Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

QALABKAGELINTA CODQAADAHA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay qalabgelinta codqaadaha?

Qalabgelinta codqaadaha waa qalab koronto ku shaqeeya oo soo celiya maqalka. Waxa uu fursad u yahay ilmaha ay ku dhacdo maqal la'aan daran ama maqalka liita marka aysan aaladaha maqalka waxba ku caawin karin. Dhakhtarka qalliinka iyo xirfadlaha maqalka ayaa go'aamin doona ilmaha qalabkan u baahan.

Waa qalab ka duwan kan maqalka, oo sameeya dhawaaq dheer, oo wuxuu ka gudbayaa qeybta dhegta ka dhaawacan isagoo si toos ah codka u gaarsiinaya neerfaha ah (codqaadaha). Qalabkan codka ee la geliyo dhegaha wuxuu isticmaalaa codgudbiye gudaha ugu dhex jira. Codgudbiyuhu wuxuu dhawaaqa u sii gudbiyaa codqabte ku dhex jira maqaarka ka hooseeya dhegta gadaasheeda. Codqabtuhu wuxuu cod kasta u sii gudbiyaa dhegta gudaheeda isagoo u sii marsiinaya qalabka. Qalabka cusub wuxuu kicinayaa neerfaha codka, oo cod kasta ayaa toos u galaya maskaxda oo ah meesha kala fahmeysa dhawaaqyada kala duwan.

Muxuu ilmahaygu ugu baahan yahay qalabgelinta codqaadaha?

Qalabgelinta codqaadaha waxay maqalka u soo celin kartaa ilmaha ay ku dhacdo maqal la'aanta marka aysan caawimaad ka heli karin qalabka maqalka dhegaha. Qalabgelinta codqaadaha waxay hagaajineysaa fahamka dhawaaqa, hadalka iyo luuqadda, in si fiican looga qeybqaato iskuulka, iyo tayada nolosha.

Waxaa jira shuruudo gaar ah oo loo raacayo qalabgelinta codqaadaha. Siyaabahaasi waa:

  • maqal la'aan daran ama aad u xun in lagu soo ogaado baaris gaarka ah
  • qalabka caawiya maqalka oo aan dheef fiican lahayn
  • qoysaska iyo ilmaha oo diyaar u ah inay ka qaybqaataan baxnaaninta maqalka ee qalliinka ka dib iyaga oo rajo fiican ka qaba
  • waa inaysan jirin xaalado caafimaad oo caqabad ku ah qalliinka dhegaha.

Dhakhtarka qalliinka iyo xirfadlaha maqalka ayaa qiimeynaya oo go'aaminaya ilmaha u baahan qalabgelinta codqaadaha. Waxaa ilmaha qalliinkan lagu sameyn karaa markay jiraan 9 bilood.

Sidee baa loo sameeyaa qalabgelinta codqaadaha?

Hawsha waxaa sameeya dhakhtarka qalliinka ee dhegaha, sanka, iyo cunaha.

Dhakhtarka qalliinka ayaa sameynaya qalliin (jeexitaan) ah dhegta gadaasheeda si uu u diyaarsado duleel yar oo ah lafta meesha laga gelinayo qalabka. Dhakhtarka qalliinka ayaa markaas duleel yar ku sameynaya codqaadaha si uu toos ugu xirmo dhegta gudaheeda. Jeexitaanka maqaarka waa la tolayaa si uu qalabku ugu qarsoomo gudaha maqaarka hoose. Raajo ayaa la saarayaa si loo hubiyo in uu qalabku ku jiro meel sax ah.

Hawshan waa mid lagu qaban doono qolka qalliinka ee isbitaalka oo waa in ilmaha la suuxiyo. Taas macnaheedu waa in uu ilmuhu hurdeysnaan doono oo si taxaddar leh loola socon doono. Waxaad fursad u heli doontaa in aad la hadasho dhakhtarka suuxinta maalinta qalliinka si aad u weydiiso su'aal kasta oo aad ka qabto badqabka iyo khataraha suuxinta.

Miyey jiraan wax talo ah oo aan u baahanahay in aan raaco qalliinka ka hor?

Waa in aad ilmaha soo marsiiso wiisiteyn guud oo ah dhakhtarkiisa 30 maalmood ka hor qaliinka si loo hubiyo in uu caafimaadkiisu caadi ah yahay. Dhakhtarku waa inuu soo buuxiyo Foomka Caafimaadka oo laga helayo xafiiska. Waa in aad foomka oo buuxa keento maalinta qalliinka. Badqabidda ilmaha awgeed, waxaa muhiim ah in la keeno ilmaha oo aan waxba soo cunin si loo suuxiyo. Fadlan raac talooyinka Cuntada iyo Cabbitaanka ee Children's Hospitals. Haddii aad raaci weydo talooyinka, waxa dhacaya waa in la joojiyo qalliinka ilmaha.

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

Qalliinku waxa uu qaadanayaa ilaa 2 saac marka qalabka la gelinayo hal dheg oo keliya. Haddii qalabka la gelinayo labada dhegood waxa uu qalliinku qaadanayaa 3 ilaa 4 saac. Qalliinka ka dib waxa uu ilmuhu ku soo naaxi doonaa qolka nasashada. Marka ilmahaagu soo naaxo, waxaa la geynayaa goobta la joogo marka la baxayo si loo diyaariyo. Waxa ay waalidku ilmaha la joogi karaan marka loo soo wareejiyo geybta bixidda.

Waxa uu ilmuhu dareemi karaa cadaadis ama xanuun yar oo ah dhinaca(yada) laga qalay. Dawakhaad ama lalabbo ayaa dhici karta qalliinka ka dib balse ilmaha badankoodu waa ka fiicnaadaan oo gurigooda ayaa loo kaxeeyaa isla maalinta qalliinka ama maalinta ku xigta. Dhakhtarka qalliinka ayaa waalidka kala hadli doona qalliinka ka dib marka faashadda laga bixin karo laakiin caadi ahaan waxay noqotaa 24 ilaa 48 saac qalliinka ka dib. Xanuunka waa in ilmaha loo siiyo Tylenol® (acetaminophen) ama Children's Motrin® (ibuprofen). Fadlan noo soo sheeg haddii aad ilmaha qandho ku aragto qaliinka ka dib ama haddii aad aragto guduudasho ama dheecaan ka imaanaya meeshii la jeexay. Qandhada heer kulkeelkeedu yahay 102.0 F (38.8°C)  waa caadi. Dhakhtarka ilmaha la xiriir haddii ay ilmaha qabato qandha ka sarreysa 102.0 F (38.8°C)  ka dib markaad siiso Tylenol® (acetaminophen) ama Children's Motrin® (ibuprofen). Waa in kilinigga la keeno 4 toddobaad qalliinka ka dib si qalabka looga shaqeysiiyo.

Goorma ayey ilmaha u bilaabaneysaa in uu wax maqlo?

Xirfadlaha maqalka ayaa ka (shaqeysiinaya) qalabka ilaa 4 toddobaad qalliinka ka dib. Sidaas ayuu ilmuhu ku helayaa wakhti uu ku bogsado. Ballanta qalabka laga shaqeysiinayo, dhakhtarka qalliinka ayaa wiisiteyn doona haddii uu xaalka ilmaha ka soo reynayo oo markaas ayuu xirfadlaha maqalka ka shaqeysiinayaa qalabka. Si looga shaqeysiiyo qalabka, xirfadlaha maqalka ayaa ilmaha u hagaajin doona codqaadista qalabka, oo hubsanaya inay qeybaha qalabka shaqeynayaan, oo ogaanaya dhawaaqyada ilmuhu maqli karo, markaas ayaa qalabka looga dhigayaa heerka ugu fiican si ilmuhu wax ugu maqlo. Xirfadlaha maqalka ayaa waalidka siinaya macluumaad ah daryeelka iyo isticmaalidda qalabka.

Waa sidee habraaca baxnaaninta ee qalliinka ka dib?

Si kor loogu qaado sida imluhu wax u maqlayo, waa in la sameeyo baxnaanin ah nooca maqalka. Baxnaaninta waxaa ku jirta tababarid ah maskaxda ilmaha si loo fahamsiiyo dhawaaqyada cusub ee codqaadaha. Dhawaaqyadu waxay noqon doonaan kuwa kala duwan oo cusub. Waa in ilmaha loo sii wado in uu qalliinka ka dib ballamo badan kula kulmo xirfadlaha maqalka si loogu hubiyo in ay ku fiican yihiin heerarka maqalka oo waa in aysan codadku aad ugu dheereyn. Waa in aad loola socdo hagaajinta qalabka sidaas awgeed waxaa muhiim ah baxnaaninta dhowrka bilood ee ugu horreeya.

Su'aalo?

Macluumaadka ku qoran waraaqahan gaar kuma aha ilmahaaga. Macluumaadkan waa mid guud oo la siiyo ilmaha la qalo oo dhan. Macluumaadka waxaa loogu talagalay warbixin iyo macluumaad ahaan oo keliya balse waa IN AAN loo isticmaalin wax baddiil u noqon kara talada dhakhtarka carruurta. Haddii aad su'aalo qabto, fadlan taleefan kula soo xiriir kilinigga Dhegaha, Sanka iyo Cunaha.

 

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota