Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Gudniinka

Article Translations: (English) (Spanish)

Waa maxay gudniinka?

Gudniinku waa qalliin buuryada looga jarayo guska.

Maxaan filan karaa qalliinka ka dib?

Guska afkiisa oo casaan – guduud - noqon kara ama barari kara. Dhiig yar baa ka iman kara saacadaha ugu horreeya, waana uu danqan karaa maalmaha ugu horreeya. Waxa uu ku bogsoon doonaa illaa 1 isbuuc. Haddii qodobbo lagu tolay, waa ay iska milmi doonaan 1 illaa 3 isbuuc.

Maalinta la guday maalinta ku xigta, wiilkaagu wuu ku noqon karaa iskoolka ama xannaanada. Ka ilaali cayaarta dhaqdhaqaaqa badan ama la korayo baaskiil.

Sidee baan u daryeelaa boogta?

Haddii wiilkaagu isticmaalo deybar, ka eeg dhiig ama dheecaan mar kasta oo aad ka beddesho. U nadiifi sida caadiga ah intaaadan deybarka cusub u xirin.

Ku dhiiji boomaatada dhakhtarka kuu qoray meesha boogta ah. Ha ku milanto boogta; ha isku dayin inaad gacantaada la mariso. Sidan yeel mar kastoo aad deybar beddesho.

Wiilasha weyn ee aan deybarka loo xirin, u mari boomaatada 4 jeer maalinti ilaa hal isbuuc. Waxaad isticmaali kartaa faashad yar oo aad kastuumaha uga hoos mariso si ay u yareyso dheecaanka ku dhegaya kastuumaha.

Ka dib 24 saac wiilkaagu wuu qabeysan karaa. Raac tilmaan-bixinta dhakhtarka ee ku saabsan qubeyska. Qolofta ha ka dhaqin nabarka, waxay caadiyan ka mid tahay bogsoonta dhaawaca. Waxa ay la reysan doontaa gudniinka.

Haddii dhiig ka yimaado, si tartiiba ah u cadaadi illaa 5 daqiiqo. Hadduu dhiiggu joogsan waayo ama dib u billowdo, wac dhakhtarka.

Goormaan wacaa dhakhtarka?

  • dhiig ku joogsan waayo 5 daqiiqo oo aad cadaadiso
  • kaadi la’aan 8 saacadood oo joogta ah
  • xanuun aan ku yaraan daawadii loo qoray
  • qandho ka sarreysa 101° F (38.4° C)
  • barar, xanuun, ama casaan saa’id ah 24-ka saac ee ugu horreeya ka dib
  • malax ka timaadda dhaawaca
  • boogta oo aan u ekeyn inay bogsoonayso

Su’aalo?

Warqadan amaba warbixintani kuma saabsana ilmahaaga oo keliya, laakiin waa warbixin guud. Haddii aad qabtid su’aal soo wac dhakhtarka.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota