Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Tuubbada Xididka Dhiigga (Tuubbo-gelinta): Daryeeliddeeda guriga

Article Translations: (English) (Spanish)

Waxa uu ilmahaagu guriga la aadayaa tuubbada xididka dhiigga. Waxaa lagu barayaa sida aad u isticmaaleyso iyo sida aad u daryeeleyso tuubbada, oo waa siyaabaha aad uga hortageyso infakshanka, biya-raacinta, beddelaadda daboolka iyo saarista faashadda, iyo xallinta wixii dhib ah oo jira.

Tuubbada xididka dhiigga ee ilmahaaga:

Tuubbada xididka dhiigga waa (tuubbo-gelinta)  waa tuubbo khafiif ah oo la geliyo xidid weyn oo aada wadnaha. Nooca ilmahaaga la geliyey waa:

___ Broviac™                  ___ Hal qeyb

___ Hickman™                ___ Laba qeybood

___ Medcomp®               ___ Xooggeeda lagu duri karo

___ Mid Kale:

Waa sidee tuubbada xididka dhiigga?

Qeybta tuubbada xididka dhiigga ee maqaarka hoostiisa waa nooc yar oo ah duubid ama Dacron™ cuff. Maqaarka ayaa ku weynaada meelaha lagu duubay. Duubku waxa uu joojinayaa dhaqaaqidda tuubbada xididka dhiigga. Waa wax qaadanaya ugu yaraan laba toddobaad ama ka badan.

Sidee baan ilmaha ugu daryeelayaa guriga?

Marka ilmahaagu soo bogsanayo oo uu joogi karo guriga, kalkaaliso ayaa ku tuseysa ilaa aad adigu barato sida aad u daryeeleyso tuubbada ilmahaaga ka hor intaadan keligaa sameyn. Waa wax aad u baahan tahay ka hor intaadan guriga la aadin ilmaha:

  • ka-hortegidda infakshanka
  • siinta daawada
  • biya-raacinta tuubbada xididka dhiigga
  • beddelaadda daboolka infakshanka celiya
  • beddelaadda faashadda
  • xallinta wixii dhib ah oo yimaada
  • inaad ogtahay marka iyo meelaha aad caawimaad ula xiriireyso

Ka-hortegidda Infakshanka

Tuubbada xididka dhiiga waxay u fiican tahay daryeelka ilmaha buka, laakiin waxaa jiri kara khatar ah infakshan marka ay bakteeriyo ku jirto tuubbada oo ay dabadeedna dhiigga raacdo. Xaaladdaas ayaa la yiraahdaa Infakshanka Tuubbada Xididka Dhiigga ama CLABSI. CLABSI waxay noqon kartaa halis khatar gelineysa nolosha.

Waxaa muhiim ah in aad ka hortagto infashanka, ama waxay noqoneysaa in tuubbada laga saaro.  

Waxaa jira waxyaabo aad sameyn karto si aad uga hortagto infakshanka tuubbada xididka dhiigga.

Nadaafaddu waa khasab! 

  1. Si fiican ugu dhaqo gacmaha biyo iyo saabuun ama isticmaal aalkolada jeermiska ka hor intaadan taaban tuubbada. Taas macnaheedu waa in aad dhaqdo gacmahaaga ka hor:
    • Intaadan biyo-raacin tuubbada dhiigga, intaadan siin daawo, intaadan ka beddelin daboolka, markaad beddeleyso daboolka, markaad beddeleyso faashadda,iyo mar kasta oo aad taabaneyso.
  2. Meelaha aad alaabta saaraneyso ku nadiifi jeermis-dile (sida Lysol® ama nooc kale) marka aad isu diyaarineyso daryeelidda tuubbada.
  3. Meelaha xafaayadda ka fogee tuubbada marka aad ilmaha ka beddelyso xafaayadda, oo ilmuhu yuusan afka gashan tuubbada.
  4. Eeg meesha ay ku jirto tuubbada xididka dhiigga oo ka eeg calaamadaha infakshanka (eeg Xallinta Dhibaatooyinka).

Miyaan ilmahayga u qubeyn karaa/miyuu qubeysan karaa?

Marka ay dhakhtarka ama kalkaasadu oggolaadaan qubeyska baafka ama tuubbada kore, waa in tubbada xididka la dhowro iyada oo la ilaalinayo faashadda si uu daboolku biyaha uga celiyo. Haddii ay qoydo faashaddu, isla markiiba waa in la beddelo.

Waa in aysan biyuhu si toos ah ugu dhicin tuubbada xididka, sababtoo ah jeermis biyaha ku jira ayaa gudaha u gudbi kara. Waa inuusan ilmuhu ku qubeysan biyo kulul oo baaf ku jira.

Dabaal ma aadi karaa ilmahaygu?

Inta ay ilmaha ku jirto tuubbada xididka, uma fiicna dabaasha badda, harooyinka, webiyada, barkadaha iyo baaf biyo kulul. Waxaa jiray warbixin ah infakshan la arkay dabaal ka dib. Waxaa jirta mar ay shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa daryeelka oggolaan karaan dabaasha, laakiin waa in iyaga keliya lagala hadlo. Haddii la oggolaado dabaasha, tuubbada xididka waa in lagu daboolo wax ka celinaya biyaha. Faashadda iyo daboolka waa in si dhakhso ah looga beddelo ka dib marka ilmuhu ka soo baxo biyaha.

Biya-raacinta Tuubbada Xididka Dhiigga

Goorma ayaa la biya-raacinayaa tuubbada xididka dhiigga?

Tuubbada xididka waa khasab in saliinge lagula shubo dareere gudaha si uusan dhiig u fariisan (ugu uruurin) oo uusan u xannibin. Haddii ay xiranto tuubbada xididka, waxaa dhici karta in la bixiyo.

Marka uu faleebbe ku xiran yahay tuubbada xididka, si joogto ah ayaa loo nadiifinayaa. Marka aan tuubbada xididka la isticmaaleyn, waa in gudaha loo biyo raaciyo saddex mar:

  • Ka hor iyo ka dib marka daawo ama faleebbe lagu shubo.
  • Ka dib marka dhiig laga qaado.
  • Haddii culeyska ilmahaagu ka sarreeyo 17 baawn, biya-raacinta gudaha ah waa in ay noqoto 24-kii saac mar.
  • Haddii culeyska ilmahaagu ka hooseeyo 17 baawn, biya-raacinta gudaha ah waa in ay noqoto 12-kii saac mar.  

Sidee baa loo biya-raacinayaa gudaha tuubbada xididka dhiigga? 

Tilmaamo muhiim u ah biya-raacinta gudaha

  • Mar kasta isticmaal saliinge ah 10mL ama ka weyn. Saliingaha yar cadaadis ayuu ku sameyn karaa tuubbada xididka oo dillaac ayuu ku keeni karaa.
  • Ka hor mar kasta oo xididka laga biya-raacinayo gudaha ama daawo looga shubayo, gasho gacmagelisyo nadiif ah oo daboolka infakshanka ku xoq in yar oo ah CHG ilaa 30 ilbiriqsi. Ha qallasho 30 ilbiriqsi ilaa ay gebi ahaan qalleyl noqoto. Yaan la afuufin ama yaan marwaxad loo dhigin.
  • Mar kasta oo la sameynayo biya-raacinta gudaha ah, isticmaal habka ah "riix-oo-jooji": xoogaa ku shub dareeraha, ka dib ka jooji 1 ilaa 2 ilbiriqsi, ka dib ku sii shub xoogaa, jooji, oo ku wad sidaas. Habkan waxa uu nadiifinayaa gudaha xididka tuubbada.
  • Haddii ay adkaato in aad gudaha nadiifiso ama aad ka siiso daawada, ha ku khasbin biya-raacinta gudaha. La xiriir oo caawimaad ka codso dhakhtarka ama kalkaalisada.

Siyaabo ah Biya-raacin Dhakhso Badan:

1. Xoq
2. Ku biya raaci dareeraha loogu tala galay
3. Mari
4. Ku shub heparin, haddii loo qoray
5. Maqas caag ah ku qabo

  1. Diyaarso oo nadiifi goobtaad alaabta dhiganeyso.
  2. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  3. Soo uruurso alaabata:
    • gacmagelisyo caadi ah
    • masaxaha CHG
    • saliingaha dareeraha loogu talagalay (1 qeyb cabbirka gudaha)
    • saliingaha heparin (haddii loo qoray, 1 qeyb cabbirka gudaha)
  4. Iska eeg dareeraha loogu talagalay iyo/ama qoraalka saliingaha heparain ka hor intaadan ilmaha ku shubin.
    • Dareeraha loogu talagalay iyo saliingeyaasha heparin waxa la isticmaali karo waa inta aysan dhicin. Iska tuur haddii ay daawadu salka joogto ama aysan kuula muuqan wax ah nadiif. Haddii aad mid iska tuurto iska hubso in aad taleefan u dirto farmashiyaha si ay kuugu diyaariyaan daawada.
  5. Gasho gacmagelisyo caadi ah
  6. Diyaarso saliingaha dareeraha diyaarsan oo saliinge(yaashiisa) ka saar xunbada gudaha ku jirta. Ka saar furka. Saliingaha afkiisa dusha kore u jeedi. Kor u qabo si aayar ah u riix qeybta dhexe ee saliingaha si aad xunbada iyo hawada uga saarto. Daboolka geli saliingeyaasha.
  7. Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG ilaa 15 ilbiriqsi oo ka dibna gebi ahaan ha kuu qallasho ilaa 15 ilbiriqsi.
  8. Ku xir dareeraha saliingaha daboolka cirbadda afkeeda.
  9. Maqaska caagga ah ka fur tuubbada.
  10. Gudaha xididka ku biya-raaci dareeraha habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  11. Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG ilaa 15 ilbiriqsi oo ka dibna gebi ahaan ha kuu qallasho ilaa 15 ilbiriqsi.
  12. Haddii loo qoray heparin, afka uga xir saliingaha cirbadda heparin oo ku nadiifi gudaha xididka adigoo raacaya habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  13. Maqaska caagga ah ku qabo tuubbada.
  14. Haddii ay tuubbadu leedahay laba qeybood, waxa aad sameyneyso qeybta labaad si gaar ah ugu samee 7 ilaa 14 ilbiriqsi. U isticmaal CHG cusub, dareeraha loogu talagalay iyo saliingeyaasha heparin qeyb kasta.
  15. Saliingeyaasha la isticmaalo iyo alaabta ku dhex tuur qashinka. Saliingeyaasha dhiigga leh ku tuur goobo gaar ah, sida dhalo adag oo leh dabool lagu xirayo. Ku dul qor inaan dib loo warshadeyn oo ay yihiin cirbado "Do Not Recycle - Household Sharps."
    • Aad ha u buuxin caagga cirbadaha qashinka. Qashinka waa ku kala duwan yihiin deegaanka lagu nool yahay. Deegaamada qaar ayaa leh goob lagu tuuro cirbadaha. Si aad isaga hubsato, weydii shirkadda qashinqubka, farmashiyaha, ama kilinig aad la xiriirto.

BEDDELAADDA DABOOLKA INFAKSHANKA CELIYA

Goorma ayaan beddelayaa daboolka infakshanka?

Si uusan infakshan u dhicin, u beddel daboolka sida laguugu sheego:

___ 2 jeer toddobaad kasta haddii ilmaha laga siinayo faleebbe, daawooyin, in laga qaado dhiigga sheybaarka

___ hal mar 7-dii maalmood haddii aan ilmaha laga siineyn faleebbe, daawooyin, ama in laga qaado dhiigga sheybaarka.

*Daawooyinku kuma jiraan biya-raacinta joogtada ah ee maalin kasta ee heparin ama dareeraha si uusan xididku u xirmin.

Sidee baan u beddelayaa daboolka infakshanka?

  1. Qorsheyso in aad beddesho daboolka marka aad tuubbada xididka gudaha ku biya raacineyso heparin.
  2. Diyaarso oo nadiifi goobta aad alaabta dhiganeyso.
  3. Gacmaha dhaqo.
  4. Soo uruurso alaabada (santuuq haddii ay kuugu wada jirto ama ay kuu yaallaan meelo kala duwan qeyb kasta):santuuqa beddelka daboolka (haddii uu jiro) (1 mid qeyb kasta). Santuuqa waa in ay ku jiraan:
    • santuuqa beddelka daboolka (haddii uu jiro) (1 mid qeyb kasta). Santuuqa waa in ay ku jiraan:
      • masaxaha CHG
      • daboolka infakshanka
      • gafuurxir badan
      • faashado cusub
      • gacmagelis cusub
      • saliinge dareere ku jiro oo cusub
    • saliingaha heparin (1 qeyb cabbirka gudaha)
  5. Maqaska caagga ah ku qabo tuubbada (qeyb kasta).
  6. Furo santuuqa dhinaca gafuurxirka iyo gacmageliska.
  7. Gafuurxirka gasho. Gafuurxirka waa in aad gashataan adiga, ilmahaaga, iyo marka uu joogo qof ah shaqale.
  8. Furo santuuqa nadiifka ah oo dhan. Keliya taabo dhinacyada bannaanka ah ee gudaha ha ka taaban.
  9. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  10. Gasho gacmagelisyo cusub. Ka dib markaad xirato gacmageliska cusub, ku soo qabso alaabta.
  11. Diyaarso daboolka infakshanka. Daboolka ku xir cirbadda saliingaha dareeraha oo cirka u jeedi si aad ugu nadiifiso daboolka oo ka saar wixii xunbo ku dhex jira. Saliingaha u dhaaf daboolka ku xiran oo saliingaha/daboolka gasho santuuqa nadiifka ah.
  12. Gacanta aadan badanaa isicmaalin, ku soo qaado hal faashad oo aad ku soo qabsaneyso tuubbada si aadan wax kale u taaban.
  13. Gacantaada kale, CHG ku qabso oo ku nadiifi xididka (meesha uu daboolku ka galayo tuubbada xididka) qeyb yar ilaa 15 ilbiriqsi. Ha qallasho 15 ilbiriqsi ilaa ay gebi ahaan qalleyl noqoto.
  14. Gacanta aad badanaa isticmaasho ku soo qabso faashad cusub oo u isticmaal in aad ku furto daboolka tuubbada oo ka bixi. Ka bixi alaabada nadiifka ah oo iska tuur.
  15. Eeg tuubbada xididka afkeeda (duleelka).
    • Haddii AYSAN kuu muuqan wasakh ama dhiig muuqda, raac tallaabada 16 oo HA marin tuubbada xididka afkeeda (duleelka).
    • Haddii ay kuu muuqato wasakh ama dhiig, CHG cusub ku nadiifi tuubbada xididka afkeeda (duleelka) qeyb yar ilaa 15 ilbiriqsi. Ha qallasho 15 ilbiriqsi ilaa ay gebi ahaan qalleyl noqoto.
  16. Gacanta xoogga leh, ku soo qabso saliingaha nadiif ah oo daboolkiisu ku xiran yahay. Daboolka ku xir tuubbada. Saliinguhu ha isku xirnaado.
  17. Haddii ay jiraan qeybo kale, ku celi tallaabooyinka 3 ilaa 16 qeybaha kale.
  18. Maqaska caagga ah ka fur tuubbada.
  19. Gudaha xididka ku biya-raaci dareeraha habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  20. Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG ilaa 15 ilbiriqsi oo ka dibna gebi ahaan ha kuu qallasho ilaa 15 ilbiriqsi.
  21. Haddii loo qoray heparin, afka uga xir saliingaha cirbadda heparin oo ku nadiifi gudaha xididka adigoo raacaya habka riix-oo-jooji. Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
  22. Maqaska caagga ah ku qabo tuubbada.
  23. Haddii ay tuubbadu leedahay laba qeybood, waxa aad sameyneyso qeybta labaad si gaar ah ugu samee 18 ilaa 22 ilbiriqsi. U isticmaal CHG cusub, dareeraha loogu talagalay iyo saliingeyaasha heparin qeyb kasta.
  24. Saliingeyaasha la isticmaalo iyo alaabta ku tuur qashinka caadiga ah. Saliingeyaasha dhiigga leh ku tuur goobo gaar ah, sida caag adag oo leh dabool lagu xirayo. Ku dul qor, "Do Not Recycle - Household Sharps" (Inaan Dib Loo Warshadeyn - Waa Cirbado).
    • Aad ha u buuxin caagga cirbadaha qashinka. Qashinku waxa uu ku kala duwan yahay deegaanka lagu nool yahay. Deegaamada qaar ayaa leh goob lagu tuuro cirbadaha. Si aad isaga hubsato, weydii shirkadda qashinqubka, farmashiyaha, ama kilinig aad la xiriirto.

Beddelaadda faashadda

Meeqa jeer ayaan beddelayaa faashadda?

Faashadda afka nabarka beddel hal mar toddobaadkii (7-dii maalmoodba mar), ama markay furato, wasakhowdo, ama qoydo.

Sidee baan u beddelaa faashadda?

  1. Diyaarso oo nadiifi goobtaad alaabta dhiganeyso.
  2. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  3. Soo uruurso alaabata:
    • qalabka isticmaalka chlorhexidine (CHG)
    • chlorhexidine (CHG) wax lagu nadiifiyo (2)
    • gafuurxir badan (3)
    • gacmagelisyo caadi ah
    • dareeraha nadiifinta
    • diyaarsasho/diyaarsi la'aanta wax difaaca maqaarka
    • maro cusub
    • faashado cusub
    • gacmagelis cusub
    • Faashadda khafiifka ah ee Tegaderm® CHG
  4. Gasho gacmagelisyo caadi ah iyo gafuurxir. Gafuurxirka waa in aad gashataan adiga, ilmahaaga, iyo marka uu joogo qof ah shaqale.
  5. Furo maro cusub. Keliya taabo dhinacyada bannaanka ah ee gudaha ha ka taaban.
  6. Alaabo furo oo dhigo meel nadiif ah adigoon ka taaban hal shay oo ka mid ah alaabta ama baakadaha dahaarka dushooda.
  7. Ka bixi faashadda adigoo geesaha ka bilaabaya dhinacyada, oo si tartiib ah gudaha ugu jiid. Ka bixi faashadda adigoo soo jiideyn ama taabaneyn tuubbada xididka dhinaca nabarka.
    • Haddii CHG ay ku dheggeyso tuubbada, ka jilci dhinaca faashadda ee muuqda oo si tartiib ah ugu isticmaal dareeraha loogu talagalay si aad ugu jilciso isku wareegga CHG iyo si aad uga fujiso.
  8. Markaad faashadda hore ka bixiso, iska bixi gacmageliska.
  9. Gacmahaaga si fiican u dhaq.
  10. Gasho gacmagelisyo cusub Ka dib markaad xirato gacmageliska cusub, ku soo qabso marada. 
  11. Si fiican u eeg maqaarka ku wareegsan nabarka haddii uu guduudan yahay, bararsan yahay, ama dheecaan ku jiro.
  12. Ku nadiifi nabarka hal qalab oo ah CHG ilaa 15 ilbirisi, qeyb yar ku isticmaal horay iyo gadaal, kor iyo hoos, dhinacyada, iyo si babac ah. Jirku ha qallalo 30 ilbiriqsi ilaa u gebi ahaan qalleyl noqdo. Yaan la afuufin ama yaan marwaxad loo dhigin.
  13. Isticmaal buufiska diyaarinta maqaarka dhinacyada faashaddu gaareyso. Sidaas ayaad u ilaalineysaa maqaarka. Ha qallasho.
  14. Duub xargaha tuubbada haddii ay suuroobeyso. Tuubbooyinka qaar ayaan la isku duubi karin.
  15. U isticmaal Tegaderm CHG® (afarta dhinac ee CHG ilaa dhinaca ay tuubbada ka baxeyso).
  16. Si aad u ilaaliso tuubbada u isticmaal faashad dheeraad ah:
    • dhinaceeda hoose ee geesaha muuqda ee faashadda.
    • Inta soo horreysa ku duub tuubbada dusheeda meeshii hore ee ay saarneyd sharootadu.

Sidee baan u dalbanayaa alaabada?

Alaabada waxaad ka dalabaneysaa shirkadaha qalabka daawada ama farmashiyeyaasha guryaha u soo dira daawada. Dalabka ugu horreeya isbitaalka ama guriga ayaad ku heleysaa. Weydii kalkaalisada haddii aad haysato waxa aad u baahan tahay. Waxaa lagu siinayaa lambar taleefan aad garaacdo marka aad u baahato in aad dalbato alaabta.

Xallinta dhibaatooyinka

Dhibaato Sabab macquul ah Waxa aad sameyneyso
  • Qandho, qarqaryo
  • Jilicsanaan, guduudasho ama malax gasha afka tuubbada
  • Infakshan
  • Cabbir qandhada ilmaha. 
  • Taleefan kula xiriir dhakhtarka ilmaha isla markiiba.
  • Dhib la xiriira nadiifinta gudaha tuubbada
  • Marka aadan daawo ama dareere ku shubi karin tuubbada xididka
  • Tuubbada waa in lagu kala xiro maqaska caagga ah.
  • Tuubbada ama kateetarka ayaa isku uruuri karo. 
  • Tuubbada waxaa kala xiri kara dhiig.
  • Ka fur maqaska caagga ah. 
  • Toos-toosi duuduubka. 
  • Haddii tuubbadu isku duubanto ama isku dhagto, ha ku khasbin dareeraha tuubbada gudaheeda. Taleefan kula xiriir kalkaalisada guriga oo u sheeg dhibaatada. 
  • Biyo markay ka socdaan tuubbada
  • Daboolka cirbadda marka uusan si fiican u xirneyn.
  • Dhuuji daboolka. 
  • Haddii aad qoyaan ku aragto tuubbada, maqaska caagga ah ku qabo inta u dhaxeysa qeybta dhaawaca ah iyo qeybta maqaarka oo taleefan u dir kalkaalisada guriga, kilinigga ama gargaarka degdegga ah ee isbitaalka.
  • Marka uusan dabool saarneyn cirbadda
  • Marka uu daboolka cirbadda furan yahay ama dhaco
  • Isla markiiba maqaska caagga ah ku qabo tuubbada, haddii ay furan tahay.
  • Beddel daboolka cirbadda adigoo isticmaalaya hab aysan wasakh gaari karaan ama nadiifinta tuubbada oo mari CHG ilaa 30 daqiiqo oo ha kuu qallasho ka hor intaadan cirbadda gelin dabool cusub.
  • Maqaarka markuu ka guduuto meesha sharootada ama faashadda
  • Jirka inay dhibeyso sharootada ama faashadda
  • Taleefan u dir kalkaalisada.
  • Waxaad u baahan doontaa inaad beddesho faashaddu intay e'eg tahay, nooca sharootada ama nooca faashadda aad isticmaaleyso. 
  • Marka ay tuubbada iska soo dhacdo
 
  • Ku dul qabo faashad nadiif ah nabarka oo si adag ugu qabo ilaa uu dhiiggu ka istaago (2 ilaa 5 daqiiqo). 
  • Taleefan u dir dhakhtarka ama kalkaalisada. 

 

 

Santuuqa sahayda degdegga ah

Mar kasta sii qaado santuuqa sahayda degdegga ah meel kasta oo uu ilmahaagu aadayo. Iska eeg santuuqa ka hor intaadan guriga ka tegin oo si aad u diyaarsato ku darso wixii aad isticmaasho markaad soo noqoto. Sahayda waxaa ka mid ah:  

  • sharootooyinka caadiga ah (Band-Aids™)
  • chlorhexidine (CHG) wax lagu nadiifiyo
  • maqas caag ah
  • daboolka infakshanka
  • saliinge dareere ku jiro
  • faashad cusub
  • sharooto
  • faashadda Tegaderm® 

Su'aalo?

Haddii aad ka qabto wax su'aalo ah, fadlan soo garaac:

Taleefanka kalkaalisada guriga ______________________________

Shirkadda alaabta ______________________________

Taleefanka farmashiyaha daawada. ______________________________

Dhakhtarka ______________________________

Wakhtigii qoraalka 4/2023 Tuubbada Xididka iyo Daryeelka Guriga

Waraaqdan qoraalkeeda gaar kuma aha ilmahaaga, laakiin waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga. Macluumaad badan oo ku saabsan baaristan iyo mowduucyada kale ee caafimaadka, fadlan taleefan kala soo xiriir Children's Minnesota Xarunta Tasiilaadka Qoyska, ama booqo www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2023 Children's Minnesota

 

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota