Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

CPR (GARGAARKA DEGDEGGA AH)

Article Translations: (English) (Spanish)

CPR waa xarfo la isku soo gaabiyey oo u taagan.

C = cardiac (heart / wadnaha)
P = pulmonary (lungs / sambabbada)
R = resuscitation (to recover / in la soo nooleeyo)

Qof kasta oo baaluqa waa qof weyn.
Carruur waa hal jir ilaa la gaaro baaluqid.
Nuunne waa ilaa iyo hal jir.

Hubi xaalka qofka

  1. Qabo madaxa iyo luqunta, u seexi qofka dhabarka, ama dhacdiid ahaan, meel adag dusheed.

          

2. Taabo oo la hadal, "Ma i maqleysaa?"

3. Haddii aad jawaab ka weydo, u qeyli dadka, "Na Caawiya!"

- Haddii uu qof yimaado, u sheeg in uu garaaco 911 iyo in laguu raadiyo qalabka wadnaha lagu kiciyo (automatic external defibrillator ama AED) haddii la heli karo.
- Haddii aad keligaa tahay, degdeg u garaac 911; nuunneyaasha iyo carruurta ku bilow 2 daqiiqo oo ah CPR ama gargaar degdeg ah inta aadan taleefanka garaacin. Soo qaado qalabka lagu kiciyo wadnaha ama AED haddii aad heli karto.

4. Hubso haddii uusan qofku neefsan karin ama uusan caadi ahayn (sida in uu neef ama naqas raadinayo) 5 ilaa 10 ilbiriqsi:

C - Garaacista Xabadka (Chest Presses)

  1. Degdeg uga leexi dharka xabadka.

Qofka weyn:

  • Calaacasha hal gacan qeybta dambe ee suulka ku qabo bartamaha lafta xabadka.
  • Gacanta kale kor saar, farahaaga ka fogee xabadka oo toosi xusulladaada.

Carruurta:

  • Calaacasha hal gacan qeybta dambe ee suulka ku qabo bartamaha lafta xabadka wadnaha agtiisa. (Labada gacmood is kor saar haddii aad u baahato.)

Nuunneyaasha:

  • 2 farood dul saar bartamaha lafta xabadka, meel la siman ibta labada naas. (Iska hubso farahaagu inaysan gaarin dhinaca hoose ee lafta xabadka.)

  1. Si degdeg ah u riix:
  • Hoos u riix
  • 2 inji hoos u riix carruurta iyo qofka weyn.
  • 1/3 ah xabadka (qiyaastii 1½ oo inji) nuunneyaasha.
  • 30 garaacid oo qiyaastii ah ugu yaraan 100 halkii daqiiqo
  • Xabadku kor ha u soo kaco mar kasta oo aad riixdo

Si dhakhso ah u isticmaal qalabka wadnaha lagu kiciyo ee AED haddii aad heli karto.

A – Neefmareenka (Airway)

Si aad hawamareenka ugu furto janjeeri madaxa oo garka kor ugu qaad.

Haddii aadan afka uga neefsan karin, ku sii wad garaacista xabadka.

B – Neefsashada (Breathing)

  • Bishimahaaga dul saar bishimaha qofka. Sanka carruurta labada duleel far iyo suul ku qabo
  • Bishimahaaga ku wada qabo nuunneyaha bishimahiisa iyo sankiisa.
  • 2 mar ku neefso, neef ku filan oo xabadka kor u soo qaadi karta xoogaa (markiiba 1 il-biriqsi)

  • Haddii xabadku xoogaa kor u soo kici waayo, madaxa leexi oo ku neefso 2 mar oo kale. Haddii uu weli xabadku kor u soo kici waayo xoogaa, neefmareenka ayaa xiran. Garaacista ku sii wad xabadka, laakiin fiiri neefmareenka ka hor intaadan ku neefsan. Haddii aad aragto wax ku dhex jira, ka soo saar.

Ku sii wad 30 mar oo ah garaaciska xabadka iyo 2 mar oo ah neef ilaa 5 jeer ama qiyaastii ilaa 2 daqiiqo.

Ku samee CPR ilaa uu qofku soo naaxo (ama uu nuuxin karo jirkiisa), ama ilaa ay yimaadaan shaqaale kale.

Haddii uu qofku neefsanayo laakiin uusan hadleyn:

  • Ka jooji CPR.
  • Neeftiisa la soco ilaa ay u yimaadaan shaqaale kale.
  • Haddii uusan dhaawac jirin, qofka u seexi hal dhinac. Ha qalloocin madaxa, luqunta, ama jirka kale markaad dhinaca u seexineyso.
  • Xataa haddii qofku neefsanayo oo uu kula hadlayo, si kasta waa in ay qofkaas aambalaas u kaxeyso isbitaalka.

Muhiim

Waraaqdan waa dulmarid ah farsamada la isku baro gargaarka degdegga ah ama CPR. Wax kasta halkan kuma dhammeystirna. Waxaa khasab ah in farsamada lagu barto boombale ama caag qof u eg iyada oo uu macallin joogo. Farsamada la raacayo laguma baran karo qof caadi ah. 

Tixraacidda Degdegga ah ee CPR

C - Hubi xaalka qofka

 

  • Dhabarka u dhig meel siman oo adag.
  • Taabo oo la hadal, "Ma i maqleysaa?"

 

Qiimee xaaladda:

  • Dadka waaweyn u garaac 911; nuunneyaasha iyo ilmaha ku samee 2 daqiiqo oo ah CPR ka hor intaadan garaacin 911. Soo qaado qalabka lagu kiciyo wadnaha ama AED haddii aad heli karto.
  • Iska hubi neeftu in ay caadi u tahay ama aysan u ahayn. Haddii aysan jirin neefsasho caadi ah, ku sii wad garaacista xabadka.

Garaacista xabadka:

  • Ka leexi dharka xabadka.
  • Dadka waaweyn: Calaacasha 1 gacan qeybta dambe ee suulka ku qabo bartamaha lafta xabadka wadnaha agtiisa. Gacanta kale kor saar tii hore.
  • Carruurta: Calaacasha hal gacan qeybta dambe ee suulka ku qabo bartamaha lafta xabadka wadnaha agtiisa. (Labada gacmood is kor saar haddii aad u baahato.)
  • Nuunneyaasha: 2 farood dul saar bartamaha lafta xabadka, meel la siman ibta labada naas. (Iska hubso farahaagu inaysan gaarin dhinaca hoose ee lafta xabadka.)
  • Si xoog iyo degdeg ah:
    - 2 inji hoos u riix qofka weyn/carruurta
    - 1/3 xabadku hoos ha u dego balse nuunneyaasha (qiyaastii 1 ½ inji)
    - 30 garaacis oo gaareysa 100 jeer halkii daqiiqo.
  • Si dhakhso ah u isticmaal qalabka wadnaha lagu kiciyo ee AED haddii aad heli karto.

A – Neefmareenka (Airway)

 

  • Madaxa gadaal u leexi / garka kor u qaad oo afka u fur

 

B – Neefsashada

 

  • 2 mar ku neefso ka dibna xabadka ka garaac 30 mar.
  • Haddii xabadku xoogaa kor u soo kici waayo, ku sii wad garaacista xabadka, laakiin mar kasta oo aad u furto neefmareenka oo aad neef siineyso, eeg afka gudihiisa. Ka soo bixi haddii aad wax ku aragto.
  • Ku samee CPR ilaa uu qofku soo naaxo, ama ilaa ay yimaadaan shaqaale kale.
 


Barnaamijka CPR ee Qoyska iyo Asxaabta

Isbitaalka Children's Minnesota waxa uu qoysaska iyo asxaabta u hayaa banaamijka CPR ama gargaarka degdegga ah oo lagu baran doono BILAASH . Si aad isugu qorto, soo garaac 651-220-5279 oo taabo goobta aad rabto, #1 Minneapolis, ama #2 Saint Paul.

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad wax su'aalo ah qabto, fadlan kala hadal kilinigga aad la xiriirto ama shaqaalaha caafimaadka.

Wakhtiga Qoraalka 1/2021

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota