Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)
Akameediyada Ilmaha ee Maraykanka (American Academy of Pediatrics) waxay soo jeediyeen waxyaalaha soo socda, si ay u yarayso khatarta ah Kadis u Dhimashada Sabiga [sudden Infant death syndrome]-(SIDS) iyo dhimashooyinka kale ee la xiriira hurdada, sida neefta oo ku xiranta.
Soo jeedinada la soo jeediyay awgood, kadis u dhimashada sabiyadu (SIDS) waxay hoos u dhaceen 50%. Isla wakhtigaa, madax balaarashadu ( plagiocephaly) ama (head flattening) iyo muruqyada surka oo dhinac ka adkaada (torticollis) ama (a one-sided tightness in neck muscles) way siyaaday.
Sabiyada qaar baa u badan in ay madaxooda u leexiyaan dhinaca ay jecelyihiin marka ay u jiifaan dhabarka. Tani waxay waxyeeli kartaa koritaankooda. Waxaa dhibaato ku noqonaya in ay muruqyada surka labadiisa dhinac ay is xoog le’ekaadaan, sidoo kale in ay bartaan in ay isticmaalaan jirka labadiisa dhinac.
Hurdada
Dhabar-dhabar u seexi ilmahaaga, kala badal meesha madaxiisa aad dhigaysid, si uusan culayska u saarin hal dhinac. Ama kala badal dhinaca aad u dhigaysid (dhanka cagaha markaas u badal dhanka madaxa) sidaas awgeed ilmuhu wuxuu jaleecayaa dhanka dhaqdhaqaaqu ka jiro qolka.
Haddii ilmahaagu mar walba madaxiisu hal dhinac u yaal, isku day in aad badashid dhinaca xoolku uu u jeedo ama ka fur meesha waxyaalaha uu jecelyahay in uu fiirsado ilmuhu.
Waxyaalaha qaar baa sheegta in loo sameeyay in ay ilmaha ku hayn karaan hal dhinac. Qalabkaas lama tijaabin amaankooda sidaas darteed idinkuma dhiiringalinmayno.
Xadid isticmaalka boombolayaasha sida wiifowyada, kuraasta sabiga, iyo kuraasta boombalayaashu ku xiranyihiin. Marwalba isticmaal kursiga baabuurka marka aad safraysid, laakiin ka saar ilmaha marka uu safarku dhamaado. Marka sabigu soo jeedo, sabiyadu waxay u baahanyihiin in la hayo, ama aad dhulka dhigtid si uu u sahmiyo aduunkiisa una kobciyo muruqyadiisa sida si ugu badan.
Marka ilmuhu soo jeedo oo aad fiirinaysid, ilmahaagu wuxuu u baahanyahay in uu wakhti badan galiyo dhabacashada. Wakhtiga dhabacashadu wuxuu xoojiyaa dhabarka, surka, iyo muruqyada gacmaha , taasoo siinaysa awooda ah in uu madaxiisa kor u qaado, isrogo, fariisto, gurguurtana. Wakhtiga dhabacashadu sidoo kale wuxuu u fiicanyahay aragtida iyo maskaxdaba sababta oo ah waxaa lagu dhiirigalinayaa in uu fiiriyo goonyihiisa uuna sahmiyo aduunkiisa.
Dhakhsahaad ugu bilowdid dhabacashada, waxay gaarsiinaysaa dhakhso in uu ula qabsado, faa’iido ka helo, una gaaro in uu jeclaado. Sabiyada wakhtiga badan aan galin dhabacashada waxay u baahnaan doonaan wakhti dheeraad ah oo lagu dhiirigaliyo in uu barto dhabacashada. Halkaan waxaan kugu hayaa afkaar yar oo kaa caawinaysa sabigaaga in uu ka helo dhabacashada. Xusuuso, wakhtiga dhabacashada ilmaha waa inlala joogaa – marna ha cidlayn ilmaha oo dhabacan ama si u yaal.
Waxaad isticmaali kartaa:
Sabur u yeelo. Marka u horaysa waxaa suurtowda in uu ku dhibtoodo, laakiin waa muhiim in mar walba aad isku daydid. Markuu sii xoogsadaba, dhabacashadu waxay noqon doontaa mid uu ka helo. Faa’iidoonyinka uu ka helayaa way istaahilaan in loo maro dhibtaa.
La hadal ayeeyooyin iyo awoowooyin, dhakhaatiirta, iyo ilaaliyaasha ilmaha. Hubi in qof qof kasta oo ilmaha daryeelaa in uu yaqaan amniga hurdada:
Warqadaani gaar uma ah sabigaaga, laakiin waxay ku siinaysaa macluumaad guud. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabka seexashada ama kadis u dhimashada sabiga (SIDS), fadlan la hadal kooxdaada daryeelka.
Waxaa la muraajiceeyay 6/2017
This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2025 Children's Minnesota