Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Neurofibromatosis (nur-oh-fie-broe-mah-toe-sis) nooca 1 (oo loo yaqaan NF1) waa xaalad ku keenta maqaarka isbedel iyo weliba burooyin dhinacyada dareemayaasha jidhka. Burooyinkaasi ma aha sida badan kansar.
NF1 waxay ku dhacdaa 1 qof 3,000 ilaa 4,000 ee caruuraba. Illaa 100,000 qof ayaa qaba Maraykanka. NF1 wuxuu isku mid ah u saameeyaa jinsi kasta iyo jaad kasta dadka.
NF1 waa xaalad hidda-socod. Taas macnaheedu waxa weeye waxa keena isbedel ku yimaad hidda-wadaha NF1. Waa lagu dhashaa oo ma jiraan wax looga hortegi karaa. Eeg xaashida waxbarashada, ”Xaaladaha hidda-socodka.”
Qiyaastii badh ahaan dadka qaba NF1 waxay ka dhaxleen hidda-wadaha keena waalidka. Badhka kalena waxa u qabaan sababta oo ah isbedel cusub ee hidda-wadaha. Waxa jira baadhitaan dhiigga ah oo lagu garan karo isbedelada hidda-socodka ee keeni kara NF1. Eeg xaashida waxbarashada ee “xaaladaha hidda-socodka.”
Markuu qof qabaa NF1 leeyahay ilmo, waxa jirta fursad ah 50% inuu ilmuhu helo hiddawadaha NF1.
Si loo ogaado NF1, dhakhtarku wuxu sameeyaa baadhitaan jidheed. Laba arrimmod waa in laga helaa waxyaabaha soo socda si loo go’aansado inuu qof qabo NF1:
Calaamdaha NF1 qaarkood ayaa laga yaabaa in aanay muuqan illaa waqti danbe nolosha. Taas macnaheedu waa waxa laga yaabo in aan la ogaan NF1 illa waqti danbe nolosha, gaar ahaan haddii aan cidi qabin qoyska.
Dhibaatooyinka soo socdaa waxay aad caan ugu yihiin NF1 oo waxa loo baahan yahay in laga feejignaado oo uu daweeyo dhakhtar ama kalkaaliye sare haddii loo baahdo:
Ma jirto si lagu saadaalin karo dhibaatoyinka uu qabi doono qofka qabaa NF1, ama halista ay dhibaatooyinkaas noqon doonaan. Waxyaabaha lagu garto NF1 waa ku kala duwanaan karaan dad ka mid qoys qudhahi. Dad badan oo qaba NF1 ayaan lahayn dhibaatooyinka caafimaad ee ku taxan xaashidan, oo uu noolaada nolo dheer oo saxo fiican leh.
Raysasho ma leh. Daaweyntu waxay ku xidhan tahay dhibaatooyinka uu qofku qabo.
Dhibcaha u eg bunka caanaha leh iyo canbaartu ma ah dhibaato oo uma baahna daaweyn.
Caruurta iyo waayeelka waa in la qiyaaso tanka dhiigooda si joogta ah. Dhiig karka waxa keeni keeni kara xaaladhan naadirka ah ee laakiin la daaweyn karo:
Daaweynta kale waxa ka mid ah:
Dhibaato | Daaweyn |
ADHD | dabiib ah dawo ama dawola’aan ah |
itaal daro waxbarasho | waxbarasho gaara |
tuur (laf-dhabar qalooca) wagdo (lugta inta hoose oo qaloocda | daryeel hore oo laga helo orthopaedist (dhakhtar khabiir ku ah lafaha) |
neurofibromas | haddii ay xanuun yeeshaan ama dhib kale, waa la saari kara |
plexiform neurofibroma | si feejigan ula soco; haddii uu aad u weynaado, ama noqdo kansar, qaliin ama kiimotarabi ayaa loo baahan doonaa |
buro ku taal marinka aragga | baadhitaanka joogtada ee indhaha, waa dhif in loo baahdo kiimotarabi |
Waa in dhammaan dadka qaba NF1 uu sannad kasta arko dhakhtar ama kalkaaliye caafimaad oo aqoon u leh xaaladda iyo dhakhtarka indhuhu weliba. Waxa laga yaabaa in loo baahdo tilmaamid khabiiro kale.
Xaashidani gaar kuma aha ilmahaaga, laakiin waxay bixinaysaa macluummad guud. Haddii aad wax su’aalo ah qabto, fadlan wac kilinigaaga.
Wixii macluumaad dheeraad ah ee la xidhiidha neurofibromatosis, booqo:
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2025 Children's Minnesota