Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

TALLAALLADA: DARYEELKA GURIGA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay tallaallada ay ilmuhu u baahan yihiin?

Booqo barta intarnetka ee Daaweynta Carruurta ee Children's oo ah Childrensmn.org oo ka akhriso tallaallada (cirbadaha) ay ilmuhu u baahan yihiin iyo wakhtiga la siinayo. Inta badan tallaallada waxaa ilmaha lagu mudaa marka loo keeno wiisiteyn guud. Carruurta qaarkood ayaa hal mar la siiyaa tallaallo badan oo wada shaqeyn kara. Haddii waalidku ka daahaan tallaalka, waa in ay weydiiyaan dhakhtarka ama dhakhtar-xigeenka.

Feylka caafimaadka ka dhex baaro tallaallada ay ilmuhu qaateen adigoo soo galaya Kadinka My Children’s ama la soo deg abka Docket oo kugu sii xiraya diiwaanka tallaalka ee Minnesota Department of Health (Waaxda Caafimaadka ee Minnesota).

Haddii aadan geli karin kadinka ama aadan isticmaali karin abka taleefanka la gashto, mar kasta meel ku xafido caddeynta tallaalka ilmaha oo u keen dhakhtarka:

  • Mar kasta oo aad tagto kilinig, isbitaal, ama qeybta imarjansada
  • Marka aad ilmaha ku soo qoraneyso iskuul ama xannaano

Waa maxay waxyeellada ka imaan karta?

Waxaa ilmaha lagu arki karaa in ay meeshii laga duray guduudato, bararto, oo ay xanuunto. Tallaallada qaarkood ayaa keeni kara qandho yar iyo juucjuuc.

Tallaalka roodha faayrus waa goojo afka ah oo sababi kara saxaro badan ilaa dhowr maalmood.

Tallaalka jadeecada, qaamowqashiirka iyo jadeeco-beenaadka (MMR) wuxuu keeni karaa finan yaryar qiyaastii 7 ilaa 12 maalmood tallaalka ka dib oo wuxuu socon karaa 1 ama 2 maalmood. Calaamadahaas ma aha jadeeco oo ma aha wax la kala qaadi karo.

Tallaalka busbuska (hablabaaska) wuxuu sababi karaa dhowr finan oo ah busbus lagu arko meeshii tallaalka looga muday, ama meelo kale oo jirka ka mid ah ilaa dhowr maalmood. Haddii ay finankaasi ka soo baxaan ilmaha, badanaa waa wax fudud oo kuma sii raagayaan.

Sidee baa loo daaweyn karaa wixii waxyeello ah?

Haddii ilmaha lagu arko caro ama ay qandho, daawada xanuunka ee acetaminophen (Tylenol® ama nooc kale) ayaa ka caawin kara qandhada iyo juucjuuca. Waa in la siiyo acetaminophen 4tii saacba hal mar ilaa iyo inta uu jiro xanuunka tallaalka.

Haddii ilmuhu ka weyn yahay 6 bilood, waxaad la siin kartaa Ibuprofen (Advil®, Motrin® ama dawo la mid ah). Ibuprofen waxaa ilmaha la siin karaa 6dii saac hal mar. Ha wada isticmaalin Acetaminophen iyo Ibuprofen labadaba. Haddii ilmuhu u baahan yahay wax ka badan hal dawo, taleefan u dir kilinigga. Ha Siin aspirin! Eeg waraaqaha "Acetaminophen Ibuprofen Dosage Chart".

Daawada waxaa sii dheer, halkan ka akhriso waxyaabo kale oo aad xanuunka ku sameyn karto:

  • Waa in ilmaha la siiyo cabitaan badan.
  • Waa in aan buste la dul saarin ama lagu duubin.
  • Mar kale cabbir qandhada ilmaha 1 saac ka dib.
  • Maro qoyan oo yara diirran oo ah 1 ilaa 2 inji waa in ilmaha madaxa loo dul saaro.
  • Haddii ay meeshii ilmaha laga duray guduudato, bararto, oo ay xanuunto, u dul saar maro nadiif ah, oo qabow, oo ah mid qoyan oo diirran si ay xanuunka uga caawiso.

Goorma ayaan la soo xiriirayaa kilinigga?

Waxyeello daran in uu tallaalku keeno waa dhif iyo naadir balse waa in la soo sheego. Waa in taleefan loo diro kilinigga haddii ilmaha lagu arko mid ka mid ah waxyaabaha hoose:

  • in aysan caadi ahayn; dabeecaddu ka xumaato ama uusan ciyaari karin ama uusan feejigneyn
  • Dhutin, ama midab aan caadi ahayn ama midab maqaar oo cusub marka loo eego sidii hore
  • oohin dheer oo aan caadi ahayn
  • oohin ka badan 3 saac; oo aan la aamusiin karin
  • qandho ka sarreysa 103°F (39.5°C) marka la adeegsado cabbirka futada (ilmaha ka yar 6 bilood)
  • qandhadu in ay daawada ka jebin weydo ama ay socoto in ka badan 2 maalmood
  • guduudasho ama danqasho ku soo badaneysa meeshii laga duray 24 saac ka dib
  • suuxid (gariirid, tigtignaan, jareyn, ama jagjagleyn) - Garaac 911 markay waxaas dhacaan!

Haddii aad ka welwelsho gabi ahaan sida ilmuhu u eg yahay ama dareemayo, la xiriir kilinigga!

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan u soo dir kilinigga.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota