Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

QALABGELINTA DURBAANKA DHEGTA EE MAQALKA HAGAAJINAYA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Muxuu ilmuhu ugu baahan yihiin qalabgelinta maqalka 
caawinaya?

Waxaa jira 3 nooc oo ah maqal la'aan. Maqalka Xanniban maqal la'aan ay badanaa sababto cillado ah qaabsameyska, xanuun, ama dhaawac gaaray godka dhegta, durbaanka dhegta, ama dhegta qeybta dhexe. Neerfaha-maqalka maqal la'aan ay badanaa sababto cillado ah qaabsameyska, xanuun, ama dhaawac gaaray gudaha dhegta, (dhuunta codqaadista) ama neerfaha maqalka. Isku-dhafnaan maqal la'aan isku-dhafan oo ka timaadda maqalka xanniban iyo neerfaha maqalka. Noocyada maqal la'aanta ah oo dhan waxaa sababa waxyaabo kala duwan oo lagu ogaan karo da' kasta, xataa marka ay ilmuhu dhashaan.

Hagaajinta maqalka waxay ilmaha ku caawineysaa barashada hadalka iyo luuqadda, waxbarashada iskuulka, iyo hab dadka loola xiriiro. Qalabgelinta maqalka caawinaya waa qalab gaar ah oo maqalka fududeeya oo qalliin ahaan dhegta lagu geliyo. Waxa ay ku xiran tahay da'da ilmaha iyo nooca maqal la'aanta, oo dhakhtarka ayaa kugula talin doona nooca qalabka caawinaya maqalka. Qalabkaas ayaa caawin kara ilmaha ay ku dhacdo maqal la'aanta ah hal ama labada dhegoodba, maqal la'aanta isku dhafan oo ah hal ama labada dhegoodba, ama dhagoolenimo ah hal dhinac (maqal la'aan ah neerfaha maqalka ee hal dheg iyada oo uu caadi yahay maqalka dhinaca kale). Qalabgelinta maqalka caawinaya waxa uu ilmaha ku caawinaya in ay si fiican wax u maqlaan marka aan loo baahneyn qalabka maqalka caawiya ee dhegta lagu dul xiro. 

Sidee buu u shaqeeyaa qalabgelinta dhegta ee maqalka 
caawinaya?

Qalabgelinta maqalka caawinaya wuxuu guddbiyaa dhawaaqa isagoo gariirinaya lafta madaxa. Markay ilmaha ku dhacdo hal nooc oo ah maqal la'aan ama nooca isku dhafan, qalliin qalabgelin ah ayaa ku caawinaya inuu dhawaaqu si toos ugu sii gudbo qeybaha dhegta ee aan shaqeyneyn. Dhagoolanimada halka dhinac ah, qalabka ayaa dhawaaqa ka gudbinaya dhegta fiican oo wuxuu u gudbinaya dhegta aan waxba maqleyn. 

Sidee baa loo sameeyaa qalliinka qalabgelinta dhegta ee maqalka caawinaya?

Qalabgelintaas dhegta waxaa sameyn kara dhakhtarka qalliinka ee dhegaha, sanka iyo cunaha. Dhakhtarka qalliinka ee ENT (ama dhegaha, sanka iyo cunaha) wuxuu jeexid ku sameynayaa lafta madaxa ee dhegta gadaasheeda oo waxa uu gelinayaa qalab uu u adeegsanayo hawsha. Qalabka caawinaya maqalka ayaa markaas gudaha lagu xirayaa oo waxa ay ku xiran tahay nooca ciladda maqal la'aanta jirta ee uu dhakhtarku ogaaday. Qalabgelinta lagu caawinayo maqalka dhegta ee codka bannaanka gudbinaya waxaa lagu xirayaa duleel yar oo ah maqaarka ama, inta badan, birqabato ayaa lagulka dhejinayaa. Xirfadlaha maqalka dhegaha ayaa ilmaha siin doona qalab maqalka ku caawinaya booqashada qalliinka ka dambeysa.

Si guud ayaa ilmaha loo seexinayaa (hurdo buuxda) inta ay socoto u hawsha qalliinka. Casriga hadda lagu jiro, suuxinta guud aad baa loogu helaa badqabid oo kooxda suuxinta ayaa ilmaha si taxadar badan ula soconeysa inta uu qalliinku socdo. Qalliinku wuxuu caadi ahaan qaataa qiyaastii 1 ilaa 2 saacadood oo ilmuhuna guriga ayaa loo kaxeyn karaa isla maalinta qalliinka la sameeyo.

Miyey jiraan wax talo ah oo aan u baahanahay in aan raaco qalliinka ka hor?

Waa in aad ilmaha soo marsiiso wiisiteyn guud oo ah dhakhtarkiisa 30 maalmood ka hor qaliinka si loo hubiyo in uu caafimaadkiisu caadi ah yahay. Dhakhtarka ilmaha waa inuu soo buuxiyo Foomka Caafimaadka oo laga helayo xafiiska. Waa in aad foomka oo buuxsan keento maalinta qalliinka. Haddii aan qalliin ka hor dhakhtar ilmaha soo wiisiteyn, ballanta waa la tirtirayaa oo lama qalayo.

Badqabidda awgeed, waxaa muhiim ah in la keeno ilmaha oo aan waxba soo cunin si loo suuxiyo. Fadlan raac talooyinka laguu sheego qalliinka ka hor Cuntada iyo Cabbitaanka. Haddii aadan raaci weydo talooyinka, waxa dhacaya waa in la joojiyo qalliinka ilmaha.

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

Qalliinka ka dib waxa uu ilmuhu ku soo naaxi doonaa qolka nasashada. Marka ilmuhu soo naaxo, waxaa la geynayaa goob la joogo marka la baxayo si loo diyaariyo. Waalidka ayaa ilmahooda la joogi kara marka loo soo wareejiyo geybta lagu soo naaxo.

Waxaa meeshii la qalay ee ilmaha lagu dhejinayaa faashad iyo sharooto. Faashaddu waa mid kuusan oo ah nooca wax lagu dhayo oo leh ama aan lahayn meel la qabto. Dhakhtarka qalliinka ayaa waalidka u sheegi doona wakhtiga faashadda lagu sii hayn doono. Waxaa laga yaabaa in ilmuhu barar ku yeesho agagaarka meeshii laga qalay. Waxa laga yaabaa in dhakhtarku ku taliyo boomaato (badanaa Bacitracin, Vaseline®, Aquaphor®, ama Bactroban) in ilaa dhowr maalmood la mariyo meeshii la qalay. Meesha la qalay waa in ay engegan tahay 2 ilaa 3 maalmood. Dunta qodobbada lagu tolo nabarka jirka ayey ku milmeysaa oo looma baahna in la soo saaro.

Waxa uu ilmuhu dareemi karaa xanuun yar qalliinka ka dib ilaa iyo hal toddobaad. Haddii uu ilmaha qabto xanuun, waxaa la siin karaa acetaminophen (Tylenol®) ama ibuprofen (Children’s Motrin®), ama daawo xanuun oo kale wixii uu dhakhtarku u soo qoray. Haddii aadan hubin daawooyinka u fiican, fadlan taleefan kula xiriir dhakhtarka ilmaha.

Qandhada heer kulkeelkeedu uu yahay 102.0 F waa caadi. Dhakhtarka ilmaha la xiriir haddii ay qabato qandha ka sarreysa 102.0 F ka dib markaad siiso acetaminophen ama ibuprofen).

Waa in ilmuhu ku ciyaaro gudaha maalmaha ugu horreeya ee qaliinka balse markaas ka dib waa inla raaco talooyinka dhakhtarka marka ilmuhu ku noqonayo iskuulka iyo waxyaabo la mid ah. Waxaa ilmaha loo qabanayaa ballan ah dhakhtarkii qalliinka 3 ilaa 4 toddobaad gudahood. Waxa kale oo loo sameyn doonaa ballan ah xirfadlaha maqalka dhegaha 3 ilaa 12 toddobaad si ilmaha loo siiyo oo loogu diyaariyo qalabka maqalka ee dhegta lagu dhejinayo. Waxa kale oo ilmaha loo sameynayaa ballamo ah xirfadlaha maqalka dhegaha si loo hubasado sida ay ugu shaqeynayaan qalabka cusub.

Su'aalo?

Haddii aad su'aalo qabto ama aad rabto macluumaad dheeraad ah oo gaar ku ah ilmahaaga, fadlan nagala xiriir taleefanka 612 874-1292.

Macluumaadka ku qoran waraaqahan gaar kuma aha ilmahaaga. Macluumaadkan waa mid guud oo la siiyo ilma kasta oo la qalo. Macluumaadka waxaa loogu talagalay warbixin iyo macluumaad ahaan oo keliya balse waa IN AAN loo isticmaalin wax baddiil u noqonaya talada dhakhtarka carruurta.

Dibu-eegistii 11/2022

 

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota