Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Caabuq Cusub oo Leh Calaamado Badan oo ku Dhaca Carruurta (MIS-C): Daryeelka Guriga

Article Translations: (English) (Spanish)

Waa maxay Caabuqa Cusub ee Leh Calaamadaha Badan ee ku Dhaca Carruurta (MIS-C)?

Caabuqan Cusub ee Leh Calaamadaha Badan ee ku Dhaca Carruurta (MIS-C) waa dhibaato la xiriirta COVID-19 oo dhif ah oo lagu arko carruurta. MIS-C waxa uu noqon karaa caabuq gala qeybo kala duwan oo jirka ka mid ah, sida wadnaha, sambabbada, kelyaha, maskaxda, maqaarka, indhaha, ama xubnaha kale ee caloosha (uurkujirta). Caabuqan cusub waxaa ugu horreyn la ogaaday 2020. Carruurta uu ku dhaco MIS-C waa kuwa ku dhawaaday COVID-19 dhowr toddobaad ka hor intaysan ku soo bixin calaamadaha caabuqa ee MIS-C, oo waxaa laga yaabaa in aan lagu arkin wax noqon kara calaamadaha infekshanka ee COVID-19. Maaddaama uu MIS-C wato calaamado badan oo kala duwan oo sababi kara caabuqyo kale, ilmahaaga waa in lagu sameeyo baarista MIS-C. MIS-C waa waxyeello cusub oo muddo dheer jirka saameyn ku yeelan karta oo weliba lama yaqaan.

Sidee baa loo daaweeyaa MIS-C?

Waxaa suuragal ah in ilmahaaga loo daaweeyo saddex siyaabood:

  • Faleebbe (IV) ah barootiinka difaaca jirka (IVIG). Dheecaanka ah difaaca jirka (barootiin) wax celiya oo ka saara unugyada difaaca walxo ay soo seyriyaan oo sababi kara caabuq.
  • Aasbiriin si looga daaweeyo caabuqa. Carruurta waxaa la siiyaa aasbiriin, aalaaba dhowr toddobaad ama bilo badan, ilaa uu ka joojiyo dhakhtarka wadnaha.
  • Daawooyin ah isteerooyd oo lagu yareynayo caabuqa. Xaaladaha qaarkood, carruurta guriga ayey ku qaadan karaan daawada isteerooydka ah iyagoo si aayar ah looga sii yareynayo.
  • Daawooyin ah antibiyootig oo lagu daaweynayo infakshanka kale oo noqon kara bakteeriyo.
  • Daawooyin dhiigga jilciya. Carruurta uu ku dhaco MIS-C waxay halis ugu jiraan in la arko dhiiggoodu inuu xinjiroobo.
  • Daawo looga hortago laabjeexidda oo lagu difaacayo xuubka caloosho si aysan waxyeello uga soo gaarin qaar ka mid ah daawada isteerooydka ah iyo daawooyinka kale.

Ballamo kale oo lagula socdo miyuu ilmahaygu u baahan doonaa?

Dhakhaatiirta ilmaha ayaa kugula talin doonta dhowr ballamood oo la idinkula soconayo maalmo ilaa toddobaadyo ka dib markaad guriga ku noqotaan, oo ballamahaasi waa:

  • wiisiteyn iyo dhiig-qaadis uu sameynayo dhakhtarka caadiga ah
  • sawir-qaadid baaris ah sida EKG iyo Echo uu sameyn doono dhakhtarka wadnaha
  • La-socosho ah daawada isteerooydka iyo heerarkeeda oo uu sameyn doono dhakhtarka dheecaanka gudaha

Sidee baan u daryeelayaa ilmahayga marka lagu daaweynayo isteerooyd?

Mararka qaarkood marka ilmaha xanuun looga daaweynayo isteerooyd, jirkoodu si ku meel gaar ah kaligiis uma sameysan karo wax isteerooyd ah. Dadka oo dhan jirkoodu wuxuu sameystaa kortisool (isteerooyd) maalin kasta, hadba in yar. Hormoonkan wuxuu muhiim u yahay nolosha iyo caafimaadka. Marka ay daaweynta isteerooydka ah ilmahaaga u sii dhammaaneyso, ilmahaaga waxaa arki doona dhakhtarka dheecaanka gudaha si loo eego haddii loo baahan yahay daaweyn dheeraad ah inta uu soo bogsanayo. 

Haddii ilmahaagu guriga ku sii qaadan doono daawada isteerooydka ah (tusaale ahaan, prednisone ama prednisolone), fitamiin D iyo kaalshiyam dheeraad ah ayaa loo qori karaa. Sababtuna waa in ay qaadashada isteerooydka muddo dheer hoos u dhigi karto awoodda jirka oo ah xoojinta caafimaadka lafaha, oo waxa ay daawadu hoos u dhigeysaa kaalshiyamka jirku qaadan karo. Si looga hortago in ay lafuhu daciifaan, ilmahaagu wuxuu u baahan doonaa kaalshiyam iyo fitamiin D badan. Farmashiistaha ayaa kaa hubin doona ceymiska caafimaadka haddii ay idinka bixinayaan daawooyinka ah fitamiin D iyo kaalsiyam marka ilmaha loo qoro.

Goorma ayaan la xiriirayaa dhakhtarka caadiga ah ee ilmaha?

La xiriir dhakhtarka ilmaha haddii aad ilmaha ku aragto:

  • Mid ka mid ah calaamadaha MIS-C mar kale, sida:
    • heerkulka ka sarreeya 100.4 º F (38.0º C).
    • nabarro ka soo baxa ama guduudiya afka, afka oo xanuuna (barara)
    • finan
    • indhaha oo is beddela, noqda guduud “dhibco dhiig ah yeesha” (daaf)
    • matag ama shuban
  • Calaamad kasta oo uga timaadda IVIG ama daaweynta isteerooydka ee ilmuhu ku soo qaatay isbitaalka, sida:
    • daalid
    • maqaarka oo si kadis ah isu beddela

Goorma ayaan aadeynaa imarjansada ama ER?

ER gee haddii aad ilmaha ku aragto:

  • xabad-xanuun
  • neefsashada oo ku adkaata
  • fuuqbax aad ka walaacdo
  • itaal darro, dheellatir la'aan, dareen jirka ah ama jahawareer (isbeddel ah neerfaha)
  • qoorta oo adkaata ama madax-xanuun

Miyey jiran wax kale oo aan u baahanahay in aan ogaado?

  • Marna ilmaha ha siin daawo ah NSAIDs sida Motrin® ama Ibuprofen® inta uu ilmuhu qaadanayo aasbiriin.
  • Marna ilmuhu yuusan ka qeyb qaadan jimicsi ama wax daal ku keenaya ilaa uu dhakhtarka wadnaha kugu yiraahdo waa OKEY in ilmuhu sameyn karo. Siday u badan tahay waxay qaadan doontaa 3 ilaa 6 bilood xanuunka ka dib.
  • Marna ilmaha yuusan qaadan tallaal ah faayrus nool ilaa iyo 11 bilood marka la siiyo IVIG.

Waxaa jirta khatar yar oo ah xaalad dhif ah oo la yiraahdo Reye syndrome oo lagu arko carruurta ay ku dhacdo ifilada ama infuluwensada (faayrus) marka ay aasbiriin qaadanayaan maalin kasta. Khatartaasi ma jirto marka aasbiriinka laga joojiyo ilmaha. Carruurta asbiriinka qaadata sannad kasta waxaa aad muhiim ugu ah waa in ay qaataan tallaalka fuluuga.

Su'aalo?

Macluumaadkan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, fadlan kala xiriir dhakhtarka.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota