Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Siyaabaha Kala Duwan ee Dhaqdhaqaaqa Murqaha (SKDDM)

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay SKDDM?

SKDDM waa siyaabaha kala duwan ee dhaqdhaqaajinta murqaha. Siyaabahaas waxaa ka mid ah fadhiga, socodka iyo adeegsiga kala duwan ee dhaqdhaqaajinta oo kala ah shan nooc. Noocyada dhaqdhaqaaqa waxa ay waalidka iyo shaqaalaha caafimaadka ku caawiyaan warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqa ilmaha ee wakhtiga xaadirka ah, waxa kale oo laga helaa fikrad nooca qalabka dhaqdhaqaaqidda mustaqbalka ee ilmuhu u baahan yahay (sida ulaha kilkilaha la gashto ee lagu boodo, bir shaagag leh oo la riixdo ama kursiga curyaanka). Qalabka noocan ah waa kuwa loo diyaariyo ilmaha ku sugan xaalad ay ku dhasheen oo ah naafannimada neerfaha.

 

Maxay kala yihiin heerarka dhaqdhaqaaqa?

Hoos ka akhriso qeexid kooban oo ah heerarka kala duwan:

  • Heerka 1-aad: Socod aan xadidnayn
  • Heerka 2-aad: Socod xadidan
  • Heerka 3-aad: Qof isticmaala wax socodka ku caawiya sida (ulo lagu boodo ama wax la riixdo)
  • Heerka 4-aad: Dhaqdhaqaad xadidan, suurtogal tahay inuu ku socdo qalabka (kursi shaagag leh ama mootada curyaanka)
  • Heerka 5-aad: Qof lagu qaado kursiga curyaanka ee gacanta lagu riixo ama mid leh matoor iyo barkin madaxa celisa.

Wixii ka yar 2-jir

  • Heerka 1-aad: Ilma yar oo sameyn kara dhaqaaqyo kala duwan, fariisasho, guurguurasho uu adeegsado gacmaha iyo jilbaha, kor u istaagid iyo tallaabsasho uu sameeyo isagoo meelo qabsanaya. Ilmuhu wuxuu socdaa inta u dhaxeysa 18 bilood iyo laba sano iyagoo aan u baahneyn wax qalab ah oo caawiya.
  • Heerka 2-aad: In ilmuhu caadi u fariisto isagoo cuskanayo gacmahiisa. Inuu sameyn kara guurguurasho caadi ah. Meel ku istaagid iyo tallaabo qaadid iyadoo uu meel qabsanayo.
  • Heerka 3-aad: Dhulfadhiga oo dhabarka hoose caawinayo. Horey u siqidda caloosha.
  • Heerka 4-aad: Ilmo madaxiisa ceshan kara balse u baahan qalab caawiya marka uu dhulka fadhiyo. Ilmo is rog-rogi kara.
  • Heerka 5-aad: Ilmo aan iskii u dhaqdhaqaaqi karin. Marka ilmuhu fadhiyo waa in lagu caawiyo in loo celiyo madaxa iyo qaar dambe.

Inta u dhaxeysa 2-jir iyo 4-jir

  • Heerka 1-aad: Sameynta fadhi iyo istaagid aan la caawineyn. Carruurta xaaladdan ku sugan waa kuwa socon kara.
  • Heerka 2-aad: Sameynta fadhi iyo istaagid aan la caawineyn. Awooda inuu iskii u istaago. In ilmuhu ku socdo darbiyada ama alaabta aqalka iyo qalab caawiya.
  • Heerka 3-aad: Carruurta oo ku xamaarta caloosha ama guurguurta. Mid awooda in uu kaco, qaadana dhowr tilaabo. Awooda inuu waxyar socdo isagoo isticmaalaya qalabka lagu socdo iyada oo uu qof weyn isha ku hayo.
  • Heerka 4-aad: In ilmuhu fariisan karo marka dhulka la dhigo balse uu gacmahiisa cuskado. Inay jirto baahi qalab ilmaha ku caawiya fadhiga iyo istaagidda. In ilmuhu sameyn karo ku-siqid ah caloosha ama guurguurasho yar.
  • Heerka 5-aad: Carruurtu waxay u baahdaan qalab ku caawiya fadhiga iyo istaagidda. Maba jiraan wax dhaqdhaqaaq ah ama qaarkood ayaa isticmaala kursiga curyaanka nooc koronto ku shaqeeya.

Inta u dhaxeysa 4-jir iyo 6-jir

  • Heerka 1-aad: Ilmo istaagi kara ama u fariisan kara iskiis. Carruurtu gudaha ayey soo galaan, waa ay baxaan oo jaranjarada ayey fuulaan. Waxay bilaabaan orod iyo boodbood.
  • Heerka 2-aad: Carruurtu kursi ayey ku fariisan karaan. Waa ay istaagi karaan iyaga oo dhulka ka kacaya balse meel siman ayey u baahan yihiin. Wax yar ayey ku socon karaan dhul siman. Iyagoo meelaha geesaha qabsanaya ayey fuuli karaan jaranjaro. Maba jiraan wax ah orod ama boodboodid.
  • Heerka 3-aad: Carruurtu waxay ku fariisan karaan kursi balse waa in la caawiyo. Waxay ku socon karaan wax ay gacantooda ku qabsadaan. Marka la caawiyo ayey jaranjaro fuuli karaan.
  • Heerka 4-aad: Carruurtu waxay u baahdaan in dhexda la qabto markay fadhiyaan. Waxay isticmaalaan qalab ay wax yar ku socon karaan. Dhaqdhaqaaqiddu waxa ay u suuroobeysaa marka ay isticmaalayaan kursiga curyaanka.
  • Heerka 5-aad: Dhamaan shaqada murqaha oo xadidan. Awood umaleh inuu dhaqdhaqaaqo.

Inta u dhaxeysa 6-jir iyo 12-jir

  • Heerka 1-aad: Carruurtu waxay ku dhex socdaan guriga, iskuulka, bannaanka, iyo meelaha bulshada. Carruurtan way ordaan waana boodboodaan, laakiin dheellitirka ayey dhib ku qabaan.
  • Heerka 2-aad: Carruurtu waxay ku dhex socdaan meelo badan. Waxaa dhib ku ah dhulka kala sarreeya. Iyagoo la caawinayo ayey ku socon karaan bannaanka iyo meelo kale. Orodkooda iyo boodboodkoodu waa uu yar yahay.
  • Heerka 3-aad: Carruurtu waxa ay ku socdaan wax ay gacanta ku haystaan. Waxay u baahan yihiin kursiga curyaanka marka ay meel dheer aadayaan. Iyagoo haysta geesaha ayey jaranjarada fuuli karaan ama ka degi karaan.
  • Heerka 4-aad: Carruurtu waxay u baahan yihiin in lagu caawiyo fadhiga iyo kala wareejinta. Carruurtu guriga markay joogaan ayey is-rogrogi karaan ama xoogaa ku dhex socsocdaan marka la caawinayo, ama waa inay isticmaalaan kursiga curyaanka. Meelaha fogfog carruurtu waxay isticmaalaan kursiga curyaanka ama kursi koronto ku shaqeeya.
  • Heerka 5-aad: Carruurta waxaa meel kasta lagu geeyaa kursiga curyaanka. Waa in la xambaaro marka laga beddelayo fadhiga ama dhinac ay u yaallaan.

Inta u dhaxeysa 12-jir iyo 18-jir

  • Heerka 1-aad: Waxay ku dhex socdaan guriga, iskuulka, bannaanka, iyo meelaha bulshada. Carruurtan way ordaan waana boodboodaan, laakiin dheellitirka ayey dhib ku qabaan.
  • Heerka 2-aad: Meel kasta waa ay ku socon karaan. Iskuulka ama goobaha shaqada waxay isticmaalaan qalab ay gacantooda ku wadan karaan si ay u bidqabaan. Bannaanka iyo meelaha kale ee fogfog waxay isticmaalaan kursiga curyaanka. Jaranjarada waxay fuuli karaan ama ka degi karaan markay qabsadaan geesaha.
  • Heerka 3-aad: Kurayadan waxay socdaan iyagoo haysta qalab socodka ka caawinaya. Iskuulka iyo meelaha kale waxay istcimaalaan kursiga curyaanka ama mid koronto ku shaqeeya. Jaranjarada waxa ay fuuli karaan ama ka degi karaan markay qabsadaan geesaha.
  • Heerka 4-aad: Kurayadan waxay meel kasta u isticmaalaan kursiga curyaanka. Waxay u baahdaan hal ama laba qof oo ku caawiya fuulidda iyo degidda. Waxay isticmaalaan kursi ku shaqeeya koronto. Iyagoo isticmaalaya wax ay riixdaan ayey guriga ku dhex socdaan.
  • Heerka 5-aad: Kurayadan waxaa meel kasta lagu geeyaa kursiga curyaanka. Dhaqdhaqaaqoodu waa uu yar yahay oo waxaa ugu wacan celinta madaxa, jirka kale iyo xakamaynta dhaqaaqa gacmaha iyo lugaha. Si meel loo dhigo waxa ay u baahan yihiin in ay qaadaan hal ama laba qof ama in lagu qaado qalab wiish oo kale ah.

Su’aalo?

Macluumaadka halkan ku qoran ma aha mid gaar ku ah ilmahaaga, laakiin wuxuu ku siinayaa macluumaad guud. Fadlan la xiriir shaqaalaha caafimaadka ilmahaaga haddii aad su’aalo qabto.

Shabakadda intarnetka ee ka hadleysa siyaabaha kala duwan ee dhaqdhaqaaqa murqaha ama GMFCS-E&R, CanChild website, ayaad ka helaysaa faahfaahin ku qoran dhowr luuqadood.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota