Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

NADIIFINTA AMA IN DHEGAHA WAX LAGA SOO SAARO

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Maxay ilmuhu ugu baahan yihiin nadiifinta ama in dhegaha wax laga soo saaro?

Dhukayga ku bata dheg(aha) ayaa caqabad ku noqon kara maqalka ama imtixaamista maqalka. Mararka qaarkood dhukay badan oo waaweyn ayaa dhakhtarka ENT ku adkeynaya wiisitieynta lagu sameynayo dhegaha.

Haddii kale, ilmaha ayaa laga yaabaa in uu iska geliyo dhegta wax ka soo bixi waaya oo aysan ka soo saari karin qeybta imarjansada, daryeelka degdegga ah, ama kilinigga.

Labadaas xaaladoodba, waxaa qiimeynaya qeybta ear, nose, and throat (dhegaha, sanka iyo cunaha ama ENT) si loo go'aamiyo haddii la sameyn karo in waxa dhegta ku jira looga saaro qeybta ENT ama haddii ay tahay in ilmaha la hurdeysiiyo (si guud loo suuxiyo). Badanaa ma dhacdo sabab degdeg ah oo dhegta loo nadiifiyo; hase yeeshee, walxaha qaarkood waa in si degdeg ah loo soo saaro si aysan dhegtu ugu dhaawacmin (tusaale, batariga liitiyum).

Sidaa baa dhegaha loogu nadiifiyaa qeybta ENT?

Dhakhtarka ENT ayaa waalidka iyo ilmaha loogu geyn doonaa qol gaar ah oo uu yaallo miis si fiican loogu wiisiteyn karo dhegaha. Waxaa la isticmaalayaa weyneyso iyo qalab gaar ah, oo dhakhtarka ayaa si fudud uga soo saari doona wixii ah dhukay ama waxa kale ee dhegta uga jira ee laga soo bixin waayey. Haddii uu ilmuhu is dhaqaajinayo, oo uu hayo xanuun daran, ama ay waxa dhegta ugu jira ku dhow yihiin durbaanka dhegta, markaas waxay noqoneysaa in si guud loo suuxiyo si loo caawiyo.

Sidee baa dhegta loogu nadiifinayaa Saalada Qalliinka?

Suuxinta guud waa mid aan wax dhib ah lahayn oo muhiim u ah hawshan oo kale. Ka hor inta aan hawshan la bilaabin, waalidku waxa ay la kulmi doonaan dhakhtarka suuxinta oo ay su'aalo weydiin karaan. Si fiican ayaa loola socon doonaa ilmaha marka hawshan loo qabanayo.

Marka ilmaha lagu dhex suuxiyo qolka qalliinka, dhakhtarka dhegaha, sanka, iyo cunaha ayaa isticmaali doona weyneyso iyo qalab kale oo gaar ah si dhegta looga soo saaro wax kasta oo ku dhex jira oo laga galay duleelka dhegta.

Miyey jiraan wax talo ah oo aan u baahanahay in aan raaco qalliinka ka hor?

Waa in ilmaha la soo marsiiyo wiisiteyn dhakhtar oo guud oo ah 30 maalmood ka hor hawsha ah ama la midka ah qalliinka si loo hubiyo in uu caafimaadkiisu caadi yahay. Dhakhtarku waa inuu soo buuxiyo foomka Caafimaadka oo laga helayo xafiiska. Waa in aad foomka oo buuxa keento maalinta qalliinka. Badqabidda ilmaha awgeed, waxaa muhiim ah in la keeno ilmaha oo aan waxba soo cunin si loo suuxiyo. Fadlan raac talooyinka Cuntada iyo Cabbitaanka ee Children’s Hospitals. Haddii aad raaci weydo talooyinka, waxa dhacaya waa in la joojiyo qalliinka ilmaha. Haddii dhakhtarka ENT codsado in la qaato ama la joojiyo wax daawooyin ah qalliinka ka hor, waa in la raaco talooyinka dhakhtarku sheegay.

Maxaan filan karnaa qalliinka ka dib?

Qalliinkan caadi ahaan ma qaato wax ka badan 15 daqiiqo. Qalliinka ka dib waxa uu ilmuhu ku soo naaxi doonaa qolka nasashada 15 ilaa 20 daqiiqo ka dib. Marka ilmahaagu soo naaxo, waxaa la geynayaa goobta la joogo marka la baxayo si loo diyaariyo. Waxa ay waalidku ilmaha la joogi karaan marka loo soo wareejiyo geybta bixidda. Dhakhtarku waxa uu soo qori karaa goojo dhegaha lagu shubo qalliinka ka dib inta ilmuhu soo bogsanayo.

Waxaa laga yaabaa in ilmuhu dareemo dhaga-xanuun maalinta qalliinka. Waxaa ilmaha xanuunka yar loo siin karaa acetaminophen (Tylenol®) ama ibuprofen (Children's Motrin®). Waxaa la idin siin doonaa waraaqda Ka-bixidda Isbitaalka ka hor inteydnaan guriga aadin oo waxaa idiinku qoran talooyinka iyo daawada inta jeer ee la qaadanayo. Inta badan, ilmuhu uma baahan doonaan in ay mar dambe ku soo noqdaan kilinigga ENT. Haddii dhakhtarku ku taliyo ballan kale oo ah la-socosho, waa in lala soo xiriiro kilinigga si ballan looga qabsato. Waxaad filan kartaa in ilmuhu ku soo noqdo cuntadiisii caadiga ahayd iyo hawlihiisii caadiga ahaa 24 saacadood ka dib qalliinka.

Su'aalo?

Macluumaadka ku qoran waraaqahan gaar kuma aha ilmahaaga. Macluumaadkan waa mid guud oo la siiyo ilmaha la qalo oo dhan. Macluumaadka waxaa loogu talagalay warbixin iyo macluumaad ahaan oo keliya balse waa IN AAN loo isticmaalin wax baddiil u noqon kara talada dhakhtarka carruurta. Haddii aad su'aalo qabto, fadlan taleefan kula soo xiriir kilinigga Dhegaha, Sanka iyo Cunaha.

Dibu-eegistii 10/2022

 

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota