Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

HABRAACA SUUXINTA IYO BAARISTA

Article Translations: (English) (Spanish)

Waxaa ilmahaaga loo ballamiyey baaris la rabo in uusan is-dhaqaajin si loogu helo jawaabo fiican ama waxaa uu ilmuhu dareemi doonaa xoogaa xanuun ah.

Carruurta yaryar badankoodu jirkooda ayey dhaqaajiyaan marka ay soo jeedaan. Waxaa lagu suuxin karaa daawo hurdo gelisa jirkooda si aysan isu dhaqaajin inta ay baaristu u socoto.

Baarista iyo habraacyada qaarkood, waalidku ilmahooda ayey la joogi karaan ilaa inta la suuxinayo oo keliya.

Sida dawooyinka kale, daawada suuxinta waxay leedahay dhib, dheef, iyo khatar. Kalkaaliyaha suuxinta ayaa waalidka u akhrin doona wax kasta ugana jawaabi doona wixii su'aalo ah ka hor intaan la suuxin ilmaha yar.

Daawada suuxinta intaan la bilaabin ka hor, gabdhaha baaluqa ah ama ay da'doodu tahay 10 jir ama ka weyn, AMA gabar kasta oo xaas ah waxaa khasab ah in laga soo baaro in ay uur leedahay. Daawada suuxinta waxa ay khatar weyn ku keeni kartaa gabdhaha uurka leh, sidaas awgeed waxaa khasab ah in gabar kasta la hubiyo in ay uur leedahay iyo in kale si looga hortago wixii dhib ah. Haddii la rabo in la hubiyo in ay gabar uur leedahay, waxa laga qaadayo waa kaadi si loo soo baaro.  Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, akhriso macluumaadka qoraalka ah ee "Hubinta uurka ee ka soo horreysa baarista muhiimka ah" [“Pregnancy testing before a procedure”].

Badqabidda ilmaha awgeed, baarista ka hor waa in laga joojiyo cuntada iyo cabitaanka. Raac talooyinka kalkaaliyaha ama baarista ayaa dib u dhacaysa ama waa ay baaqaneysaa.

Waa in baarista isbitaalka ka hor ballan wiisito ah ilmaha loogu geeyo dhakhtarkooda caadiga ah 30 maalmood gudahood.

Waa maxay daawada ilmaha la siinayo?

Nooca daawada ah ee la isku suuxiyo ee ilmaha waxa ay ku xiran tahay da'da, miisaanka, iyo baarista la marsiinayo. Dhakhtarka ayaa go'aamin doona daawada ugu fiican. Carruurta qaar waxay daawada u baahan karaan in ka badan hal qiyaas si loo suuxiyo ama loogu sameeyo baarista oo dhan.

___ Daawada afka laga qaato:                                             (magaca daawada)

Waalidka oo dhabta ku haya ayaa daawadan ilmaha la siinayaa. Carruurtu waxay ku luloodaan qiyaastii 5 ilaa 15 daqiiqo oo si fiican ayey u seexan karaan ama 20 ilaa 40 daqiiqo ayey daawadu jirkooda galeysaa.

___ Daawada dabada laga qaato:                                    (magaca daawada)

Daawadan dabada ayaa ilmaha laga siinayaa. Carruurtu waxay ku luloodaan 10 ilaa 15 daqiiqo oo si fiican ayey u seexan karaan 20 ilaa 45 daqiiqo, balse waxay ku xiran tahay daawada la isticmaalo.

___ Daawada xididka laga qaato:                                    (magaca daawada)

Kalkaaliyaha ayaa faleebbe (tuubo aad u yar) ka gelineysa xididka gacanta ama xididdada cagta ee ilmaha. Faleebbaha xididka la geliyo waa xoogaa xanuun yar. Waxa ilmaha lagu caawin karo waa in aad si fiican u qabataan adiga iyo shaqaalaha iyo in la mashquuliyo si loogu diyaariyo daawada. Haddii ay ilmaha u diyaarsan tahay faleebbe xidid ugu jira, kaas ayaa la isticmaali karaa. Marka xididku diyaar yahay, kalkaalisada ayaa daawada ka siin doonta. Waxaa laga yaabaa in ilmuhu dareemo xanuun yar.

Carruurtu waa ay luloodaan oo si fiican ayey u seexan karaan ama 1 ilaa 5 daqiiqo ayaa daawada lagu siiyaa, oo waxay ku xiran tahay nooca daawada.

Haddii baaristu dhib ku noqoto, daawo loo qaato xanuunka, sida moorfiin ama fentaniil, ayaa ilmaha laga siin karaa xididka, oo waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha suuxinta.

___ Daawo muruqa (IM) laga qaato:                           (magaca daawada)

Daawadan waxaa cirbad ahaan looga qaataa muruqa (tallaal ahaan). Xoogaa yar ayey xanuun keentaa. Waxa ilmaha lagu caawin karo waa in aad si fiican u qabataan adiga iyo shaqaalaha iyo in la mashquuliyo si loogu diyaariyo daawada. Carruurtu waxay ku luloodaan 5 ilaa 15 daqiiqo oo si fiican ayey ugu seexan karaan 10 ilaa 20 daqiiqo.

____Daawo sanka laga qaato:                                               (magaca daawada)

Daawadan waa mid lagu buufiyo sanka ilmaha. Carruurtu waxay ku luloodaan 5 ilaa 25 daqiiqo, oo waxay ku xiran tahay nooca daawada.

Waa maxay waxyeellada daawada?

Waxyeelladu waxa ay ku xiran tahay daawada la isticmaalo.

Siday u badan tahay

  • xanaaq
  • dheellitir liita
  • hurdo ah dhowr saacadood

Mararka qaarkood

  • dabeecad beddelan
  • Salfudeyd
  • lallabbo (calool-xanuun)
  • laabjeex (gaas)
  • dawakhaad
  • hiko

Qaar ka mid ah daawooyinka suuxinta waxay sababi karaan hoos u dhac ah naqaska iyo garaaca wadnaha ilaa iyo heer ay neefsashadu dhib noqoto. Waxyeelladaasi waa dhif iyo nadir. Haddii ay taasi dhacdo, ilmuhu wuxuu u baahan doonaa in lagu caawiyo neefsashada si looga joojiyo khatartaas.

Si fiican ayaa isha loogu hayn doonaa inta uu ilmuhu suuxsan yahay. Shaqaaluhu waxay isticmaalaan qalab ay kula socodaan garaaca wadnaha, neefsashada, iyo heerka ogsajiinta.

Maxaa dhacaya marka baaristu dhammaato?

Waxay ilmuhu ku soo naaxaan wakhtiyo kala duwan. Carruurta qaar ayaa si dhakhso ah u soo naaxa, qaarna wakhti dheer ah ayey ku qaataa, qaarna xanaaq ayaa lagu arkaa. Waxa kale oo dhici karta in ilmuhu dareemo lallabo ilaa ay fiicnaadaan. Marka la sabaaliyo ayey ilmuhu hurdoon karaan ilaa ay ka baxdo suuxinta. Kalkaalisadu ilmaha oo hurda ayey ka war hayneysaa oo waxay ka eegeysaa wadnaha, dhiigga iyo naqaska.

Waxaa ilmaha loo wareejin karaa qeybta soo-naaxidda, ama waxaa lagu hayn karaa qeybta bukaanjiifka oo kalkaaliso ayaa la soconeysa ilaa uu ilumuhu soo naaxo.

Isla markiiba lama heli karo jawaabaha ka soo baxa baarista. Jawaabaha qaarkood oo dhakhso la ogaado waxaa kuu sheegaya dhakhtarkii baarista dalbay ama dhakhtarka ilmahaaga.

Sidee baan u daryeeli karaa ilmahayga?

Daawooyinka suuxinta qaar ayey saameyntoodu qaadataa ilaa iyo 24 saac. Waxaa laga yaabaa in ilmuhu luloodo ama xanaaq badan lagu arko 2 ilaa 8 saacadood ka dib marka la siiyo daawada suuxinta. Wakhtigu waa uu kala duwanaan karaa oo waxa ay ku xiran tahay hurdo la’aanta, hurdo yaraanta, nooca hurdada shakhsiga ah, iyo nooca daawada.

Waxa uu ilmuhu u baahan doonaa in uu seexdo ka dib marka laga kaxeeyo goobta baarista. Marka ilmuhu seexdo suuxinta ka dib waxaa ka yaraanaya xanaaqa.

Cunto ama cabitaan ha siin ilmaha ilaa uu si fiican u soo naaxo. Marka ilmuhu soo naaxo waxaad siisaa wax dareere ah oo aayar ugu sii bilow cuntada caadiga ah. Dareereyaasha khafiifka ah waxaa ka mid ah biyaha, casiirka tufaaxa, Jalaato-bac dhuudhuuban®, Jell-O®, iyo Kool-Aid®. Marna ha siin nacnac adag, xanjo, caano, ama casiirka liin laga miiray ama oranjo, suuxinta ka dib.

Waxaa laga yaabaa in ilmuhu wareer dareemo ama dayoobo, sidaas awgeed waxaa khasab ah in isha lagu hayo si uusan dhaawac u soo gaarin. La joog oo si taxaddar leh u ilaali ilmaha mar kasta marka uu guurguuranayo,  soconayo, ama musqusha aadayo. Waa in uusan ilmuhu kaxeysan baaskiil ama alaabta lagu ciyaaro ilaa ay ka dhammaato saameynta daawada suuxinta. Muhiim: Waa in ilmaha baabuur lagu kaxeynayo lagu fariisiyo kursiga ilmaha ama suunka lagu xiro haddii uu weyn yahay. Haddii ilmuhu gaaray da' uu ku kaxeysto baabuurka, ma kaxeyn karo baabuur ama qalab mashiin leh oo laga shaqeysiiyo ilaa iyo 24 saac dawaada suuxinta ka dib.

Goorma ayaan la soo xiriirayaa dhakhtarka?

  • markaad su'aal ka qabto baarista ama jawaabta
  • marka ilmuhu matago laba jeer ka badan
  • markaad ilmaha ku aragto xanaaq badan
  • markaad ilmaha hurdo ka toosin weydo
  • haddii ay ilmaha neefta ku adag tahay - garaac 911

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud. Haddii aad su'aalo qabto, fadlan garaac lambarka taleefanka ay ku soo siiyeen dhakhtarka ama kalkaalisada. Haddii uu kiliniggu xiran yahay, soo garaac taleefanka kalkaalisada tooska ah ee 952-931-3515 si aad ugu sheegto wixii calaamado ama dhib ah.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota