Leynka Bannaanka Xididka Gudihiisa (PIV): Daryeelidda Guriga
Article Translations: (English) (Spanish)
Leynka Bannaanka Xididka Gudihiisa (PIV): Daryeelidda Guriga
Waa maxay PIV?
Leynka bannaanka xididka gudihiisa (PIV) waa kateetare ama tuubbo (aad u khafiifsan, tuubbo leex-leexaneysa) oo la geliyo xidid yar oo ku yaalla cududda, gacanta, lugta, ama cagta. Sababtuna waa si ilmaha looga siiyo dareere loogu tala galay ama daawo si toos ah u raacaysa dhiigga.
Sidee baan ilmaha ugu daryeelayaa guriga?
Marka ilmahaagu soo bogsanayo oo uu joogi karo guriga, kalkaaliso ayaa ku bareysa ilaa aad isku filnaato sidaad u daryeeli doonto tuubbada PIV ee ilmaha ka hor intaadan keligaa sameyn. Waa wax aad u baahan tahay ka hor intaadan guriga la aadin ilmaha:
- ka-hortegidda infakshanka
- eegista meesha tuubbada PIV
- siinta daawada
- biya-raacinta
- inaad ogtahay marka iyo meelaha aad caawimaad ula xiriireyso
Ka-hortegidda infakshanka
Waxaa muhiim ah in aad ka hortagto infashanka, ama waxay noqoneysaa in tuubbada PIV laga saaro.Waxaa jira waxyaabo aad sameyn karto si aad uga hortagto infakshanka tuubbada PIV.
- Nadaafaddu waa khasab! Si fiican ugu dhaqo gacmaha biyo iyo saabuun ama isticmaal aalkolada jeermiska ka hor intaadan taaban faleebbaha. Taas macnaheedu waa in aad dhaqdo gacmahaaga ka hor:
- Biya-raacinta PIV, siinta daawada, iyo mar kasta oo aad taabaneyso faleebbaha.
- Meelaha aad alaabta saaraneyso ku nadiifi jeermis-dile (sida Lysol® ama nooc kale) marka aad isu diyaarineyso daryeelidda tuubbada PIV.
- Ka hor mar kasta oo xididka laga biya-raacinayo gudaha ama daawo lagu shubayo tuubbada PIV, daboolka infakshanka mari chlorhexidine (CHG) cusub ilaa 30 ilbiriqsi. Ha qallasho 30 ilbiriqsi ilaa ay gebi ahaan qalleyl noqoto. Ha u isticmaalin marwaxad ama ha afuufin.
Eegista meesha tuubbada PIV
Ka hor intaadan wax daawo ah siin, badanaa eeg meesha tuubbada PIV si aad u hubiso in uusan wax dhib ah jirin. Ka eeg:
- guduudasho
- barar
- dheecaan
- xanuun
- danqasho
Haddii uu jiro mid ka mid ah waxyaabaha kore, ha ka siin daawada. Marna daawada ha ku khasbin tuubbada PIV. Haddii ilmahaagu ooyayo ama kuu sheego in uu xanuun dareemayo markaad daawada ku shubeyso, la xiriir kalkaalisada guriga si ay xal ugu hesho dhibaatadaas. (Eeg shaxda hoose).
Mararka qaarkood tuubbada PIV dib ayaa loo bilaabi karaa. Dhakhtarka ilmahaaga iyo kalkaalisada guriga ayaa kaala hadlaya qorshe aad raaceyso haddii aad baahato.
Siinta daawada iyo biya-raacinta tuubbada PIV
Waxay ku xiran tahay sida aad ugu baahato, laakiin waa in aad raacdo mid ka mid ah siyaabaha soo socda:
___ Ku biya raaci dareeraha loogu tala galay.
___ Ku biyo raaci dareeraha loogu tala galay, ka sii daawada, ku biya raaci mar kale dareeraha loogu tala galay.
Isticmaal siyaabaha hoose si aad ugu hagaajiso baahida kore.
- Nadiifi oo diyaarso goobta aad ku shaqeyneyso.
- Gacmahaaga si fiican u dhaq.
- Soo uruurso alaabta:
- Chlorhexidine (CHG) wax lagu nadiifiyo
- saliinge dareeraha loogu tala galay (2 haddii aad daawo siineyso)
- daawada (haddii loo qoray), iyo alaabta aad ku siineyso
- Iska eeg qoraalka dareeraha loogu talagalay iyo saliingaha, iyo daawo ama dareere kale ka hor intaadan ilmaha ku shubin. Iska hubso in ay daawadu tahay sax iyo intii loogu tala galay.
- Daawo kasta waxaa la isticmaali karaa inta aysan dhicin. Iska tuur haddii ay daawadu salka joogto ama aysan kuula muuqan wax aan ahayn nadiif.
- Haddii aadan haysan saliingeyaal diyaarsan, ku shubo dareeraha saxda ah laba saliinge oo kala fog. (Eeg waraaqaha la socda "daawada faleebbaha: Sida guriga loogu diyaarsado.")
- Diyaarso saliingaha dareeraha diyaarsan oo saliinge(yaashiisa) ka saar xunbada gudaha ku jirta. Kor u qabo si aayar ah xunbada uga saar. Daboolka geli saliingeyaasha.
- Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG oo gebi ahaan ha kuu qallajiso ilaa 30 ilbiriqsi.
- Ku xir dareeraha saliingaha daboolka cirbadda afkeeda.
- Ka fur maqaska caagga ah tuubbada oo aayar ugu mud cirbadda ah dareeraha loogu tala galay ee tuubbada PIV.
- Marka uu saliinguhu eber noqdo, cirbadda ka bixi daboolka.
- Haddii aadan daawo ka siineyn tuubbada PIV, u gudub qeybta 17.
- Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG, oo ha kuu qallalo 30 ilbiriqsi ilaa uu kuu qallalo.
- Ku xir daawada oo u sii sida ay kuu bartay kalkaalisada guriga.
- Marka daawada la siiyo ka dib, ka bixi tuubbada PIV.
- Fur daboolka cirbadda oo ku nadiifi CHG ilaa 30 ilbiriqsi, oo ha kuu qallalo 30 ilbiriqsi ilaa uu kuu qallalo.
- Ku dheji saliingaha dareeraha loogu tala galay afka cirbadda daboolka oo tartiib ugu mud dareeraha gudaha tuubbada PIV.

- Maqaska caagga ah ku qabo tuubbada PIV.
- Saliingeyaasha la isticmaalo iyo alaabta ku tuur qashinka. Saliingeyaasha dhiigga leh ku tuur goobo gaar ah, sida dhalo adag oo leh dabool lagu xirayo. Ku dul qor inaan dib loo warshadeyn oo ay yihiin cirbado "Do Not Recycle - Household Sharps."
- Aad ha u buuxin caagga cirbadaha qashinka. Qashinku waa uu ku kala duwan yihiin deegaanka lagu nool yahay. Deegaamada qaar ayaa leh goob lagu tuuro cirbadaha. Si aad isaga hubsato, weydii shirkadda qashinqubka, farmashiyaha, ama kilinig aad la xiriirto.
Sidee baan u dalbanayaa alaabada?
Alaabada waxaad ka dalabaneysaa shirkadaha qalabka daawada ama farmashiyeyaasha guryaha u soo dira daawada. Dalabka ugu horreeya isbitaalka ama guriga ayaa ku heleysaa. Weydii kalkaalisada haddii aad haysato waxa aad u baahan tahay. Waxaa lagu siinayaa lambar taleefan aad garaacdo marka aad u baahato in aad dalbato alaabta.
Qofkee iyo goortee ayaan caawimaad raadsan karaa?
La xiriir kalkaalisada haddii aad ilmahaaga ku aragto:
- qandho iyo/or qarqaryo
- dhibaato ah faleebbaha, sida guduudasho, danqasho, ama barar
- su'aalo la xiriira daaweynta, daawada, ama alaabada
Su'aalo?
Haddii aad ka qabto wax su'aalo ah, fadlan garaac taleefanka kalkaalisada guriga:
Xallinta dhibaatada
Dhibaato |
Sababta macquulka ah |
Waxa aad sameyneyso |
Daawada lagu shubo ma soconeyso ama tartiib ayey u socotaa |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Faleebbaha markuu xanuun keeno, xanuunayo, guduuto, bararo, ama dheecaan ka socdo |
|
|
Dheecaan markuu ka socdo meesha cirbadda ama tuubbadu ku xiran tahay |
|
|
Daawada markay xanuun ku keento ilmaha |
|
|
|
|
|
Biyo markay ka socdaan bacda faleebbaha |
|
|
Faashad (sharooto) markay ka furato ama wasakhowdo |
|
|
Wakhtigii Qoraalka 6/2021

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.
© 2023 Children's Minnesota