Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

DAAWADA SUUXINTA EE PROPOFOL (DIPRIVAN)

Article Translations: (English) (Spanish)

Waa maxay suuxintu?

Suuxintu waa xaalad ay daawo keento si ilmaha loogu seexiyo marka lagu sameynayo baaris ama qalliin.

Waa wax aad muhiim u ah si aysan ilmuhu u nuuxnuuxsan marka lagu sameynayo baaris ama qalliin u ah lagama maarmaan. Propofol (pro-po-fool) waa daawo suuxinta loo qaato oo si dhakhso ah ayey ilmaha u seexisaa.

Sida dawooyinka kale, daawada suuxinta waxay leedahay dhib, dheef, iyo khatar. Dhakhtarka ayaa kuu sheegi doona wax kasta. Balse adiguna xusuuso in aad dhakhtarka weydiiso wixii su'aalo ah ee aad qabto ka hor inta aadan saxiixin waraaqda oggolaanshaha suuxinta.

Daawada suuxinta ee propofol intaan la bilaabin ka hor, gabdhaha baaluqa ah ama ay da'doodu tahay 10 jir ama ka weyn, AMA gabar kasta oo xaas ah waxaa khasab ah in la baaro in ay uur leedahay. Daawada suuxinta waxa ay khatar weyn ku keeni kartaa gabdhaha uurka leh, sidaas awgeed waxaa khasab ah in gabar kasta la hubiyo in ay uur leedahay iyo in kale si looga hortago wixii dhib ah. Haddii la rabo in la hubiyo in ay gabar uur leedahay, waxa laga qaadayo waa kaadi si loo soo baaro.  Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, akhriso macluumaadka qoraalka ah ee "Hubinta uurka ee ka soo horreysa baarista muhiimka ah" [“Pregnancy testing before a procedure”].

Badqabidda ilmaha awgeed, baarista ka hor waa in laga joojiyo cuntada ama cabitaanka. Raac talooyinla kalkaaliyaha ama baarista ayaa dib u dhacaysa ama baaqaneysa.

Waa in baarista isbitaalka ka hor ballan wiisito ah ilmaha loogu geeyo dhakhtarkooda caadiga ah 30 maalmood gudahood.

Sidee bay u shaqeysaa propofol?

Propofol waa daawo uu yar yahay wakhtiga ay ku shaqeyso oo qiyaas yar ayaa hurdo keenta, balse qiyaasteeda badan ayaa suuxid keenta. Waxaa ilmaha laga siiyaa tuubo yar oo faleebbe ahaan xidid ugu jirta (IV). Faleebbaha xididka la geliyo waa xoogaa xanuun yar. Waxa ilmaha lagu caawin karo waa in aad si fiican u qabataan adiga iyo shaqaalaha, daawo ah kabuubyo, iyo in la mashquuliyo si loogu diyaariyo daawada.

Propofol waa daawo si dhakhso ah jirka u gasha, badanaaba wax ka yar hal daqiiqo. Sidoo kale waa daawo wakhti yar shaqeyneysa, oo waxa ay jirka ka baxeyso waa 5 daqiiqo ilaa 20 daqiiqo gudahood. Baaris kasta sida ay u badan tahay waa in daawadan la isticmaalo dhowr jeer. Baarista muddada dheer soconeysa, dawada waa in loo qaato faleebbe ahaan ah xidid inta ay baaristu socoto oo dhan. Wakhti dheer marka la isticmaalo, muddo dheer ayey jirka ku sii jireysaa. Wakhtiga ay ilmuhu soo naaxayaan waa uu kala duwan yahay. Waa in ay ilmuhu iska hurdaan ilaa ay iskood u soo kacaan.

Waa maxay waxyeellada daawada?

Neefsasho weyn oo gaabis ah ayaa ah waxyeellada ugu badan ee la arko. Sababtaas awgeed carruurta waxaa la siiyaa ogsajiin. Taxaddar ahaan ayaa loo isticmaalaa qalabka lagula socdo wadnaha, neefsashada iyo cabbirka cadaadiska dhiigga. Carruurta qaar ayaa u baahda qalab ku caawiya neef ah ogsijiin iyo gafuurxir. Marar dhif ah, carruurtu waxay u baahdaan tuubo in ay ku neefsadaan inta ay baaristu socoto.

Propofol waxay yareyn karaa cabbirka cadaadiska dhiigga. Cabbirka cadaadiska dhiigga ilmaha si dhow ayaa loola socon doonaa oo waxaa la siin karaa faleebbe ka hor ama inta ay socoto baaristu si loogu caawiyo cabbirka cadaadiska dhiigga inuu caadi u ahaado.

Shaqaalaha suuxinta waa ay joogi doonaan inta ay socoto baarista si ay ilmaha uga war hayaan iyo si ay wax uga qabtaan waxyeellada kor ku qoran.

Carruurta qaar ayaa dhaqaajiya murqahooda marka ay daawadu seexineyso. Waa wax caadi ah.

Maxaa dhacaya marka baaristu dhammaato?

Propofol si dhakhso ah ayey jirka uga baxdaa. Badanaaba, carruurtu si aan dhib lahayn ayey u soo naaxaan. Mararka qaarkood ayaa lagu arkaa caajis yar, laakiin sidaasina badanaa waxay dhacdaa wakhti aad u yar. Waxa ay daawooyinka kale kaga duwan tahay waa in marar dhif ah matag la arko.

Waxaa ilmaha la socon doona kalkaalisada suuxinta ilaa ay daawadu jirkooda ka baxdo. Bukaansocodka waa in ay ku soo naaxaan isla qeybtii baarista ama, qeybta Adeegyada Suuxinta iyo Baarista (SPS). (Waa in ilmaha lala joogo qeybta suuxinta ee SPS.) Bukaanjiifka waxa ay ku laaban doonaan qeybtii ay jiifeen oo kalkaaliyeyaal ayaa ka warhayn doona ilaa iyo inta ay ilmuhu caadigoodii ku soo noqononayaan.

Sidee u daryeelaa ilmahayga?

In kasta oo ay propofol jirka ilmaha ka baxayso qiyaastii 10 ilaa 20 daqiiqo ka dib, carruurta qaarkood ayaa iska hurda wakhti dheer. Hurdadaas waa mid caadi ah. Waxaa fiican in lala hadlo ilmaha oo la maqashiiyo codka waalidka iyadoo gacanta la hayo marka ilmuhu soo naaxayo.

Saameynta ugu badan ee propofol waa wax ka baxa jirka ilmaha marka guriga loo sii kaxeynayo. Isla markiiba ilmuhu wax buu cuni karaa oo wax buu cabbi karaa, haddii aysan jirin sabab kale oo looga celiyo oo ah baaris kale awgeed. Marka guriga la keeno ilmaha, si caadi ah ayuu u ciyaari karaa, balse waa in isha lagu hayo iyada oo aan waxba laga celineyn. Waxaa laga yaabaa in ilmuhu wareer dareemo ama dayoobo, sidaas awgeed waxaa khasab ah in isha lagu hayo si uusan dhaawac u soo gaarin.

Haddii ilmuhu gaaray da' uu ku kaxeysto baabuurka, ma kaxeyn karo baabuur ama qalab mashiin leh oo laga shaqeysiiyo ilaa iyo 24 saac dawaada suuxinta ka dib.

Goorma ayaan la soo xiriirayaa dhakhtarka?

  • mar kasta oo aad su'aal ka qabto baarista ama jawaabaha
  • marka ilmuhu matago laba jeer ka badan
  • markaad ilmaha ku aragto xanaaq badan
  • markaad ilmaha hurdo ka toosin weydo
  • calaamado ah allarji ama xasaasiyad:
    • qandho ama qarqaryo
    • finan yaryar ama waaweyn
    • hiinraagid
    • haddii ay ilmaha neefta ku adag tahay -  garaac 911.

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad su'aalo qabto, fadlan garaac lambarka taleefanka ay ku soo siiyeen dhakhtarka ama kalkaalisada. Haddii uu kiliniggu xiran yahay, soo garaac taleefanka kalkaalisada tooska ah ee 952-931-3515 si aad ugu sheegto wixii calaamado ama dhib ah.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota