Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

CIRBADAHA (MAQAARKA HOOSE)

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Marka ilmaha cirbad daawo ah looga durayo maqaarka hoostiisa (maqaarka hoose). Waxaa badanaa la yiraahdaa cirbadda "m-hoose".

Sidee baan ilmahayga u soo diyaarinayaa?

Marka hore wax kasta soo diyaarso. Si kooban u sheeg ilmaha waxaad u sameyneyso. Runta uga sheeg xanuunka cirbadda laakiin fahamsii inay daawad muhiim u tahay. Marka aad fahamsiiso, degdeg ugu dur daawada. Daahintu waxa ay ku keeneysaa cabsi.

Haddii aad ka baqeyso in ilmuhu is dhaqaajinayo, u yeero qof kale oo weyn oo kula qabta.

Mashquulin, sida tuujinta gacanta ilmaha, heesid, in wax loo tiriyo, ama xumbo in loo afuufo ayaa ilmaha lagu hilmaansiin karaa cirbadda. Ha u oggolaan in ilmuhu idinla hadlo ama idinla heeso. In jirka loo debciyo, waa wax ilmaha caawin kara. Waa in la sabaaliyo ilmaha cirbadda ka dib. U sheeg in aysan daawadu dhibaato ahayn. Waa in la ammaano in badan.

Marka ilmuhu weynaado, waxaa dhici doonta inuu ka qeyb qaato cirbadda lagu durayo. Waa inaad barto sida cirbadda la isugu duro balse ha ku khasbin.

Sidee baan ugu diyaariyaa daawada?

Ka hor intaadan daawada furin, iska akhri tilmaamaha daawada. Iska hubi in ay tahay daawada saxa ah. Dibu-buuxiska ka dib, haddii daawada la beddelay, weydii farmashiistaha intaadan ilmaha siin.

  1. Gacmahaaga ku dhaqo saabuun iyo biyo ugu yaraan 15 ilbiriqsi, oo si fiican isugu xoq dhinac kasta, ama isticmaal gacma-nadiifiyaha aalkolada ah.
  2. Soo uruurso alaabta:
  • saabuun iyo biyo aad ku qoyso suufka lagu nadiifiyo nabarka
  • aalkolo lagu nadiifinayo nabarka (haddii uu dhakhtarku sidaas amro)
  • suuf yar ku qabo ka dib markaad ku durto cirbadda (haddii aad u baahato)
  • dhalada daawadu kuugu jirto
  • ___ ml ah saliinge ay kujirto ___ inch cirbad gaareysa
  • Caagga lagu tuuro cirbadaha la isticmaalay, sida:
    • weel gaar ah oo aad markan isticmaasho
    • dhalada kafeega oo dabool leh
    • caagga oomada oo dabool leh
  1. Iska eeg taariikhda dhalada daawada oo hubso in aysan daawadu dhacsaneyn. Haddii daawadu midab ahaan isu beddeshay ama ay ku jiraan wax kuuskuusan, iska tuur oo la soo bax mid kale.
  2. Haddii ay qabowdahay dhalada dhuuban, gacantaada ku kululee, ama dhigo guriga meel aan qaboojiye ahayn 1 saac. Haddii aad daawada isku qaseyso, dhalada daawada ku rogrogo gacantaada. Marna ha ruxin daawada.

5. Marka ugu horreysa ee aad isticmaaleyso, ka bixi bacda ku dahaaran. Ha ka soo bixin caagga joojinta.
6. Caagga joojiyaha ah dushiisa ku nadiifi aalkolo maris ah oo ha kuu engago. Ha afuufin ama ha u isticmaalin marwaxad.
7. Caagga saliingaha tijaabi ama jiid adiga oo gadaal iyo horay ugu riixaya ilaa leynka daawada.
8. Si taxaddar leh cirbadda uga bixi furka. Ha taaban cirbadda. Cirbadda geli caagga joojiyaha ah oo tijaabi in ay shaqeyneyso.

9. Adigoo haya saliingaha iyo dhalada daawada, si taxaddar leh ugu rog dhinaca hoose. Gadaal hoose u jiid si ay afka cirbadda uga soo baxdo caagga joojinta. Sidaas ayey kuugu suuroobeysaa inaad hawada daawada ka bixiso.

10. Gadaal u jiid caagga oo daawada ha kuu soo gasho saliingaha ilaa ay ka soo jiiddo qiyaastii aad ka rabtay daawada.
11. Saliingaha ka dhex fiiri in ay xunbo ku dhex jirto. Hawadu wax dhib ah ma laha, laakiin xumbada hawada ah ee weyn waxay yarayneysaa qiyaasta. Si aad uga xumbada saarto:
____ Aayar gadaal ugu riix daawada dhalada oo cabbiro qiyaasta aad rabto.
____ Fartaada ku garaac saliingaha si ay hawadu afka ugu gudubto. Si aayar ah uga soo saar hawada dhalada daawada. Cabbiro qiyaasta daawada mar labaad.
12. Cirbadda ka soo saar dhalada daawada. Haddii aad saliingaha meel dhiganeyso, tartiib u dabool cirbadda afkeeda. Waa in aysan waxba kaa taaban cirbadda.

Markaad cirbadda ku dureyso

  1. Diyaarso meesha jirka ilmaha ah ee aad ka dureyso. (Akhriso "Meesha aad cirbadda uga mudeyso?")
  2. Dhabarka u seexi ilmaha ama fariisi oo dharka ka bixi meesha aad ka dureyso.
    Meesha aad ka dureyso ku nadiifi suuf leh saabuun iyo biyo adigoo ku gacanta kula wareejinaya. Isticmaal aalkolada mariska ah haddii uu dhakhtarku kuu sheegay.
  3. Ha kuu engagto.
  4. Daboolka ka bixii cirbadda oo u qabo saliingaha sidii qalin oo kale, inta u dhaxaysa suulka iyo dfarta hexe ama farta murgisada ah.
  5. Gacantaada kale, si tartiib ah ugu soo qabo maqaarka qeybta aad nadiifisay ee aad dureyso.
  6. Si degdeg ah u geli cirbadda maqaarka si ah cabbirka hoos kuugu qoran. Hoos ugu riix daawada si tartiib ah ilaa aad ku wada shubto.
  7. Dhowr ilbiriqsi sii daa maqaarka qeybta aad durtay, si aad uga hortagto inaysan daawadu ka soo bixin.
  8. Si degdeg ah cirbadda uga soo bixi maqaarka oo si aayar ah dhowr ilbiriqsi ugu hay suufka meeshii aad durtay. Ha ku wareejin oo ha ku riixin maqaarka.
  9. Ku rid saliingaha iyo cirbadda caagga loogu tala galay.
  10. Calaamadso meesha cirbadda adigoo adeegsanaya caagga la eegto haddaad haysato.

Halkee baan cirbadda uga durayaa?

Marka cirbadaha marar badan lagu durayo, waxaa muhiim in looga mudo meel kale duwan. Sidaas waxaa ugu bogsanaaya meelaha laga muday, wax nabar ah jirkiisu ma yeelanayo, oo daawada sidaas ayaa u fiican. Ka dooro meelaha lagu tusay.

       Soo-jeed                          Sii-jeed       

Khasab ma aha in aad isticmaasho meelahaas oo dhan. Hubso in ay meelaha la mudayo ugu yaraan ballaca hal gacan ka fog yihiin laabato kasta.

Maxaan ku sameeyaa caagga cirbadaha lagu rido?

Marka uu caaggu buuxsamo, xir oo ku calaamadi "Household sharps (Caagga tuurista cirbadaha)." Qashinku waxa uu ku kala duwan yahay deegaanka lagu nool yahay. Deegaamada qaar ayaa leh goob lagu tuuro cirbadaha. Si aad isaga hubsato, weydii shirkadda qashinqubka, farmashiyaha, ama kilinig aad la xiriirto.

Maxaa kale oo aan u baahnahay?

Intuu ilmahaagu korayo, meelaha laga mudayo waa in loo kala beddelo. Arrintaas kala hadal dhakhtarka ama kalkaalisada.

Daawooyinka intooda badani waxay leeyihiin waxyeello. Iska ogow waxyeellada dawada ilmahaaga iyo waxa lagu sameynayo haddii ay wax ku dhacaan.

Adiga iyo ilmahaagu waa in aad barataan magacyada iyo qiyaasta daawo kasta oo ilmuhu qaato. Macluumaadkan u sii sheeg goobaha caafimaadka ee aad geyso ilmahaaga.

Mar kasta iska hubso in aad haysato daawo kugu filan. Markaad mar kale u soo qaadeyso dawooyinka, marka kasta eeg inta jeer ee idiin hartay. Haddii uu dhaco dibu-buuxis, farmashiiyuhu waa in uu haysto 2 ama 3 maalmood si uu ula xiriiro dhakhtarka oo mar kale daawada soo diraya.

Dawooyinka dhigo meelo aysan carruurtu gaari karin, meel quful leh haddii ay suurtoobeyso. Haddii daawadu dhacdo, iska tuur.

Haddii aad daawo ka badan ama mid khaldan ilmaha siiso, taleefan u dir Poison Control (Xakameynta Sumowga) (talaafankooda lacag la'aan ah 1-800-222-1222). Haddii ilmuhu suuxo ama uu qabo suuxdimo, meel aan nasasho lahayn, garaac 911.

Goormaan la xiriirayaa dhakhtarka?

  • qandho ama qarqaryo
  • wax kuusan, barar, guduudasho, ama nabar ka muuqda meel la duray oo aan ka ba'ayn
  • waxyeellada daawada ee wax dhibaato ah ku keenta ilmaha

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga, laakiin waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, taleefan kula xiriir kilinigga ama farmashiyaha.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota