Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

BUUFIN LAGU FURAYO HAWAMAREENKA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Muxuu ilmahaygu ugu baahan yahay buufinka lagu furayo hawamareenka?

Buufinta lagu furayo hawada waxaa lagula taliyaa carruurta uu hawamareenku ciriirka ka noqdo ee ay ku adkaato jiidista naqaska. Waa wax badanaa ku dhaca carruurta ku dhalata dhicisnimada laakiin waxa ay ku dhici kartaa carruurta kale. 

Sidee loo sameeyaa buufinka hawada lagu furo?

Buufinka hawada lagu furo waxaa sameeya dhakhtarka qalliinka ee dhegaha, sanka, iyo cunaha. Iyadoo la isticmaalayo kaamarad gudaha ah (tuubo aad u yar, oo dhuuban) oo afka la gelinayo, dhakhtarka qalliinka ayaa eegaya oo soo qaadaya sawirro ah hawamareedka ilmaha. Haddii uu hawamareenku isku dhow yahay buufin ayaa qeybta ciriirka ah lagu kala furayaa. Buufinka ayaa markaas lagu ballaarinayaa si loo weyneeyo hawamareenka ciriiriga noqday. Muddo yar ka dib, buufinka oo hawadii laga bixiyey ayaa la soo saarayaa. Mararka qaarkood waxyaabo kale ayaa la sameeyaa isla markaas si ilmaha looga caawiyo in laga hortago ama dibu-dhac lagu sameeyo in uu ciriirku soo noqdo. 

Hawshan waa mid lagu qaban karo qolka qalliinka ee isbitaalka oo waa in ilmaha la suuxiyo. Taas macnaheedu waa in uu ilmuhu hurdeysnaan doono oo si taxaddar leh loola socon doono. Waxaad fursad u heli doontaa in aad la hadasho dhakhtarka suuxinta maalinta qalliinka si aad u weydiiso su'aal kasta oo aad ka qabto badqabka iyo khataraha suuxinta.

Miyey jiraan wax talo ah oo aan u baahanahay in aan raaco qalliinka ka hor?

Waa in aad ilmaha soo marsiiso wiisiteyn guud oo ah dhakhtarkiisa 30 maalmood ka hor maalinta qalliinka. Dhakhtarku waa inuu soo buuxiyo Foomka Caafimaadka oo laga helayo xafiiska. Waa in aad foomka oo buuxa keento maalinta qalliinka. Badqabidda ilmaha awgeed, waxaa muhiim ah in la keeno ilmaha oo aan waxba soo cunin si loo suuxiyo. Fadlan raac talooyinka Cuntada iyo Cabbitaanka ee Children’s Minnesota. Haddii aadan raaci weydo talooyinka, waxa dhacaya waa in la joojiyo qalliinka ilmaha.

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

Qalliinkan wuxuu caadi ahaan qaata 30 ilaa 45 daqiiqo. Qalliinka ka dib waxa uu ilmuhu ku soo naaxi doonaa qolka nasashada. Inta ilmuhu soo naaxayo caadi ahaan waa 20 ilaa 30 daqiiqo. Marka ilmuhu soo naaxo, waxaa la geynayaa goobta la joogo marka la baxayo si loo diyaariyo. Waxaa waalidku ilmaha la joogi karaa ilmaha marka loo soo wareejiyo geyta bixidda.

  • Waxa laga yaabaa in ilmaha lagu arko qandho yar (99° ilaa 100°F) maalin ama laba maalmood qalliinka ka dib.
  • Qandhada heer kulkeelkeedu uu yahay 102.0 F waa caadi. Dhakhtarka guud ee ilmaha la xiriir haddii qandhada ilmuhu dhaafto 102.0 F ka dib marka la siiyo acetaminophen (Tylenol®) iyo/ama Ibuprofen (Children's Motrin®).
  • Waxaa ilmuhu dareemi karaa xanuun yar oo ah dhagaha maalinta qalliinka. Waxaa xanuunkaas ku keenaya waa hawshii buufinka. Waxaa xanuunka yar ilmaha loo siin karaa acetaminophen ama ibuprofen.
  • Waxaa la idin siin doonaa waraaqda Ka-bixidda Isbitaalka ka hor inteydnaan guriga aadin oo waxaa idiinku qoran talooyinka iyo daawada inta jeer ee la qaadanayo.
  • Waxaad filan kartaa in ilmuhu ku soo noqdo cuntadiisii caadiga ahayd iyo hawlihiisii caadiga ahaa 24 saacadood ka dib qalliinka.

Su'aalo?

Macluumaadka ku qoran waraaqahan gaar kuma aha ilmahaaga. Macluumaadkan waa mid guud oo la siiyo ilmaha la qalo oo dhan. Macluumaadka waxaa loogu talagalay warbixin iyo macluumaad ahaan oo keliya balse waa IN AAN loo isticmaalin wax baddiil u noqon kara talada dhakhtarka carruurta.

Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan taleefan u soo dir Kilinigga Children's ENT and Facial Plastic Surgery (ENT iyo Qeybta Qalliinka Wejiga).

Dibu-eegistii 10/2022

 

 

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota