Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Caanaha Bini’aadanka ee Kaydsan: Waxa la Rabo Inaad Ogaatid

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa Maxay Caanaha Bini’aadanka ee Kaydsan?

Caanaha bini’aadanka ee kaydsan waa caano naas oo ay deeqeen haween wakhtigan naas-nuujiya ilmahooda oo leh caano naas oo badan. Waxa ay caanahooda naaska ee dheeraadka ah siiyaan kaydadka caano ee loogu talogalay ilmaha u baahan.

Deeqista caano naas waxa uu mudo ka badan 100 sanno ka ahaa dhaqan caam ah Yurub, Norway, Denmaark, iyo Iswiidhan. Dhaqankani waxa uu ku fidiyaa dunida. Hadda waxa Waqoojiga Ameerika ka jira 10 kayd caano naas.

Sidee baa Caanaha Bini’aadanka ee Kaydsan Loogu Isticmaalaa Cisbitaalka?

Waxa jira wakhtiyo laga yaabo in ilmahaagu u baahdo kaabis lagu biiriyo caanaha naaskaaga. Kaabistaasi waxay noqon kartaa caanaha naaskaaga oo la bamgareeyay, caano bini’aadan oo kaydsan ama caano qasac (formula). Caanaha naaskaaga oo la bamgareeyay ama caano bini’aadan oo kaydsan oo kaabis laga dhigayo ayaa bixinaya nafaqada ugu dhammeystiran.

Sababaha uu ilmahaagu ugu baahan karo caano bini’aadan oo kaydsan waxa ka mid ah:

  • gulukoos dhiig oo hooseysa oo aan ku soo fiicnaan naas-nuujin ama caano naas oo la lisay
  • lumis miisaan oo aad u badan
  • engegid ama midab hurdi ah oo leh engegid mana jiraan caano ah naaskaaga oo ku filan quudinta
  • waxa aad u baahan tahay inaad qaadatid dawo laga yaabo inay waxyeelo leedahay haddii ay u gudubto ilmahaaga iyada oo sii maraysa caanaha naaska.

Waxa kale oo laga yaabaa inaad weydiisatid kaabis ah caano bini’aadan oo kaydsan marka naas-nuujinta ama bamgareyntu aanay ku filaan baahiyaha ilmahaaga ama aad u baahan tahay nasasho oo aad rabtid inaad kaliya naas-nuujisid.

Caanaha Bini’aadanka ee Kaydsan Ma Ammaan Baa?

Heerarka ammaanka ee loo isticmaalo caanaha bini’aadanka ee kaydsan waxa abuuray Ururka Caanaha Bini’aadanka ee Kaydsan ee Waqoojiga Ameerika (Human Milk Banking Association of North America) (HMBANA) oo gargaar ka helay Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka (Food and Drug Administration) (FDA) iyo Xarumaha Xakameynta iyo Ka-hortagga Cudurada (Centers for Disease Control and Prevention).

Caanaha Bini’aadanka ee Kaydsan waa la baadhaa oo laga tijaabiyaa ammaanka. Waa la bayliyaa (la gaadhsiiyaa heerkul sare) si looga saaro wixii ah bakteeriya ama jeermi laga yaabo inay ku jiraan caanaha naaska. Ka dib caanaha bini’aadanka ee kaydsan waa la barafeeyaa si loo isticmaalo.

Waxa ay hay’adda FDA ku talisay in la isticmaalo kaliya caanaha naaska ee ka yimid deeqayaal la baadhay iyo kayd caano oo uu xaqiijiyay HMBANA. Xaqiijinta macnaheedu waxa weeye in shakhsiga ama kaydka caanaha uu yahay mid ku shaqeeya xeerarka hubinaya in la raaco heerarka ammaanka iyo tayada.

Laguma talin in la isticmaalo caano naas oo toos uga imanaya shakhsiyaad ama laga helo internetka iyada oo ay bixiyeen deeqayaal aan laga baadhin cudurada la kala qaado ama aan laga baadhin halis ka imanaysa wasakheysan.

Sida cunto kasta, markasta dhaq gacmahaaga ka hor iyo ka dib marka aad taabatid weelka ay ku jiraan caanaha bini’aadanka ee kaydsan.

Sidee Bay Haweenku ku Noqdaan Deeqayaal Caano Naas?

Deeqyaashu waxay maraan baadhis dheer si loo go’aamiyo inay ka soo baxayaan shuruudaha caafimaadka. Waxa taas ku jira:

  • taariikh caafimaad oo laga helo deeqaha iyo dhakhtarkeeda
  • baadhis dhiig, oo uu ku jiro ka baadhis Aydhis (AIDS) (acquired immunodeficiency syndrome) iyo fayrasyo kale
  • ku-talin qoran oo ka timid dhakhtarka deeqaha iyo dhakhtarka ilmaheeda.

Haweenayda deeqda bixinaysaa ma cabbi karto sigaar ama qaadan karto dawooyin mudada ay tahay deeqe. Waxa kale oo deeqa kasta la siinayaa fariimo ku saabsan sida ammaan leh ee loo ururiyo, loo qabto ee loo kaydiyo caanaha naasaheeda.

Deeqayaasha Ma Lacag Baa Lagu Siiyaa Inay Deeqaan Caanaha Naaska?

Haweenka deeq ahaan ku bixiya caanaha naaskooda lama siiyo lacag.

Waa Intee Kharashka Caanaha Bini’aadanka ee Kaydsan?

Ma jiro kharash la saarayo caanaha bini’aadanka ee kaydsan ee la siiyo ilmahaaga mudada aad ku jirtid cisbitaalka.

Ka dib marka aad ka baxdid cisbitaalka, caanaha bini’aadanka ee kaydsan waxa laga iibsan karaa dheer meelood. Kharashku ma ah isku mid meel kasta. Kalkaalisadaada ama la-talisadaada naas-nuujinta ayaa ku siin karta macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo iibsado caanaha bini’aadanka ee kaydsan.

Ilmahaaga Ma Siin Kartaa Caanaha Qasaca ee Ilmaha Yar?

Haddii aanad dooran inaad ilmahaaga siisid caanaha bini’aadanka ee kaydsan, waxa la heli karaa caanaha qasaca ee ilmaha yar. Dhakhtarka ilmahaaga kala hadal caanaha qasaca ee ugu fiican ilmahaaga.

Allina Health waxay taageerta naas-nuujinta markasta oo ay suurtogal tahay. Ilmaha la naas-nuujiyo waxa ku sii yar alerjiyada ama xasaasiyadaha, neefta/asma, sonkorowga/macaanka, caabuqyada dhegaha, oofwareenka/nuumooniya iyo shubanka.

Macluumaad Dheeraad ah

Si aad u heshid macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caanaha bini’aadanka ee kaydsan, booqo hmbana.org.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota