Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

LAABJEEXA SOO GAARA HUNGURIMAREENKA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay laabjeexa soo gaara hungurimareenka?

Laabjeexa noocan ah (Gastroesophageal reflux, oo dhawaaqiisu yahay, gas-troh-eh-sof-ah-jee-al ree-flux, ama "GER,") waa marka ay cuntadii caloosha ku soo rogmato hungurimareenka.

Maxaa sababa GER?

GER waxaa sababa itaal darro ku dhacda muruqa isku xira caloosha iyo hungurimareenka. Dhallaanka oo dhan waxay qabaan heer kala duwan oo ah GER. Mararka qaarkood uma fiicna dhallaanka yaryar oo dhibaatooyin badan ayuu ku keenaa. Dhallaanka badankoodu dhibkaas waa ay ka weynaadaan markay jiraan 6 bilood ilaa 1 sano; hase yeeshee qaar ayuu ku qaataa wakhti dheer.

Waa maxay calaamadaha GER?

  • matagid joogto ah
  • matag ama caano lagu arko afka dhallaanka ama sariirta lagu seexiyo.
  • wax-liqid badan inta u dhaxeysa intaan la quudin
  • hiko joogto ah, hindhiso, qufac
  • inaan la quudin karin, sida:
    - oohin
    - is-qalloocin
    - cunto-diidid
  • naqas-raadin
  • gaagleyn
  • cunahoo xirma
  • hiinraagid (neeftuur ay shanqar la socoto)
  • neefsashada oo ku adkaata
  • caatoobid
  • sankoo xirma

Sidee baa lagu ogaadaa GER?

Dhallaanka qaba GER badankooda waxa lagu ogaado waa in lagu arko calaamadaha kor ku qoran. Marar dhif ah, dhallaanka waxaa la soo marsiiyaa baaris kale oo ah GER. Haddii loo baahdo baarista kale, waxaa baaristaas ka mid ah:

Baarista GI ama hungurimareenka qeybtiis kore (laqidda barium) - caloosha ayaa laga buuxiyaa dareere dhadhankiisu yahay dhiig (barium). Ka dibna raajo ayaa la saaraa qeybta dheefshiidka si loo cabbiro inta jeer ee ay jirto GER iyo in heerkeedu daran yahay.

Baarista caana-eegista - dhallaanka ayaa cabitaan lagu siinayaa masaasad iyadoo loogu darayo walax midab leh. Ka dibna raajo ayaa caloosha laga saarayaa si loo cabbiro inta ay caloosha ku qaadaneyso in ay iska saarto wixii gala si looga cabbiro GER. Natiijada waxaa lagu ogaanayaa ilaa 24 saac.

Baarista eegista pH - tuubbo yar oo jilicsan ayaa ilmaha laga gelinayaa sanka ilaa hungurimareenka. Tuubbada waxaa lagu cabbirayaa inta jeer ee uu aasiidhka caloosha kor ugu soo kacayo ilaa hungurimareenka. Waxay ku jireysaa ilaa iyo 24 saac.

Tuubbogelinta-afka - Dhallaanka waa in la suuxiyo. Dhakhtarku wuxuu isticmaalayaa tuubba yar oo jilicsan oo afka ku wadata nal si uu u wiisiteeyo hungurimareenka, caloosha, iyo/ama qeybta hore ee mindhicirka yar.

Baarista-neefgaleenka - Dhallaanka waa in la suuxiyo. Dhakhtarku wuxuu isticmaalayaa tuubba yar oo jilicsan oo afka ku wadata nal si uu ugu eego neefsashada (neefsashada caloosha ku jirto ee sambabbada). Badanaa waxaa sidan la sameeyaa isla marka la sameynayo tuubbada caloosha.

Waa maxay daaweyntu?

Badanaa marka ay dhacdo GER, waxa ay sababtaa dhibaatooyin la xiriira quudinta, neefsashada, iyo/ama cayilid. Siday u badan tahay waa in daaweyn la sameeyo. Waxaa jira siyaabo badan oo ah daaweyn sida habka loo quudiyo ama loogu daaciyo ilmaha, habka loo dhigo, iyo in daawo la siiyo. Mararka uu xaalku xun yahay, qalliin ayaa loo baahan karaa.

Quudinta

Dhallaanka waa in marka la quudinayo xoogaa la soo fariisiyo (marka la nuujinayo ama marka caano la siinayo). Marka la siinayo caano ku jira masaasad, ku sii caanaha hab ah in ay caano ka buuxaan cinjirka masaasada ee uu ilmuhu jaqayo. Marna ha ka tegin ilmaha oo keligiis ah oo ay masaasad afka ugu jirto.



Waa in aan dhallaanka aad loo dherjin. Dhakhtarka kala hadal quudinta iyo inta jeer ee aad sameyn karto.

Daacin

Waa in aad marar badan u daaciso dhallaanka (2 ilaa 5 jeer marka aad nuujineyso; mar kasta oo aad siiso caano gaaraya ½ ilaa 2 oonsi), ama sida dhakhtarka lagaaga soo sheego. Kala-duwanaanshuhu wuxuu ku xiran yahay culeyskan iyo caanaha ilmaha.

Kor u qaad oo garabka saaro dhallaanka, ama caloosha ugu dul seexi dhabtaada dusheeda, oo madaxu ha ka sarreeyo caloosha. Waa in aadan dhallaanka si aad ah ugu daaciso (ha ku celin/meeshii uu ku sugnaa) ee ahayd dhabtaada si aysan calooshu u dareemin cadaadis.

Habka Qabashada

Waa in aad ilmaha u qabato si uu toosan yahay (oo xabadku ka sarreeyo sinta) intii kuu suurtowda ilaa iyo 30 daqiiqo quudinta ka dib. Si caadi ah ha u fariisin markaad quudiso ka dib sababtoo ah caloosha ayaa sidaas cadaadis ku dareemeysa.

Dhallaanka qaarkood waa in hab fariisin ah loo dhigo marka la seexinayo. Waxaa loo baahan yahay in la isticmaalo Danny Sling® si uu ilmuhu ugu fariisto si toosan haddii madaxa ama sariirta kor loo qaado. Laakiin waa in uu dhakhtar u soo qoro Danny Sling.

Dharka

Ha u xirin xafaayad ama dhar caloosha uga dheggan ilmaha. Cadaadiska caloosha la saaro waxa uu ka sii daraa calaamadaha GER.

Daaweyn

Daaweynta dhakhtar ayaa u qori karaa ilmaha si looga yareeyo aasiidhka calooshu sameyso ama si ay cuntadu caloosha dhakhso uga baxdo.

Goormaan la xiriirayaa dhakhtarka?

  • markay jirto caatoobid badan, yar, ama mid daran
  • cunahoo xirma
  • dilqiddu markay ku soo badato
  • hiinraagayo
  • markay jiraan gaagleyn ama laqid dhib ah
  • marka ilmuhu dhiig matago
  • markay joogto noqoto dhibaatada quudinta
  • haddii midabka nuunnuhu is beddelo ama uusan caadi ahayn, garaac 911

Maxaa kale oo aan u baahnahay?

Waa in aad inta badan dhallaanka hab fariisin ah u qabato. In dhallaanka la qabto ama kursiga shafka lagu xirto, sida Snugglies®, ("carrier" ma aha carriers / oo ah wax kale) waa sida ilmaha si toos-u-fariisin ah loogu qabto. Iska hubo in aad gacan hoos dhigto madaxa ilmaha. Ha isticmaalin wax ah maro ama barkin si aad qaarka sare kor ugu qaaddo

Kursiga caagga ah ee socodbaradka ee ilmaha la dhex geliyo ama wiifowga badanaa uma fiicna sababtoo ah caloosha ayey cadaadiyaan oo GER ayey sababi karaan. Kursi ah nooca "dhacdiidka" ayaa ugu fiican si ilmuhu ugu yaallo xagal ah 30° iyada oo aan si aad ah looga soo qalloocineyn labada dhinac (eeg sawirka). Waxaa laga soo iibsadaa dukaamo badan ama dukaamada qiimaha jaban.

Si ay ilmuhu si caadi ah ugu kobcaan, waxaa u fiican in ay ku ciyaaraan dhulka caadiga ah ama gogol dusheed, caloosha iyo dhabarka labadaba. La soco dilqidda ilmaha. Ciyaarista waxaa ku fiican ka hor ama 2 saac ka dib xilliga quudinta. Waa in aan ilmaha loo oggolaan in ay ku seexdaan iyagoo bogga u jiifa.

Waa in aan wax cadaadis ah la saarin caloosha nuunnaha marka xafaayad laga beddelayo ama markay ooyayaan. Si xafaayadda looga beddelo, labada dhinac u yar leexi
intii aad lugaha kor ugu qaadi lahayd.

Meelna ha la aadin ilmaha ugu yaraan 30 daqiiqo ka dib xilliga quudinta. Markaad meel la aadeyso, ku xir kursiga baabuurka adigoo meel sax ah u dhigaya oo si fiican ugu fariisi, oo garku yuusan taaban shafka ilmaha.

Farriimo kale:

________________________________________________________________________________________________________________

________________________________________________________________________________________________________________

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir dhakhtarka.

Wakhtigii Qoraalkan 4/2022

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota