Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Xanuunka ilmaha yaryar iyo kuwa waaweyn

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Ballanqaadka Daryeel Ugu Habboon

Waxaan rumeysan nahay in carruurta sabiga ah iyo ilmaha roonba ay xaq u leeyihiin heerka ugu wanaagsan ee yareynta xanuunka ee sida badbaadada leh loogu qaban karo.  Sidaa darteed waxaynu cuskanaa dadaal kooxeed si aynu u yareyno xanuunka iyo welwelka inagoo isticmaalayna hababka daaweynta jirka iyo niyaddaba. Shaqaalaha iyo qoysaska ayaa ka wada shaqeynaya, oo waxaan ballanqaadeynaa inaan wax kasta sameyno si looga hortago loona daaweeyo wixii xanuun ah.

Maxaa keena xanuunka ilmaha?

Xanuunka waxaa keeni kara waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin:

  • dhaawaca qallinka ka dib:
    - meesha qalliinka lagu sameeyay
    - fidinta ama riixidda jirka ama xubnaha
  • duritaanka sida xididka daawada laga qaato ama dhiigga l abaarayo, ama cirbad laga mudayo
  • neerfayaasha oo dareema dhaawac jirka ama barar
  • dareen xanuun oo ay keento hurgun
  • xanuun fidinta murqaha ka imaan kara ama sariir jiifkeed ku raagidda waqti dheer
  • raaxo-la’aan isku-jirta muuqaalka jirka iyo shucuurta hoose ee qofka

Xanuunka waa la daaweyn karaa.  Kooxda daryeelka caafimaadka waxay doonayaan in ay qabtaan wax walba oo ay awoodaan si xanuunku uga yaraado ilmaahaagana si wanaagsan u dareemo.

Sidee baynu u garannaa in ilmaha ama kuwa aan qaan-gaarin xanuun hayo?

Waxaa laga yaabaa in ilmahu uu inoo sheegi karo halka xanuunlka ka hayo iyo sida ay dareemayaan.  Haddii aanay ilmahu inoo sheegi karin, ama aysan dooneyn inay inoo sheegaan, waxaynu eegi karnaa astaamo ku saabsan wax ay sameynayaan.

Waxaa kaloo aynu xanuunka ku cabbiri karnaa qalabyo khaas ah.  Daryeelahu waxa uu eegi karaa sida illmahu wax u sameynayo ama astaamaha jirka (sida wadno qaraaca, heerka neefsashada, cadaadiska dhiigga) si uu u ogaado in ilmahu xanuun hayo, khaas ahaan ilmaha aadka u yar.  Ilmaha yara weyn waxay awoodaan in ay xanuunkooda heerka uu yahay ka dhex arkaan sawirrada wejiyo kala duwan.

Sidee ilmahu u dhaqmaan marka uu xanuun hayo?

Ilmaha marka uu xanuunka hayo siyaabo kala duwan ayey u dhaqmaan.  Eeg astaamaha hoos ku taxan.

Socod-baradka (1-3 jir) ayaa sheegi kara:

  • xanuunka oo ay muujiyaan
  • oohin
  • waji kaduudid
  • jirkooda oo ay adkeeyaan ama ay diidaan socod ama gurguurasho
  • cuntada iyo cabitaanka oo ay diidaan
  • iyagoo si fudud isugu buuqa
  • xanaaqid
  • nasasho darro ama hurdo la’aan

Iskuulka ka hor (4-5 jir) ayaa sheegi kara:

  • xanuunka oo ay ka cawdaan
  • waji kaduudid
  • jirkooda oo ay adkeeyaan ama ay diidaan dhaqaaqid
  • diidmo in la taabta meesha xanuunaysa
  • oohin
  • nasasho darro ama caro badan
  • qarow, hurdo-xumo
  • diidmo inay sheegaan xanuunka haddii ay xanuunka u arkaan ciqaab, ama ay ka baqaan daaweynta xanuunka
  • Diididda cuntada ama cabitaanka

Da’da iskuulka (6-12 sano) si toos ah ayay uga hadli karaan sbabta, nooca, iyo caddadka xanuunka.  Astaamaha caamka ah waxaa ka mid ah:

  • iska jiifid ama ilaalin meesha xanuunaysa
  • weji madluun ah
  • weji kaduudan
  • welwel iyo iska fikirid
  • caro badan
  • nasasho darro, rafasho
  • carqaladayn hurdo
  • qaraw habeenkii

Ilmaha waaweyn (13-18 jir) waxaa lagu arkaa astaamo carruur iyo dad weyn oo isku jira. U fiirso:

  • is-beddel heerka firfircoonaanta
  • farxadda oo is beddesha
  • iskaashigooda oo yaraada
  • is-beddel habka cunidda ama hurdada
  • caro badan, nasasho darro
  • xanaaq ama la-noqosho

Maxay waalidku qaban karaan?

Marka ilmahu xanuun hayo, waxa ay waalidka leeyihiin qeyb muhiim ah.  Sababtoo ah adiga ayaa cunuggaaga ugu aqoon badan, waxaad si hoose ula shaqeyn kartaa shaqaalaha si ay u caawiyaan si loo maareeyo xanuunka. Waalid ahaan ayaad muhiim u tahay ilmaha si aad u dejiso oo adigaa garanaya sida looga jawaabo xaaladaha cusub ama adag. 

Si aad ilmaha ugu caawiso yareynta xanuunka, waxaad yeeli kartaa:

  • Inaad xaadir ahaato, ama aad weydiiso qof cunuggaaga si wanaagsan u yaqaan inuu soo booqdo. Joogiddaada ayaa badqabid iyo xakameyn u noqoneysa ilmaha.
  • Inaad u sheegto shaqaalaha haddii aad dareento in xanuunka aanu yaraaneyn, ama in cunuggaaga laga yareeyo daawada xanuunka hurdo daraadeed ama firfircoonida cunugga oo wanaagsan.
  • Inaad siiso cunuggaaga xorriyad uu ku xusho waxii macquul kula ah.
  • Inaad ammaanto cunuggaaga, xitaa marka ay guushu yar tahay; ammaantu waxay dhalisaa kalsooni caawinaysa in cunuggaagu u adkeysto marxaladda.
  • Inaad isticmaasho wax kastoo niyad ahaan dejin kara cunuggaaga ka hor iyo ka dibba markii marxalad welwel keeni karta ay jirto. Guriga uga soo qaad alaab ilmuhu ku ciyaaro oo madadaalo u noqota.

Maxaa la sameyn karaa si xanuunka loo yareeyo?

Siyaabaha aan daawada la isticmaaleyn

Xanuunku waa mid saameeya jirka iyo niyaddaba.  Ilmuhu waa ay dareemaan xanuunka jir ahaan, balse waa ay ka fikiraan niyad ahaan. Waxyaabaha ilmuhu dareemo waa gubasho, wax ku taagan ama majiirid.  Waxyaabaha ay ku fikiraan waxaa ka mid ah “Maxuu xanuunkan ii hayaa,” “Muddo intee dhan ayuu I heyn doonaa,” “Muu qof iga qaado xanuunkan,” iyo “Sababta xanuunkan ma xumaan aan sameeyaa?”  Waxay is weydiiyaan in xannunku ka sii dari doono iyo inay ka reysan doonaan weligood.  Welwelkan ama walaacan waxuu ka dhegi karaa xanuunka mid sii dara, taasoo cunugga inuu sii welwelo keenaysa.  Sidee loo joojin karaa meertadan “xanuun-welwel-xanuun”.  Waxyaabaha caawiya si loo yareeyo welwelka iyo xanuunka waxaa ka mid ah:

  • U diyaarinta waxyaabaha xanuunka keeni kara (adigoo tixraacaya da’da iyo fahamka) taasoo ka hortagta xanuunka niyadeed iyo jir ahaaneedba, kordhisana fahamka iyo adkeysiga ilmaha.
  • Dejinta sida isticmaalidda cod nasteexo leh, muusik, sheeko, ama heeso waxay ilmaha niyaddooda ka fogaysaa ka fikiridda xanuunka.
  • Dhaqaajinta ilmaha adigoo haya ruxidda ama la socoshada waa ay caawin kartaa.
  • Siyaabaha dejinta sida xumbo afuufidda, ama si hoose u neefsashada waa ay yareyn kartaa walaaca.
  • Salaaxidda ama riixidda fudud waxay caawisaa jaha wareerinta dareemayaasha xanuunka u gudbiya maskaxda, taasoo keenta in maskaxdu aanay dareemin xanuun aad u badan.
  • Saaridda wax qandac ah ama qabow, meesha jugta ay gaartay waxay yareyn kartaa xanuunka ka imman kara bararka murqaha dhaawacmay.
  • Muuqaal ka fikiradda ama khiyaaliga waxuu caawin karaa in ilmahu degaan niyad ahaan oo ay u arkaan inay meel kale joogaan.

Waan kaa caawin doonaa inaad barato sidii aad u isticmaali laheyd hababkan.

Daawooyinka

Waxaa jir daawooyin badan oo kala duwan oo aynu isticmaali karno.  Daawada ku habboon cunuggaagu waxay ku xiran tahay waxyaabo badan sida nooca xanuunka, inta xanuunku uu hayo, iyo sababta xanuunku u hayo.  Daawooyinka qaar ka mid ah hoos ayaa lagu faahfaahinayaa.

Kareemka kabaabyada, sida 4% lidocaine ayaa la saari karaa jirka si loogu kabuubyeeyo.  Inta badan waxaa loo isticmaalaa duridda maqaarka ama xididka ka hor. Waa inay saarnaataa maqaarka si loogu kabuubyeeyo.  Waa in ay saarnaato 30 daqiiqo si ay ugu shaqeyso. Xanuunka kama wada qaadeyso, laakiin waa ay ka yareyneysaa  (Eeg waraaqda macluumaadka “Anesthetic cream” Kareemka kabuubyada).

Non-steroidal anti-inflammatory drugs (NSAIDs) waxay yareeyaan xanuunka iyo bararka.  Waxaa la iibsan karaa iyadoo aanu dhakhtar kuu qorin, waxayna naaqusiyaan xanuunka yar ilaa kan dhexe.  Si ay u yareeyaan xanuunka caloosha, waa in lala qaato cuntada markii ay macquul tahay. Ibuprofen (Motrin® ama Advil®) ayaa ka mid ah daawooyinka NSAID.

Acetaminophen (Tylenol®) waa nooc kale oo ka mid ah daawooyinka xanuunka ee la iibsan karo iyadoo aanu dhakhtar qorin, taasoo caawisa daaweeynta xanuunka yar ilaa kan dhexe.  Daawadan waa ay ka dhibaato yar tahay daawooyinka NSAIDs-ka, laakiinse ma yareyso bararka.

Opioids waa daawwoyin aad u awood leh oo loo isticmaalo daaweynta xanuunka dhexe ilaa kan saa’idka ah, inta badanna la isticmaalo qalliinka ka dib.  Waxaa laga siin karaa xididka ama afka.  Daawoyinkan waxay keeni karaan dhibaatooyin sida jir cun-cun, lallabo, ama saxarada oo adkaato ama yaraata. Daawoyinka waxay keeni karaan hurdo la’aan iyo neefsasho gaaban. Mararka qaarkood NSAIDs ama Tylenol iyo opioids ayaa iskun mar la wada isticmaalaa.  Marka opioids-ka afka laga qaato, waa in cunto lala qaataa si looga taxadaro lallabada.  Si iyadana looga taxadaro saxarada oo adkaata ama yaraata, waa in ilmahaagu cabbaa cabbitaan badan, ama faleebbo lagu duraa.

Isbitaalka gudihiisa, waxaa jira siyaabo kale oo loo qaato daawooyinka xanuunka. Ilmaha waxay isticmaali karaan tuubo daawo-xanuun oo xukumayo bukaanku Taasoo la riixayo batoon siinaya in go’an oo daawo xanuun ah.  (Eeg warqadda barashada “Daawo-xanuunka uu xukumo bukaanku.”)  Ilmaha la qalay waxaa la siin karaa tuubo yar oo la geliyo dhabarka u dhow dareemaha laf-dhabarta si daawada toos ay u gaarto dareemayaasha dhammaadkooda.  (Eeg warqaddam macluumaadka ee Cirbadda xanuunka foosha ee laf-dhabarta hoose lagu mudo, “Epidural analgesia.”.)

Marka cunuggaaga la geeyo guriga, raac tilmaamaha uu dhakhtarku ku siiyay ee daawo xanuun siinta.  Sii daawada marka uu xanuunku billowdaba.  Xanuunka saa’idka way adag tahay joojintiisa.  Hubi inaad siiso daawada xilliga la seexdo si uu cunuggaagu si fiican ugu seexdo.  Daawooyinka qaar waqtii walba ayaa la siiyaa.  Dhakhtaarkaaga ayaa kuu sheegi doona xilliga la siinayo haddii loo baahdo.

Hubi inaad soo wacdo haddii ay daawadu aanay xanuunka yareyn ama xanuunku ka sii daro.  Haddii aad u soo wacdo dhakhtarka xanuun waxaa lagu weydiin karaa haddii cunuggaaga qandho ay hayso, heerka xanuunku la’eg yahay, iyo nabarka ama meesha la qalay sida ay u eg tahay.

Su’aalo?

Fadlan shaqaalaha kala soo xiriir wixii su’aalo ah oo ku saabsan xanuunka nuunnaha, qorshaha iyo daawooyinka xanuunka. Waxa kale oo jira shaqaale kale oo u diyaarsan daaweeya xanuunka markii looga baahdo.

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga, balse waxaa ku qoran macluumaad guud ahaaneed.  Haddii aad su’aalo ama welwel qabto, fadlan kala hadal dhakhtarka ama shaqaalaha la shaqeynaya ilmahaaga.  Dhakhtarka ama kalkaalisada ayaa idiin sii gudbin kara takhasuska xanuunka ee isbitaalka. Sida ugu fiican ee lagu maareyn karo xanuunka waa in koox ahaan loola tacaalo.

Hadii aad rabto faahfaahin ama qoraalo ku saabsan xanuunka ama caafimaadka kale, fadlan kala xiriir Maktabadda Xarunta Adeegyada Qoyska ama booqo barta internetka ee www.childrenshc.org

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota