Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Wadnaha oo hawshiisa gabay (Somali)

Article Translations: (English) (Spanish)

Maxay tahay wadnaha oo hawshiisa gabay?

Shaqa gabka wadnahu waxa uu yimaadaa marka uu wadnahu awoodi waayo in uu dhiigga u soo saaro sidii la rabay. Tani waxay keeni kartaa in dhiiga iyo dareere ku ururaan sambabada, beerka iyo xubnaha kale, taasoo keenta in wadnahu shaqo badan sameeyo si uu jirka u gaarsiiyo dhiiga.

Hawl-gabnimada wadnaha la mid ma aha wadnahoo istaaga.

Maxaa sababa wadnaha oo hawshiisa gaba (CHF)?

Hawl-gabka wadnaha ee caruurta waxa uu ku yimaadaa cilad xaga wadnaha ah ee lagu dhasho. Waxaa suurtowda, inuu wadnuhu duleelo ama uu jiro xidid dheeraad ah. Ciladaha wadnaha ee lagu dhasho dhamaantood ma sababaan wadnaha inuu hawl-gab noqdo. Xaalada kale ayaa keeni kara in uusan wadnahu si fiican u shaqaynin, keentana wadnaha oo hawshiisa gaba.

Maxay yihiin calaamadaha hawl gabka wadnaha?

Si tartiib ah bay u bilaabataa calaamada hawl-gabka wadnaha, waxaa markiiba garan kara cunugga isbadalkiisa waalidka. Calaamada haas markasta ma sheegayaan hawl-gab wadnaha, laakiin wac bukaan socodka, haddii aad ku aragtid cunugaaga. Calaamadaha hawl-gabka wadnuhu waa:

  • Dhakhso u neefsasho
  • san baloolin
  • hinraagid neeftoo ku adag awgeed
  • neef tuur
  • qufac daba dheeraada
  • ilmo dudaya marka uu jiifo oo loo qaato in kor u fariisto
  • kaadida oo yaraata inta badan
  • wejiga ama jirka intiisa kale oo dhidida (badanaa marka uu wax cunayo)
  • cunida iyo cabidda oo ku dheeraata
  • cunid yar yar inta badan
  • miisaan koridda oo yar
  • hurdo badan oo u baahan in loo toosiyo cuntada
  • midabka jirka oo isbadala ama bushimaha
  • cagaha ama gacmaha oo mar kasta qabow
  • gacmaha, cagaha, ama xiribaha indhaha oo bararsan

Goormaan wacaa dhakhtarka?

Markad aragtid calaamadaha hawl-gabka wadnaha wac dhakhtarka.

Sidee loo daryeelaa hawl-gabka wadnaha?

Hawl-gabka wadnaha waxaa lagu maareeyaa daawo ama qaliin. Daawooyinka lagu xakameeyo astaamaha hawl-gabka wadnaha waxaa ka mid ah:

  • daawo keenta kaadi badan, sida (Lasix®) oo ka saarta jirka biyaha siyaadada ah
  • daawooyinka ay ka mid tahay sida (carvedilol) oo loo isticmaalo in ay wadnaha xoog uga shaqaysiiso
  • Daawooyinka sida (enalapril) oo loo isticmaalo in ay dajiso dhiig karka, kana qaada culayska wadnaha
  • Haddii sababaha keena hawl-gabka wadnaha aysan iskii u hagaagin, waxaa suurtogal noqon karta in qaliin lagu hagaajiyo 

Su’aalo?

  • Warqadan gaar uma ah ilmahaaga, laakiin waa warbixin guud. Haddii aad qabtid su’aallo, fadlan soo wac dhakhtarka.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota