tallaalka IMIG. La shaqee kooxda daryeelka caafimaadka si aad u qorsheysato jadwalka tallaalka.

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan u soo dir kilinigga.

Barta intarnetka ee Minnesota Department of Health (Waaxda Caafimaadka ee Minnesota) ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah sida sawirrada jadeecada.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota