Get information about COVID-19 vaccinations, testing and visiting standards. Learn More.

Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Xanuunka dhallaanka

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Ballanqaadka Daryeel Ugu Habboon

Waxaan rumeysan nahay in carruurta sabiga ah iyo ilmaha roonba ay xaq u leeyihiin heerka ugu wanaagsan ee yareynta xanuunka ee sida badbaadada leh loogu qaban karo.  Sidaa darteed waxaynu cuskanaa dadaal kooxeed si aynu u yareyno xanuunka iyo welwelka inagoo isticmaalayna hababka daaweynta jirka iyo niyaddaba. Shaqaalaha iyo qoysaska ayaa ka wada shaqeynaya, oo waxaan ballanqaadeynaa inaan wax kasta sameyno si looga hortago loona daaweeyo wixii xanuun ah.

Dhallaanku xanuunka ma dareemaan?

Inkastoo nuunneyaashu weli koraan oo aysan sheegan karin xanuun haya, haddana waa ay dareemaan xanuunka, xanuunkoodana waa la daaweyn karaa.  Kooxda daryeelka caafimaadka waxay doonayaan inay sameeyaan inta ay kari karaan si ilmahaagu fayoobi u dareemo.

Maxaa keena xanuunka dhallaanka?

Xanuunka waxaa keeni kara waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin:

  • dhaawaca qallinka ka dib:

- meesha qalliinka lagu sameeyay

- fidinta ama riixidda jirka ama xubnaha

  • duritaanka sida xididka daawada laga qaato, dhiigga baarista ama cirbadaha
  • neerfayaasha oo dareema dhaawac jirka ama barar
  • dareen xanuun oo ay keento hurgun
  • dhaawaca murqaha oo ka imaan kara sariir ku raagidda, ama dib u isticmaalka murqaha
  • xanuun ka yimaada tuubooyinka
  • dillaaca ama nabraha maqaarka

Sidee baynu u garannaa in dhallaanku xanuun hayo?

Waxaa jirta in nuunneyaashu erayo sheegan karin halka xanuunku ka hayo, sida ay ilmaha waaweyn inoogu sheegi karaan, laakiin waxaynu la socon karnaa astaamo ku saabsan sida ay u dhaqmayaan.  Waxaa kaloo aynu xanuunka ku cabbiri karnaa u fiirsasho sida illmahu wax u sameynayo ama astaamaha jirka (sida wadno qaraaca, heerka neefsashada, cadaadiska dhiigga) si uu u ogaado in dhallaanku xanuun hayo, khaas ahaan ilmaha aadka u yar.

Sidee ilmahu u dhaqmaan marka uu xanuun hayo?

Nuunne kasta marka uu xanuun hayo waa si gaar ah sida uu u dhaqmo.  Waxay beddelaan sida ay uga falceliyaan mararka qaarkood, laakiin eeg astaamaha hoos ku taxan.

Dhallaanku waxay u dhaqmaan siyaabo kala duwan oo astaan u ah xanuun.  Calaamadaha waa ay dhici karaan iyada oo aan nuunnaha xanuun hayn, laakiin isku jirkooda inta badan waa xaadir marka ilmahu xanuun hayo.

  • Oohin: Waxaa laga yaabaa in dhallaanku u ooyo si xiriir ah. Oohinta badanaa waa mid dhawaaqa iyo muddadu sii badato.
  • Ilmaha aadka u xanuunsan ama dhiciska ah ee tabarta yar iyagoo xanuun hayo ayay aamusnaadaan.
  • Muuqaalka wejiga: Ilmaha waxaa laga yaabaa inay wejiga kaduudaan indhahana isku qabtaan.  Garka oo gariira ayaa la arki karaa.  Ilmaha makiinadda neefsiga ku xiran ayaa sidan yeela xitaa.
  • Muruq adkeynta: Dhallaanku murqaha ayay adkeeyaan, iyagoo gacmaha isku soo dhejinaya lugahana kor u taagaya ama is wada fidinaya.  Gacmaha ayay duubtaan ama way is wada adkeeyaan.  Ilmaha aadka u jiran waxaa ka luma adkeynta murqaha waxayna noqdaan kuwaa aad u jilicsan.
  • Dhallaanka uu xanuunku hayo badanaa waa ay caro badan yihiin oo cuntada ayey diidaan.
  • Dhaqdhaqaaqa waxaa uu ku xiran yahay caafimaadka iyo tabarta dhallaanka. Dhallaanka qaarkood si weyn ayay u dhaqaajiyaan gacmaha iyo lugahaba. Dhallaanka tabarta daranse aad bay u shanqar iyo dhaqaaq yar yihiin.
  • Soo kicidda/hurdada: Dhallaanka xanuunka hayo badanaa waa ay dabci xun yihiin hurdadooduna yar tahay.  Dhallaanka qaarkood intay isku mashquulaan ayay u eg yihiin inay hurdaan.

Maxay waalidku qaban karaan?

Waxa ay waalidka leeyihiin qeyb muhiim ah.  Sababtoo ah adiga ayaa nuunneha ugu aqoon badan, waxaad kala shaqeyn kartaa shaqaalaha si ay kaaga caawiyaanxanuunka nuunnaha. Adigaa ayaa xaalka dejin kara, sidaas awgeed fadlan shaqaalaha weydii wixii su’aalo aad qabto ee macquul ah.

Si aad u caawiso in cunuggaaga ugu adkeysto xanuunka, waxaad yeeli kartaa:

  • Inaad xaadir ahaato, ama aad weydiiso qof cunuggaaga si wanaagsan u yaqaan inuu soo booqdo.
  • Inaad u sheegto shaqaalaha haddii aad dareento in xanuunka aanu yaraaneyn, ama in cunuggaaga laga yareeyo daawada xanuunka hurdo daraadeed ama firfircoonida cunugga oo wanaagsan.
  • Inaad isticmaasho wax kastoo niyad ahaan dejin kara cunuggaaga ka hor iyo ka dibba markii marxalad welwel keeni karta ay jirto: si deggan oo loo salaaxo ama masaajeeyo dhallaanka, qabashada, yara ruxidda ama cod dejinaya oo loogu sheekeeyo, iyo xaqiijinta in jirkoodu caadi yahay.

Maxaa la sameyn karaa si xanuunka loo yareeyo?

Siyaabaha aan daawada la isticmaaleyn

Xanuunku waa mid saameeya jirka iyo niyaddaba.  Nuunnaha waa ay dareemaan xanuunka jir ahaan waxaa ka mid ah dareemid gubasho, wax ku taagan ama majiirid.  Waxa kale oo ay ka fikiraan ama xasuustaan xanuunka niyad ahaan.  Maadaamaa aysan nuunneyaashu hadlin, annaga waa nagu adag tahay inaan si xaqiiq ah u ogaanno waxay ku fikirayaan iyo xanuunkooda.  Waxaan isku daynaa inta aan awoodno inaan yareyno dareenka iyo welwelka xanuunka.  Waxyaabaha caawiya si loo yareeyo welwelka iyo xanuunka waxaa ka mid ah:

  • In la beddelo jawiga dhallaanka. Dhawaqa, nalka iyo cayaarta oo lagu yareeyo sariirta agagaarkeeda waa ay dejinaysaa dhallaanka.
  • In nuunnahau nuugo masaasadda furkeeda maran waxay ka caawisaa siduu ugu adkeysan lahaa waxyaabaha xanuunka keeni kara.
  • In la nuujiyo ayaa xanuunka ka yareyn karta, gaar ahaan marka isbitaalka la joogo.
  • Dejinta sida isticmaalidda cod nasteexo leh, muusik, sheeko, ama heeso waxay ilmaha niyaddooda ka fogaysaa ka fikiridda xanuunka.
  • Dhaqaajinta ilmaha adigoo haya - ruxidda ama la socoshada waa ay caawin kartaa.
  • In loo qabto dhallaanku si dhaqaaqoodu u yaraado ayaa dejin karta.
  • Nuunnaha in laabta lagu qabto ayaa noqon karta si lagu dejin karo ama lagu sabaaliyo.
  • Salaaxidda ama riixidda fudud ayaa caawin karta jaha wareerinta dareemayaasha xanuunka u gudbiya maskaxda.

Waan kaa caawin doonaa inaad barato sidii aad u isticmaali laheyd hababkan.

Daawooyinka

Waxaa jir daawooyin badan oo kala duwan oo aynu isticmaali karno.  Daawada ku habboon cunuggaagu waxay ku xiran tahay waxyaabo badan sida nooca xanuunka, inta xanuunku uu hayo, iyo sababta xanuunku u hayo.  Daawooyinka qaar ka mid ah hoos ayaa lagu faahfaahinayaa.

Kareemka kabuubyada, sida 4% lidocaine ayaa la saari karaa jirka si loogu kabuubyeeyo.  Inta badan waxaa loo isticmaalaa duridda maqaarka ama xididka ka hor.  Waa inay saarnaataa maqaarka si loogu kabuubyeeyo.  Waa in ay saarnaato 20-30 daqiiqo si ay ugu shaqeyso uguna caawiso yareynta xanuunka cirbadda.  Badanaa looma isticmaalo nuunnaha dhiciska ah.  (Eeg waraaqda macluumaadka “Anesthetic cream” Kareemka kabuubyada).

Non-steroidal anti-inflammatory drugs (NSAIDs) waxay yareeyaan xanuunka iyo bararka.  Waxaa la iibsan karaa iyadoo aan dhakhtar qorin, waxay yareeyaan xanuunka yar ilaa kan dhexe.  Si ay u yareeyaan xanuunka caloosha, waa in lagu qaato cuntada markii ay macquul tahay. Ibuprofen (Motrin® ama Advil®) waa tusaaleyaal ah NSAID.

Acetaminophen (Tylenol®) waa nooc kale oo ka mid ah daawooyinka xanuunka ee la iibsan karo iyadoo aanu dhakhtar qorin, taasoo caawisa daaweeynta xanuunka yar ilaa kan dhexe.  Daawadan waa ay ka dhibaato yar tahay daawooyinka NSAIDs-ka, laakiinse ma yareyso bararka.

Opioids waa daawooyin aad u culus oo loo isticmaalo daaweynta xanuunka dhexe ilaa kan saa’idka ah, inta badanna la isticmaalo qalliinka ka dib.  Waxaa laga siin karaa xididka ama afka.  Daawoyinka Opioids waxay keeni karaan dhibaatooyin sida jir cun-cun, lallabo, ama saxarada oo adkaato ama yaraata.  Dhallaanku badanaa way ku hordoodaan daawadan neefsigooduna wuu isku dhimaa.  Mararka qaarkood NSAIDs ama Tylenol iyo Opioidss ayaa isku mar la wada isticmaalaa.  Marka narcotics-ka afka laga qaato, waa in cunto lala qaataa si looga taxadaro lallabada.  Si iyadana looga taxadaro saxarada oo adkaata ama yaraata, waa in ilmahaagu cabbaa cabbitaan badan, am faleebbo lagu duraa.

Marka cunuggaaga la geeyo guriga, raac tilmaamaha uu dhakhtarku ku siiyay ee daawo xanuun siinta.  Sii daawada marka uu xanuunku billowdaba.  Xanuunka saa’idka way adag tahay joojintiisa.  Hubi inaad siiso daawada xilliga la seexdo si uu cunuggaagu si fiican ugu seexdo.  Daawooyinka qaar waqtii walba ayaa la siiyaa.  Dhakhtaarkaaga ayaa kuu sheegi doona xilliga la siinayo haddii loo baahdo.

Hubi inaad soo wacdo haddii ay daawadu aanay xanuunka yareyn ama xanuunku ka sii daro.  Haddii aad u soo wacdo dhakhtarka xanuun waxaa lagu weydiin karaa haddii cunuggaaga qandho ay hayso, heerka xanuunku la’eg yahay marka lagu qiyaaso sida uu u dhaqmayo, iyo nabarka ama meesha la qalay sida ay u eg tahay.

Su’aalo?

Fadlan shaqaalaha kala soo xiriir wixii su’aalo ah oo ku saabsan xanuunka nuunnaha, qorshaha iyo daawooyinka xanuunka. Waxa kale oo jira shaqaale kale oo u diyaarsan daaweeya xanuunka markii looga baahdo.

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga, balse waxaa ku qoran macluumaad guud ahaaneed.  Haddii aad su’aalo ama welwel qabto, fadlan kala hadal dhakhtarka ama shaqaalaha la shaqeynaya ilmahaaga.  Dhakhtarka ama kalkaalisada ayaa idiin sii gudbin kara takhasuska xanuunka ee isbitaalka. Sida ugu fiican ee lagu maareyn karo xanuunka waa in koox ahaan loola tacaalo.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota