Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Ka-hortagidda Infakshanka ee Tuubbada Xididka Dhiigga (CLABSI)

Article Translations: (English) (Spanish)

Dhakhtarka ilmahaaga ayaa ku taliyey tuubbada xididka dhiigga in la geliyo ilmahaaga. Tuubbada xididka dhiigga waa mid khafiif ah oo la geliyo xidid weyn oo aada wadnaha. Tuubbada xididka dhiigga waxay muhiim u tahay xaaladaha loogu baahan yahay daawooyinka laga qaato xididka (IV), dhiig in la isaga shubo, in laga qaado dhiig la soo baarayo, iyo nafaqada xididka ama IV laga qaadanayo. Dhakhtarka ilmahaaga ayaa go'aaminaya meesha tuubbada ugu fiican ee la gelin karo, nooca tuubbada ilmuhu u baahan yahay, iyo muddada ay tuubbadu ku jireyso.

Tuubbada xididka dhiiga waxay u fiican tahay daryeelidda ilmaha buka; hase yeeshee, waxaa jiri kara khatar ah infakshan marka ay bakteeriyo ku jirto tuubbada oo ay dabadeedna dhiigga sii raacdo. Xaaladdaas ayaa la yiraahdaa Infakshanka Tuubbada Xididka Dhiigga ama CLABSI. CLABSI waxay noqon kartaa halis khatar gelin karta nolosha.

Nasiibwanaag waxaa jira siyaabo looga hortagi karo CLABSI. Siyaabahaasi waa:

  • Dhaqista gacmaha iyo/ama isticmaalid badan oo ah aalkolada gacmaha.
  • Isticmaalidda gafuurxir iyo gacmagelisyo cusub marka xididka la taabanayo iyo in la saaro dabool infakshanka ka celiya.
  • Qiimeyn joogto ah oo xididka laga eego calaamadaha infakshanka.
  • Maalin kasta in lagu meyro daawada jeermiska ee chlorhexidine (CHG) inta ay ilmaha bukaanka ah isbitaalka ku jiraan muddo ku siman ama ka badan 42 toddobaad ama da'da ilmaha ee saxda ah. Haddii aad aragto jirka ilmaha oo dhib kala kulmaya CHG, kala hadal dhakhtarka ama kalkaaliyaha si ay wax kale ugu helaan.
  • Maalin kasta ayaad kala hadli kartaa shaqaalaha caafimaadka tuubbada xididka dhiigga haddii weli loo baahan yahay.
  • Sharciyo adag ayaa la raacaa marka tuubbada xididka dhiigga la geliyo ilmaha oo waxaa sidaas ku taliyey Xarumaha Ka-hortegidda iyo Xakameynta Cudurrada (CDC).

Sidee baan ilmaha ugu daryeelayaa guriga?

Waalidka iyo bukaanka waajib ayaa ka saaran sida looga hortagayo infakshanka dhiigga ama CLABSI:

  • Gacmaha waa in ay ku dhaqdaan saabuun iyo biyo, ama waa in ay isticmaalaan aalkolada gacmaha ee la dhigo qol kasta. Nadaafadda gacmaha waa shuruud:
    • Marka aad galeyso ama ka soo baxayso qolka ilmaha.
    • Ka hor iyo ka dib markaad cunto u diyaariso, marka ilmuhu wax cuno ama aad adigu quudiso.
    • Ka hor iyo ka dib markaad isticmaasho musqul ama aad beddesho xafaayad.
  • U sheeg dadka ilmaha soo booqda in ay gacmahooda dhaqaan markay soo galaan iyo markay ka baxaan qolka.
  • Dadka booqashada ah ha u oggolaan in ay taabtaan tuubbada xididka dhiigga.
  • Isha ku hay dhakhtarka iyo kalkaaliyeyaasha haddii ay dhaqan waayaan gacmahooda ka hor iyo ka dib markay taabtaan tuubbada xididka. Ha ka cabsan in aad xusuusiso in ay gacmaha iska dhaqaan.
  • Dhakhtarka iyo kalkaaliyeyaasha waxay xiranayaan gacmagelisyo nadiif ah markay taabanayaan tuubbada xididka inta aad ku jirtaan isbitaalka.
  • Wakhtiga qubeyska ilmaha/loo qubeynayo, waa in tuubbada xididka dhiigga lagu xiro dabool ka celinaya biyaha. Haddii uu qoyaan ka muuqdo faashadda, isla markiiba ka beddel.
  • Wakhtiga qubeyska ilmaha/loo qubeynayo, biyo socda ha u dhigin tuubbada, sababtoo ah jeermis biyaha la socda ayaa geli kara.
  • Meelaha xafaayadda ka fogee tuubbada marka aad ilmaha ka beddelyso xafaayadda, oo ilmuhu yuusan afka gashan tuubbada.
  • Haddii aad su'aalo ka qabto tuubbada xididka dhiigga ee ilmaha, ama sida aad u daryeeleyso, weydii dhakhtarka ama kalkaaliyaha.

Su'aalo?

Waxaan rabnaa in ilmuhu helo daryeel fiican inta uu jirran yahay. Waad ku mahadsan tahay sida aad noogu caawineyso in jeermiska laga ilaaliyo tuubbada xididka dhiigga ee ilmahaaha. Haddii aad wax su'aalo ah ka qabto, weydii dhakhtar ama kalkaaliyaha.

Wakhtigii Qoraalka 6/21

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota